SIILAANYO IYO HABDHAQANKIISA QABYAALADEYSAN WAA WAXAAN QARSOOMI KARIN!‏ By Daahir Xuseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |
Ugu  horeyn  salaam  iga  gudooma  ka  dib  , bal  aan  wax  yar  ka  idhaahdo  meesha  uu  maanta  marayo, horumarka  iyo  dib u  dhaca  dalka  somaliland.
2010- kii  ayaa  waxa  la  doortey  xisbigii  kulmiye  oo  uu  jagada  madaxweynenimno ku  qornaa  madaxweynaha  hada  ee  siilaanyo, dadku  waxey  doorteen  xisbi   aanu  qof  iyo  reer toona  laheyn balse  habka  siyaasada  markaasi ahaa  xisbi  aan  awooda  taageerayaasha  waxaan  aheyn  ku  tiirsaneyn.
Somalida  ayaa  ku  maahmaahda  doqon  looma  gargaaro, lamana  gargaar sado!
Markii  siilaanyo  la  yidhi  waxaad  tahey  madaxweyne  waxa  uu markiiba  geeska  galiyey  sida  dibada  oo  kale  hogaankii  iyo  madaxdii  saxibada  kula  ahaa  halgankii  ay  guusha  ku  hanteen, taasina  waa calaamadaha  lagu  yaqaano,  in aanu  qofku  aheyn  qof  leh  barnaamush, aan  aheyn  in  uu  yahey  daneyste  aan  dal  iyo  dadtoona  waxba  ka  galin.
Waxa  uu  markiiba  dhisey  gole  wasiiro  ah  ooy  ka  dhexmuuqdeen  sadex  ilaa  afar  qof  oo  tayo  leh, sida  wasiirkii  arimaha  gudaha, dr  gaboose,  eng, maxamed  xaashi  cilmi. dr  sacad  cali  shire  dr  xusseen  xoog. iyo  malaha  mid  iyo  laba  kale  balse  hada  ma  xasuusni.
Markii  uu  mudo  socotey  golahii  wasiirada  ayuu  siilaanyo  arkey  in  aaney  xubnahan  aheyn  kuwii  uu  hantida  dalka  si  uu  u  xado  u  suuro  galinlahaa  waxaanu  keensadey  xubno, aan aqoon  iyo  waayo  aragnimo  siyaasadeed  iyo  mid  dhaqaale  toona  laheyn  saaxada  siyaasdana  kow  ka  ah,  siilaanyo  waxa  uu  ogaadey  in  uu  danahiisa  ku  fushan  karo  qof  hada  cusub  oo  wasiirnimada  ay ugu  horeyso, waxaanu  keensadey  xubno  wada  cusub,  oon  hore  xitaa  u  gaadhin  xil, directors  wassaaradeed  ama  xilal  kale, oo  waliba  laheyn  aqoon  lagu  xusho.
wasiirada, madaxtooyada,  duulista  iyo  hawada,  maaliyada,  waa  xubnaha  uu  madaxweyne  siilaanyo  sida  dad  ban  u  isticmaalo  ee  uu  u  maro  boobka  iyo  lunsiga  hantida.
Siyaasadan  aan  hadafka  laheyn  ee  siilaanyo  marka  laga  tago, in  uu  hantida  dalka  uun  si  qaraabo  kiilnimo  ah  dadka  looogu  kala  miiso, xilalka, dowlada, heydaha, dhawaan  waxaa  lagu  bixiyaa  hab qaraabo kiilnimo,  qofka  ay  siilaanyo  isku  heybta  yahiin  lama  badalo  waxa  la  badalaa  qofka  ay  kala  heybta  yahiin, waxana  kuu  cadeyneysa  talaabadii  u  danbeysey  ee  uu  komishankii  hay’ada  la  dagaalamka  aydhiska  ku  sameeyey  waxa  uu  badaley  agaasimahii  hayádaasi, dr, maxamed  dahir  khayre, waxaanu  meesha  ku  reebey  ninka  ay  siilaanyo  isku  heybta  yahiin  ee  c/kariim  xinif, sababtoo  ah  isagu  waa  qabiilka  siilaanyo, halkaasi  ayaad  ka  arki  kartaan  siyaasda  siilaanyo  ee  ku  dhisana, jaceylka  iyo  eexda  qaraabo  kiilnimo  ee  uu  ummadii  u  kala  qaadey.
Hadaba  habdhqanka  ceynkaasi  ah  ee  siilaanyo  waxa  uu  dalkii  gaadhsiiyey  in ay  qaar  ka  mid  ah  golaha  wasiirada ee  waliba  loo  tiriyo  heybtiisa  in  uu lunsadeen  lacago  badan, sida  lacagtii  madaarka  hargeysa  ee  aheyd $10 milyan ee dollar, ee  kuweyd  bixisey, iyo  shirkadii  baasiinka  in  ay  qodo  la  rabey  ee Genel- energy ,ayaa  waxa  iyadana  la  sheegayaa  in  uu  musuqmaasuqey  wasiirka  macdanta, xusseen  cabdi  ducaale, sababha  maamul  xumada  siilaanyo  iyo  musuqa  faraha  ka  baxaey  waxey  dalkii  dhaxalsiiyeen,  in  xitaa  diyaaradii  Ethiopia  Airline  dalka  ka  cararto  oo ilaa  maanta  rag wasiirada  xukumada  siilaanyo  ka  tirsani  nidaam  daro  siyaasadeed  oo  ah  baryootan  Adisi-abab  u  joogaan  in  ka  badan  laba  week.
Wararka  ka  soo  baxaya  ergada  wasiirada  xukumada  siilaanyo  ayaa  ah  in sharkada lacag  la  siiyey  lagana  yaabo  in  ay  dhowr  duulimaad  hargeysa  ku soo  biimeyso  ka  dibna  istaagto  ka  dib  marka  dadka  loo  tuso  in  madaarka  la  dhisey, taasi oo  looga  gol  leeyahey  in  lagu  danbabaso lacagtii  madaarka  lagu  dhisi  lahaa  ee  la  xadey.
Ugu  danbeyn  siilaanyo  waxa  uu  dalka  iyo  dalkaba  ku  soo  kordhiyey , qabyaalad  iyo  isku  dir  bulshada  dhexdeeda  ah  iyo  xatooyada lagu  hayo  hantidii  guud  ee  ummada  dhexda  u  aheyd, waxana  calaamad  su’aal  saarantey  cida  lacag  danbe  oo  mucaawi  mo  ah  lagu  aamini  doono,madama  xukumada  siilaanyo  noqotey  mid  wax  walba  jeebka  ku  shubata.
Wq: Tahir hussein (xumandid)

Leave a Reply