Siilaanyo Hanti Boobka Uu Dalka Ka Wadaa Waa In Ficil ahaan Wax Looga Qabtaa !!! By Daahir Xuseen

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanaba shacabka Somaliland iyo saxaafada.Ka dib waxaan la soconaa in Somaliland ay maanta ugu xuntahey uguna ayaan darantahey, sababtoo ah waxaa dalkii ku habsatey kooxo dhuuni qaatayaal ah, ka dib markuu xilkii loo igmadey ee hogaamineed ku fashilmey hogaamiyaha gabalkiisu sii dhacaayo ee siilaanyo.

-waxaa la dhacey lacagtii Hargeysa Airport oo lagu qiyaasey $10/milyan dollar.

 

-Waxaa si cad uu madaxweyne siilkaanyo u daadifeeyey in uu la xisaabtamo ama gudi madax banan loo diro eedaha musuqmaasuqa ee golahiisa wasiirada, sida wasiir ,Xirsi, wasiir,Samaale, wasiir, usaama, wasiirka macdanta iyo biyaha, oo dhamaantood ay fadeexado waaweyni dul hoganayaa, ayaa gabi ahaanba waxaa diidey in masuuliyiintaasi lala xisaabtamo ama isaguba xisaabiyo oo uu weydiiyo maalkii dadweynaha meesha ay mariyeen.

 

Siilaanyo waxa kale oo uu somaliland ku soo kordhiyey in uu sidii Xamar xildhinaanadii codkoodii ku iibsado lacag xaaraan ah oo ah in la musuqmaasuqo hantidii ummada iyo dalka waxa loogu qabanlahaa oo sharci daro ku ah cidkasta ilaa madaxweyne dano gaar ah u adeegsada hanti aanu xaq u laheyn ,sharci u xalaaleynayaana aanu jirin, in uu sida uu doono ka yeelo.

 

Waxa meesha ka muuqada in dalkii la galiyey fowdo maamul, oo cidkastaa sida ay doonto yeeleyso, siilaanyo waxa u badheedhey wax walba in uu laaluush iyo xoog ku meel mariyo.

 

Shacabka Somaliland ama reer Hargeysa waxaan ka codsanayaa in ay ka dhiidhiyaan, nimanka lacagta 5milyan ee dollarka ah lunsadey ee hadan ummada beenta wali la soo hortaagan.

 

Waxa kale oon shacabka Somaliland u sheegayaa Siilaanyo in uu ku fashilmey hogaamintii dalka ,uuna noqdey odey qabiil balse aan aheyn madaxweyne qaran, waana in talaabo laga qaadaa, aan waxaba loola hadhin ayaan ku talinayaa, sababtoo ah siilaanyo waxa uu ogalaadey, in somaliland la burburiyo, oo dhaqaalaheedii iyo sumcadeediiba uu qabiil ku doorsadey sidaasi darteed maahan in uu ummada sii hor joogo, waana in meesha la dhaafiyaa laguna dhawaaqaa in doorashooyinka la soo hor mariyo, waqtidii loogu tala galey sababtoo ah dalka maamul kama jiro gaadhsiiya muadadii xisbigii kulmiye la doortey.

 

-Waxaan lunsadey $5 milyan oo doolar walina dadka ayaan horjoogaa beena ku sheegayaa,waxa kale oon laaluushayaa golahii shaqadiisa gabey oon lacag sharci daro ah oo xatooyo xoolo dadweyne ah danaheyga ugu fushanayaa waa caalamadaha xukunka fashilma ee waliba ka leexda talada xisbiyada badan isuna badala niaadka iqilaabka milatariga oo kale, siilaanyo waxa uu hada u dhaqmaa sidii nin meesha xoog milatri oo kale kula wareegey wax kastana waxa uu adeegsadaa xoog in uu ku meel mariyo ,taasina waa ta dalkii maanta ka tuurtey meel la biliqeysto oo waxkastaa isku
dhexyaacaan.

 

Wq,Tahir Hussein.

 

waayo_aragman@yahoo.com>

Leave a Reply