Siilaanyo Ceebtiisa Iyo Qabyaaladiisu Maahan Wax Uu Ku Qarin Karo Socdaal Uu Meel Ku Tago Ee Waa In Uu Soo Qabtaa Wasiirada Dhacay Lacagtii Kuwait Iyo Tii Dalkaba By Daahir.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada somaliland waxaan leeyahey “ascw” Ka dib waxaan la soconaa in maalmahan u danbeeyey uu siilaanyo socod aan ujeedo laheyn ku maraayo burco iyo barbara oo uu sii marey iyadoon reer barbara si aad u buuran u soo dhaweyn halka reer burcana la arkaayey in caruurtii dugsiyada dhiganeysey sidii maamulkii siyaad bare la soo saarey, waana ceeb in qof hogaamiye ah caruurta xiisadooda loo seejiyo, oo la yidhaado wadooyinka is taaga!

Socodka siilaanyo ee uu maanta iyo shaley uu ku joogo burco iyo dhulka u dhow waa mid jaahwareerka soo food saarey iyo xatooyada xoolaha ummada lagu qarinaayo, siilaanyo mashaariicada uu furo inta badan waa kuwo aan xukumadu fulin balse ay fuliyaan dowladah hoose ee deegaamadaasi, ilaa hada wax ay xuklumadu fulisey oo dhistey anigu ma garanayo marka laga reerbo, biriishkii hargeysa ee qeybta dhistey, hadab iyadoo ay ceynkaasi tahey ayuu kolba meel dhagax dhigaa waa been iyo jaahwareer dadka lagu qaldaayo oo xoolaha ummada ee la boobaayo lagu qariyo.

Siilaanyo waxa uu ilaa hada ummada ka qancin laayahey lacagtii $10 milyan ee doolar oon ilaa hada la aheyn meel ay mareen iyo wax lagu qabtey, marka madaarkii la lahaa waa la dhiseyna waa ka ceebtiisa diyaaradahii ka yaaceen.

Hadab waxaan odhanlahaa sakaaro xaar muuqda ayay aas aastaa siilaanyo ceebtiisa iyo qabyaaladiisa maahan waxa lagu qarin karo socdaal, burco ,berbera , lagu tago e waa in uu ragii lacagta ummada dhacey jelka soo dhigaa hadii kale waa in isagu xilka ka degaa oo uu ceebtiisa qirtaa.

WQ: Tahir hussein (xumandiid).

Email: waayo_aragman@yahoo.com

Leave a Reply