Sedexdda Xisbi Qaran, Xukuumadda iyo Gudida Komishanka Oo Wada Jir Qalinka Ugu Duugay Heshiis Laga Gaadhay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Filed under: Latest News |

Hargeysa(BM)-Axsaabta qaranka ,Gudiga koomishanka doorashooyinka  Somaliland iyo xukuumadda ayaa maanta Qalinka ku duugay heshiis dhigaya in labada diiwaangalinood la kala saaro oo mudnaanta koobaadna la siiyo diiwaanglinta codbixiyeyaasha si aanay dib ugu dhicin doorashada madaxtooyada oo ku beegan 2015-ka.

Kulankan lagu saxeexay heshiiskan oo ka dhacay Hotelka Ambasadoor ee Hargeysa ayaa waxa soo qabanqaabisay Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, waxana wada saxeexay saddexda xisbi qaran, koomishanka doorashooyinka iyo xukuumadda Somaliland.

Heshiiskan ayaa waxa goobjoog ka ahaa dhamaan daneeyeyaasha doorashooyinka, bulshada rayidka ah oo si gaar ah insha ugu hayey diiwangalinta si doorashooyinku ugu qabsoomaan wakhtigoodii.

Sidoo kalewaxa la xusay muhiimadda diiwangalinta madaniga ah iyo in ay u baahantahay in la siiyo wakhti dheer oo ku filan si loo hirgaliyo diiwangalin wada gaadha shacabka Somaliland oo dhan.

Heshiiskan ayaa waxa qalinka ku duugay gudoomiyeyaasha saddexa xisbi qaran, gudoomiyaha koomishanka doorashooyinka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha.

Heshiiskan ayaa wuxuu horseedayaa in la sameeyo diiwaangalinta codbixiyeyaasha si doorashada madaxtooyadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talogalay.

Heshiiska 3 Xisbi qaran iyo qodobada oo kooban halkan hoose ka akhriso

1. Diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo ta madaniga ahiba aad ayey muhiim ugu yihiin qaranka Somaliland.

2. Doorashadu waxay ku hirgalaysaa:

· Diiwaangalinta codbixiyeyaasha waxay si buuxda uga madaxbanaantahay diiwaangalinta madaniga ah.

· Waxa laga baxayaa khalkhalkii cida qabashada doorashada leh

· Wakhtiga la haysto ayaa lagu qabankaraa diiwaangalinta codbixiyeyaasha.

 Waxaynu u madaxbanaanaanaynaa inaynu isticmaalo qalab casri ah oo suurgalinaya diwaangalinta codbixiyeyaasha.

· In siyaasadda laga saaro diiwanglinta madaniga ah

3. Diiwaangalinta codbixiyeyaashu waa inaanay u wiiqmin lacag la’aan awgeed

4. Waxa la dajinyaa jadwalka nidaamka diiwaangalinta iyo doorashada (Roadmap).

 

Geesta kale waa markii u horeysay ee arintan dhincayadda ay qusaysaa ay  Go’aan wada jir ah ka gaadhaan.

 

 

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply