Saadaashii Cali Guray kuwa ilaa hadda Rumoobay By Faarax Duulane.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Halgamaa Calli Maxamed Yuusuf  wuxu ka mid yahay dadkii noloshooda u hibeeyay sidii umadani uga xoroobi lahayd dhibaatadii ay kala kulmeen masuuliyiintii xukuumadii milateriga ahayd ee Soomaliya.

Calli wuxuu nasiib u yeeshay in ilaahay ku simo mudo ka dib goob jog u noqoshada weji ka duwan kii uu hore u soo maray xiligii halganka,Calli intaan ilaa hada ka arkay waa shaqsi ka nadiifa cadaadifadaha in halakeeyay ee qabyaaladu ugu horayso,wuxuu ka xor yahay mabaadiida ku salaysan hunguri iyo caloosha la ciyaarka in badan oo dad sharaf  leh galaaftay.

Hadii aan intaa ku dhaafo sifayn kooban oo aan ka bixiyey shaqsiyada Calli Gurey  waxuu sii saadaaliyey arimo badan xiligii uu ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye,markii uu talada qabtay Siilaanyo iyo xiligii xukunkiisaba.

 

Calli ayaa iskaga tegay xusbiga kulmiye  xili aanu talada dalkaba qaban,dadku siyaabo kala duwan ayay u fasireen arintan,dadka qaar  baa ku sheegay in Calli la iibsaday maadaama uu ku biiray xisbul xaakimkii xiligaa  talada wadanka hayey UDUB,Calli oo ah nin ilaahay xigmad badan ku manaystay ayaa markii uu xam-xamta maqlay jeclaystay inuu is beri yeelo,waayo kaadiriintii xiligaa ee kulmiye waxay ku horuu marasanaayeen dacaayadaha iyagoo runtana been u rogi jirey been qaawana subag marain jirey ilaahay idinma barakeeyo maxay dad majara habaabiyeen.

Mujaahid Calli ayaa maalin maalmaha ka mid isagoo warbaahinta la hadlaya wuxuu si farshaxanimo ah ugu guuleystay inuu Umadda u sharxo sababta uu xusbigii uu madada ku soo jirey uga baxay,wuxu Cali yidhi(Kulmiye waxan uga tegay koox xili gaara shirta,wax gaara isu sheega,wax gaarana isku og,  anigu waan aqbali kari waayay in odaygii oo geed lagu xidhay aan meesha iska sii daadwado) waxan Calli ka raali gelinayaa hadii hadalka aanan sidiisii u odhan qayb ka mida,laakiin nuxur ahaan intan uun bay ahayd.

Saadashan waa la arkay waana tan maanta socota midhiheediina la goostay,sida kooxdaasi waxa gaarka ah isku ogeyd dalkii u inqilaabeen,hada ku darsoo Calli ma odhan koox reer hebel ah,waana arinta ka marag furaysa inaanu Calli Gurey qabiili iyo cusnuri midna ahayn.

 

Calli wuxu hilaadiyey shaqada  dib u dhiska ee  ka socota madaarka Cigaal in aanay ahayn mid Dalka iyo Dadka anfacaysa,wuxu mujaahidku xiligaa carabka ku dhuftay in meeshaa lagu wado farsamo aan hagaagsanayn taas oo aynu ka xusi karo qalabkii lagaga shaqaynayay oo uu ku tilmaamay kaaryoonayaal iyo majarafado aan waxba dhaaf siisnayn,maalmo ka dib arintan waxa Calli uga marag furtay saxaafada oo soo sawirtay kaaryoonayaasha iyo majarafadaha mujaahidku sheegay.

Saadashan waa la arkay waana tan maanta fashilkeedii laga dabaalan la’yahay,ku doarsoo ilaahay khaayinka uma xil qariyo,qurbajoogii diyaarada ku waaayay sababta madaarka ayaa mar kale dooxa arabsiiyo ku oodmay oo warbaahintii cabashadoodii soo tebisay,jeclaan lahaa wasiirka duulistu iyagoo jig-jiga u dhaafa ilaa wuu ka ledi waayay qayladoodee.

Mujaahid Calli wuxuu saadaaliyey in Madaxweyne Siilaanyo taariikhda ku geli doono hogaamiyihii ugu xumaa ee Somaliland soo mara in kastoo aanu isagu sidaa la jeclayn.

 

Saadashana waa la arkay oo maanta sadex sano gudohood ayaa madaxweynuhu limiyey kalsoonidii bulshada,halka madaxweynihii ka horeeyay dalka maamulayey mudo sideed sanadood ah,sida maanta xaal yahayna  dadku waa og yahay.

Bulshada Soomlida difaaca qofka xun iyo ka guul daraystaa ku gabadaan  waa qabiil dabada la geliyo l,oo ah meel uu ku sii heli karo cimri dherer ilaa daqiiqada ugu danbaysa uu galaafta dal iyo dad.

Waxa loo baahan yahay in Madaxweyne Siilaanyo  tashado intaanay saadaalo kalena ku rumoobin,laba arinba waa u  furan yihiin,ta kowaad in  mudada xilka kuu hadhay hadii ilaahay kugu simo aad masaxdid xumaanta dadkii aad aamintey kuu beereen oo ay ugu horeeyaan wasiiradda beeshaada ee lama taabtaanka ah,ta labaad inaad umadda taladeedii ku soo celiso adigaa qabanaya doorashooyin xiligoodii ka soo hor mara.

Wixii aan labadan ahaynba waxad sii dhex gelayaasaa dhibaato iyo mashaalkil aan weligeed kaa hadhayn.

 

Somaliland ha noolaato.

Faarax Duulane(Sama-wadde)

sixitaan@hotmail.com

Burco

Leave a Reply