Sadexdii Dhadhaar Ee Dherigaygu Saar’naa Miyay Kala Dhaqaaqeen? By Osmaan Yuusuf.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Dhinicii wasiirada dhuumalaysi mooyee ma hurday dhakooleen
sidii dhiidhi loo galay
Xirsi dhoodi meerkii iyo faanki lagu dhibay…
ma dhig dhigin ayaamahan miyay dhabaq day shee kadu?

Cukusana dhankiisii amaantiisi dheerayd mala dhuuntay waaya han?

Ina Xaashi dhoon keer miyuu eeday dhabaqii Kuwait looga soo dhigay
iyo faanki dheeraa mahaday dhirbaaxadu niniciisa taalaa?

Siilanyo dha gidii hurdadiisi dheerayd dhab miyuu u jiifaa sawkan
xaalki kala dhacay shalay duhur dharaareed dheemalki uu galay
intuu dhagaxyo buux saday kolba gobol ma sii dhigay balla mihiisi
dheeraa =E9n laga dbabayn jirin maku dhaabay shacabkii sido dhiilo
noo timi ama foodki dhaw yahay dhayal maaha xaajadu manta
waa dharaar culus kulmiyana madheeliyay haamihii dhitaysnaa
iyo dhiishi lagu raray ma dhexday kulaa ceen?

Samaalana dhankiisii wixii baanka loo dhigay ma dhuf saday
ayaamahan dhicistii cashuuraha baabuur,tay ka dheefeen
mahaday dhibaysaa kolba dayr lasoo dhigay sheekh,aan
wax dhaadini ceeb kama dhamaadee mahaduu dhunkaal
cunay iyo dhiig islaameed dhuf sadeen cashuurii laga dhuray
Agoomaha iyadoon wax loo dhigin?

Baarlamaanki dhoohnaa =E9n laga dhamaa nayn dhayal maysu
feedheen xeeraan dhamaanayn dhex doodii mayaalaa shir gudoonki
loo dhigay kolba mays dhegays teen shacab kuna dhan kooduu
sii dhu,anayaayoo dhawra yaa ayaamahan bal waxay kadheefaan

Guurtidii dhagta ahayd marka xaalku kala dhaco lagu dhaadan
Jiray beri khilaafkii markaa dhaca inay soo dhameeyaan
Saleebaanki buuraa sidii loogu beegee badhtan kooda loodhigay
Taladii balaadh nayd buruud koodi iyagana belaw timi biil
Kooday ilaashaan si,aan looga kala badhin

Aniguna dhan kaygaan kolba sii dhugtaayoo
dhawrayaa ayaamahan waa inoo dharaar kale

Cirro inuu ka dhiidhiyo waxan maanta la hor dhigay
shacabkiina lagu dhibay iyo inuu is dhalan rogo dhaqan
kuu lahaan jiray inta laacyar loo dhigo uu dhameeyo
xeerkaa xaaraanta laga dhigay lagu dhibayo shabkii.

Osman Yusuf.

Denmark.
barre408@yahoo.dk

Leave a Reply