Saddex Qof Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika Markii Dab La Qabadsiiyey Dukaan Ay Dhex Jifeen.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Sadex nin oo Soomaali ah ayaa ku dhintay markii lagu gubay dukaan ay ku ganacsanayeen oo ku yaala degaanka Tempisa ee duleedka Magalada Johanesburg ee dalka Koonfur afrika sida ay ku waramayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Xiliga dabka la qabadsiinayey dukaanka ayaa aheyd xalay saqdii dhexe, waxaana xili ay dhex hurdayeen sadexdaas dhalinyarada Soomaalida ah dab qabadsiiyey kooxo Koonfur afrikaan ah.Wiilashada Soomaalida ah ee sadexda qof ahaa ayaa la sheegay in meydkooda oo gubtay laga soo saaray dukaankaas iyadoo maantana la aasay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxo Burcad ah ay isku dayeen inay dhacaan oo ay Jabiyaan Dukaanka hase ahaatee Dhalinyarada Dukaanka Jiifay ay iska caabiyeen iney dusha ka gubaan dukaanka oo au gudaha ugu jireenn wiilasha Soomaalida ah.

Ciidamada Booliska iyo dadweyne fara badan ayaa buux dhaafiyey goobta mashaqada naxdinta leh ay ka dhacday, iyadoo falkana uu qeyb ka yahay weerarada joogtada ah ee lagu ugaarsanayo Soomaalida ku nool dalka koonfur Afrika oo boqolaal ka mid ah horeyba loogu dilay dalkaas sanadihii u dambeeyey.

Xukuumadda South Afrika ayaa ka gaabisay in ay wax ka qabato dilka arxan-darada ah ee shicibka Somaliyeed ee dalkaasi u qaxay lagu hayo.

 

Burcomedia.com

Head Office.

Leave a Reply