Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Dilay Dagaalo Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sh/dhexe.

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Dagaal khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay degaanka Hilowle-gaab oo hoos yimaada degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamo taabacsan Al-shabaab iyo maleeshiyo ka tirsan dadka degaanka.

 

 

 

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay qaar kalena awey ku dhaawacmeen dagaalkan illaa hadda aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya lacago Al-shabaab aay weydiisatay dadka degaanka oo lagu gacan seyray.

 

 

 

Labada qof ee geeriyootay ayaa waxaa ku jiray taliyihii hogaaminayey ciidamada Al-Shabaab ee degaanka Hilowle-gaab ku sugnaa iyadoo wararkuna ay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab oo dagaalka looga taag roonaaday ay gurmad ka dalbadeen degaan lagu magacaabo Ceeldheer.

 

 

 

Inkastoo ciidamada dowlada iyo AMISOM ay maamulaan degaano ka tirsan Sh/dhexe sida Balcad Jowhar iyo Mahadaay ayaa haddana xoogaga Al-shabaab waxay weli iyana joogaan degaano kale oo hoos yimaada gobolkaasi.

Burcomedia.com.

 

Leave a Reply