Shabakadii Ugu Weyneyd Ee Baahin Jirtay Wararka Xarakada Al-Shabaab Oo Hawada Laga Saaray Iyo Warar Kale.

Filed under: Latest News |

Hargeysa(BM)-Shabakadda Somalimemo oo aheyd mida ugu weyn ee baahin jiray wararka ku saleysan siyaasada iyo afkaaraha Xarakada Al-shabaab ayaa laga saaray hawada oo gebi ahaan la xiray labo maalin ka hor.

Somalimemo ayaa baahin jirtay dagaallada ay Al-shabaab kula jirto dowladda iyo howgallada ay ka sameeyaan gobollada dalka qaarkood, sidoo kale waxaa lagu baahin jiray khudbadaha iyio fariimaha ay soo diraan afhayeenada iyo madaxda kale ee Al-shabaab iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta loo xiray, waxayna aheyd isha ugu badan ee laga qaadan jiray wararka Al-shabaab.

Shabakaddan oo isticmaali jirtay bogag dhowr ah oo kala ah: Somalimemo.net. Somalimemo.so iyo Somalimemo24.com ayaa gabi ahaantood la xiray waxaana ku qoran marka aad gasho erayo Ingiriis ah oo lagu sheegayo in la xiray.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili sannadkan gudihiisa laga xiray Al-shabaab baro fara badan oo ay ku lahayd bogga xiriirka bulshada ee Twitter-ka, ka gadaal markii ay ku sheegteen weeraro kala duwan oo ka dareysiiyey dalalka reer galbeedka.

Maamulka Shabakadda Somalimemo iyo Al-shabaab ayaan weli ka hadlin sababta loo xiray, sidoo kale shirkada ay ka diiwaan gashaneyd shabakadan ayaan ka hadlin waxa keenay iney xiraan bogga Somalimemo oo ay ku taxnaayeen kumanaan qof oo caalamka ku baahsan.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa horay u sheegay in sababta loo xirayo baraha ay leedahay ay qayb ka tahay qorshayaal lagu doonayo in dunida looga qariyo xaaqiiqada iyo dagaallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Shabakaddan Somalimemo ayaa todobadkii hore si weyn u baahinaysay weerarkii Al-shabaab ku qaadday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo dad badan ay ku dhinteen, iyadoo Somalimemo muddo kooban ay hawada sannadkii hore 2012-ka inkastoo maamulkeedu ay sheegeen xiligaas iney aheyd cilad farsamo oo iyaga u gaar ah.

Al-shabaab ayaa waxaa horey looga xiray bogag dhowr ah oo ay ka mid yihiin Almujaahid.com, Almujaahid.net iyo qaar kale oo codkooda ku hadli jiray ka dib markii shirkadihii laga diiwaan geliyey uu cadaadis kaga yimid dowladaha reer galbeedka oo Al-shabaab u aqoonsan iney tahay koox argagaxiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacida.

 

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland.

Leave a Reply