Sheikh Axmed Madoobe Oo Si Wacdaro Leh Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho Safar Uu Ku Tegay.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ee xarunta Somaliya .

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey wasiiro ka tirsan xukuumada oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Nuur  Tarsan, saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada, ururada haweenka, iyoi barbaarta Gaashaaman oo halkaas ku soo bandhigay suugaan kala duwan oo soo dhoweyn ah.

Axmed Madoobe ayaa mid mid u gacan qaaday xubninihii soo dhoweeyey, isagoo ay ka muuqatay farxad badan gacantana kor u haadinaayay.

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu saxaafada la hadlo kana warbixiyo socdaalka isaga iyo wafdigiisa ku yimaadeen magaalada Muqdisho, iyagoo saaka ka soo dhoofay magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose, waxaana inta uu joogo Muqdisho uu kulamo la qaadan doonaa madaxda sare ee dowlada Somalia.

Geesta kale Socdaalkan uu Axmed Madoobe ku yimi Muqdisho ayaa ka dambeeyey  heshiis dhowaan uu maamulkiisa la saxiixday dowlada Somalia ka dib wadahadalo ku dhexmaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, waxaana heshiiskaas uu soo afjaray khilaaf ku saabsanaa maamul sameynta Jubooyinka oo labada dhinac u dhexeeyey.

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply