Shacabku Waa Inay Madaxtooyada Horteeda Taxriir Ka Dhigaan Qalinkii Abbas Abdirahman Said.

Filed under: Articles-Maqaallo |

waxaan caawa qalinka u qaatay inaan wax ka idhaahdo xaqdarada iyo tacdiga lagula kacay shicibka taagta daran ee lagu kordhiyey cashuurta iyadoo dawlada uu siilaanyo hogaaminayo ay arkayso dhibaatada iyo dhaqaala xumida ka taagan wadanka oo ay iyagu sabab u yihiin waayo waxaa sababay  in dalku uu dhaqaale xumo ku dhacdo ilihii dhaqaalaha ee wadanka ee dadka danyarta ahi ku noolaayeen ay dawladu kooto u gelisey dadgaar ah (ashkhaas gaar ah ).

none; mso-layout-grid-align: none”>shacabku maanta talaabo uu qaadi karaa majirto inay farta dhexda ka qaniinan mooye waayo?iyagaa doortay oo fartooda ugu codeeyey dadkan sidan u gelaya taas waxaa shacabka usii dheer in caawimadii ay ka heleyeen dawladaha shisheeye la musuqmaasuqay  oo dib iyaga looga iibiyey halkii loo qaybin lahaa, shacabku waa makhraati iyagoo indhahooda arkaya ayay dawlada siilaanyo hogaaminayo  ay isku tuur tuurtay laakin waxay ku cadaatay in madaxtooyadu ay bariiskii umada loogu soo dhiibay ay dhaafi weydey.

maanta waxaa shacabka u cadaatay in golaha baarlamku aanay matelikarin aragtidooda ee ay metelaan dawlada uu siilaanyo hogaaminayo waayo? baarlamanku xaqdaro cad iyo tacadi cad oo cid waliba arkayso ayay indhaha  caad iska saareen oo ay ansixyeen iyagoo eegaya danta dawlada doonaysa inay dalka boobto shicibka masaakiinta ahna ku tumato.

caqliga saliimka ah maanta miyuu ku fekeri lahaa arintan oo kale waayo shacabka dalka jamhuuriyada somaliland ma qaadi karo cashuur lagu kordhiyo ee wuxuu u baahan yahay  caawimo, dalkeena markaad dhinac kasta aad ka eegto waxaa ku habsatay dhaqaale xumo aad u daran oo aanay abid dalku soo marin.

hadaba hadii talaabadan ay dawladu qaaday waxaan shicibweynaha aan kula talin lahaa in madaxtooyada horteedu ay taxriir noqoto sidii masar oo kale dadku isugu soo baxaan oo ay banaanbaxyo waaweyn soo qaban qaabiyaan ilaa ay meesha ka baxayaan kooxdan aan naxayn ee meel ay wax ku wadaan aan lagaranayn.

shicibka masaakiinta ah waxaa lagu khaldayaa in dhagax dhig been ah lagu jeediyo goobo dawaladaha hoose dhiseen oo lagu dhisay chashuurtii shicibka laga soo ururiyey iyadoo dawlada  dhexe sheeganayso   iyagoo balanqaadyadii ay shicibka u qaadeen uga dhigaya balse shicibku wuu fahansan yahay.

 

 

WABILATI TAWFIIQ

Abbas Abdirahman Said

juba, south sudan

Leave a Reply