Shilal Dhimasho iyo Dhawaac Sababay Oo Ka Dhacay Barriga Burco Iyo Maamul Xumadda Siilaanyo.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Ugu yaraan Afar baabuur oo Xoolo iyo Dad siday ayaa isku jiidhay goob kali ah oo ku taala meel u dhaxaysa tuulada Yaroowe iyo Beer ee bariga Burco ,Waxaana ku dhintay laba qof oo saarnaa labada gaadhi midkood halka ka kalena ay ku dhaawacmeen dad badan.

Labada gaadhi ee shilka sababay waxa uu midkood ahaa UD siday Adhi, halka ka kale uu ahaa gaadhi Waaraad ah oo Caws doonayay waxaanay isku galeen meel u dhaxay Beer iyo Yaroowe, halkaas oo ay ilaa hada labadii gaadhi ku go’an yihiin Jidkii la mari lahaa, iyadoo ay jiraan dhaliilo loo soo jeedinayo Ciidanka Taraafikadda oo aan u gurman shilkaasi. Isla goobta ay labadaas gaadhi isku jiidheen waxa ku qalibmay gaadhi kale oo Waaraad ah oo siday Xoolo kaasoo markii uu ku soo baxay labada gaadhi oo yaala goobtii ay isku duqeeyeen oo aan wax calaamad ah la dhigin ka weeci wadadii ka baxay oo ay ku dhaawacmeed Dadkii iyo Xoolihii saarnaaba.

Sidoo kale, isla goobtaas waxa Qof Haween ahayd oo taagnayd wadada badhtankeeda oo ka mid ahayd sida la sheegay dadkii goobta joogay ku jiidhay gaadhi MarkII ah oo isna goobta ku soo mudh yidhi isagoo aan ogayn shilka. Shanshacade oo ah tuulo u dhaw Caynaba oo ku taala jidka ayay iyana isku galeen laba Baabuur oo kale oo midkood Xoolo siday, waxaana ka dhashay khasaare kale oo aan ilaa iyo hada la ogayn inta uu leegyahay, hase yeeshee waxa lagu soo waramayaa khasaaraha ka dhashay in uu balaadhan yahay. Ina Af-madow oo ah goobtii uu dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Dhagaxa usoo dhigay Jidka isku xidhaya Ceerigaabo iyo Wadada Laamida ah ayuu iyana ku qalibmay gaadhi kale oo Xamuul ah kaasoo dhaawiciisii loola soo cararay Cisbitaalka Burco.

Masiibooyinkan is biirsaday ee shalay ku habsaday dariiqa ka baxa Burco waxa uu kashifay marka laga yimaado khasaaraha ka dhashay Maamulka Tarafikadda gobolka Togdheer oo aan wax Gurmad ah u samaynin saacadihii loo baahnaa, waxaanay dhibaatada ugu badani ka taagnayd labada gaadhi ee Yaroowe iyo beer isku galay oo midkood Dirawalka Shookaanto ku dhagtay oo loo waayay wish lagaga jiido, arrintaas oo uu markii danbe u dhintay Dirawalku sida uu Wariye Sakaaro dad xogogaal ahi u xaqiijiyeen .

Sidoo kale, Ciidanka Taraafikada Gobolkaasi ayaa ku Guul daraystay in ay wax Calaamad ah ku dhajiyaan Goobta labada gaadhi ee hore isku jiidheen, arrintaas oo sababtay labada Shil ee danbe ilaa hadana dadka Jidkaasi ku sugnaa waxa ay xaqiijiyeen in aanay jiri Astaamo lagaga baydho goobtaasi isla markaana ilaa hada Taraafikada umuu  suurtogelin meel ay gaadiidku uga leexdaana wadada.

 

Axmed Sakaaro.

Burcomedia.com

 

Leave a Reply