Siilaanyo: Gabowdaye Guurtida Ku Biir Qormadii Qalinkii Libaan X.Fagadhe.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Madaxweyne Riyaale  xiligii uu haystey waxyaabo badan oo ay ka mid aheyd axsaabtii iyo ku talaabsiga habkii dimuquraadiga ayaa aheyd mid aad loogu xasuusto balse taasi waxay baaba’day  sanadii 2008  sababtuna ahayd in uu mar uun sidii uu kursiga madaxweynaha hada talada hayaa ufuulilahaa waxaa xiligaa jirey ragbadan oo in ay is sharaxaan oo ay tartamaan wixii alle uga qorana ka qaadaan rabey balse si kale uu Siilaanyo ukhaarajiyey.

 

Shirkiikii Burco 2008kii ee kulmiye  waa kii ay somaliland ku wayday dimuquraadiyadii iyo wadalahaanshii xisbiyada waxaana taa kuu cadeyneysa markii uu Siilaanyo yidhi doorkan anaga hanaloodaayo marka xigtana idinka waa tii la inoogu sheegay in laba reer ay wax kala qortaan oo ay heshiis hoose ku galeen in dimuquraadiyadii laga guuro loona guuro qaab Beeleed sidii loogu qaybsanlahaa.

 

Waa kii aynu ku waynay saddexdii xisbi ee loo sinaa ee sadex qof oo walaal ah oo guri kuwada nooli oo ay kala noqon jireen wixii shirkaa 2008 ka horeeyey midi Ucid, midna Kulmiye, ka sedexaadna Udub taasi oo kuu muujineyso heerkii Dimuquraadiyada iyo in laga guury Qabiil oo loo guurey Axsaab  waxaanay dadku ay isku raacayeen fikirka iyo aaminsanaanta.

 

Waa ka qasbay in la samaysto ururo sita magacyadii Xawaaladaha oo kale balse macnaha ku duugan magacyada u ahaa anaa kaa baddan, anaa kaa mudan, managaan boqol gaadhin, iyo aabahay goblan oo markii axsaabta ugu horeysey ee Somaliland laga ga dhawaaqo qofkastaa waxa uu xisbiga uu doono ku galaayey fikir waxaana aan dadkaa ku qiyaasaynaa 75% (boqolkiiba shan iyo todobaatan .

 

Waa ta guri isugu xidhay Cirro, Warancade iyo Gaboose. Waa ta xisbi isugu keentay Saleeban iyo Siiraanyo oo aynu ognahay halka ay kale joogeen. Waa ta Abdiqaadir Jirde ku kaliftay inuu ka muuqdo madasha Xaqsoor.waa ta keentay in siyaasiyiin waawayn oo reer Somaliland ihi in marka ay fikriyan kaso horjeestan xisbi reeroodkooda in ay yidhaahdaan ‘Anigu xisbina ma galayo’  waa gartood oo ilayn sidan ay tahay reer kale ma noqon karaane.

 

Waxan xasuusta hees ay wiil iyo gabadhi darandoori ay u qaadayeen. Wiilka ayaa odhanaya ‘Miyaa loo dhashaa Wadani, mise waa layska dhigi karaa Wadani’, gabadha ayaa u jawaabaysa o odhanaysa; Waa loo dhashaaye sidee baa laysaga dhigi karaa wadani’. Akhristow caadifad yar oo caantayn ahi yaanay ku qaadin  uma jeedo xisbiga Wadani oo kaliya, ee waxan ka hadla yaa xisbiyadeena o dhan ayaa lo dhashaa.

Nin iyo wallaalkii oo doorkii hore u kala codeeyay Kulmiye iyo Udub, markii, caadaalad ama caddaalad daro, tay doontaba ha noqotee, ay nasiib u yeelan waayeen in xisbi ay leenahiin soo baxo, wa ayaanta bartay in ay yeeshaan shirar is daba jooga oo ay kagaga munaashaqoonayno sidii ay xisbi u yeelan lahaayeen doorka dambe.

 

Waa ayaanta la aasay bam aan uga baqayo in u ku qarxo beel kamid ah beelaha udub dhexaadka u ah Somaliland waxaan sanad bishii March ama bishii 4 ee 2013 qorey maqaal aan sookoobey oo waxyaabahan ka hadlaayey shacbigana aan ugu balan qaadey inaan taxaa kulafa guri doono .

 

Marnaba Siilaanyo ugama talogalin in xisbigan laftiisa kulmiye uu iska soo sharaxo nin beel kale ka soo jeeda ama ha ahaado Muuse Biixi Cabdi ama Samaale hanoqdo ama nin kaleba waxa uu ugu talo galey oo waliba shirkaa 2008 lagu gaadhey ninka layidhaa Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal maadaama ay gaboobeen in mid ay sameeyaan taas oo ah in ay bulshada reer Somaliland ay liciifiyaan si ay ugu suurto gasho in uu dalka waligii ka jiro hal xisbi oo maamulaa oo ay isku badalaan hal qoys oo kaliyi waana ta maanta keentey in C/casiis Samaale iyo Muuse is fahmiwaayaan. Ee horta malays weydiiyey Su’aal ah aynu isba eryanee horta maxaynu haynaa , Saaxiibayaal arintan oo kale waxaa layidhaa (quud aan jirin qoryo howguran) aniga liibaan fagadhe ahaan walaahi hadaad Muuse iyo Samaalow feedh isla dhacdaan  ma diidin ee waxaan ka biyo diiday beesha la rabo in madaxa leysku galiyo.Waxaan odhanlahaa maanta haleysku tanaasulo anigu sidaan wadkeyga uhubo ayaan uhubaa xisbigaa Kulmiye waxa uu Siilaanyo la damacsanyey oo waliba haleysku hambalyeeyo oo haleys garabgalo koley waa laga wada dharagsanyey ninka loo tanaasulaayo balse lasocda ajandahani waa markii uu Siilaanyo Caadiga ahaa in wadanka la baabiiyo bulshadiisa siloogu qasbanaado hal xisbi (Singal part) oo wadanka ka taliya inaan arintan soo galiyo waxaa kalifey in aan wax idiin waadixiyo.

 

Akhristow waxan intaa kaga baxayaa su’aasha ah, Doorashooyinka soo socdaa markay dhacaan, bal ii sheeg komishanka ku dhawaaqi kara reer Qudhac ayaa ka badisay reer Galool hadaabay talo fara ka baxdey oo ay shacbigii layiin kii ay xilka u igmadeen oo shaqadiisiiba cid aan loo igmani wado waayo waa waxyaabaha ay baylihiyiin golihii sharci dajinta ee aynu dooraney oo ka doorbidey dantii umada in sidii xoolihii dhaameelka loo lulijirey ay sugaan xerada madaxtooyada wixii kasoobaxa oo ama ay lacagi ugu jirto inay eegtaan inta golaha maalmahaa joogtaa mudo badan muwaadin waxaad maqashaa dhowr xeer oo la ansixiyey waxaa fadhiyey golaha 40 mudane hadaba xildhibaanadii kale xagey mareen? Qaar maba yimaadaan oo qoyska madaxtooyada ayey qadhaab udaba socdaan , qsybina qurbaha ayey ku soo maqanyiin waxaana maanta oo kale golaha wakiilada laga sugaayey inay dastuurkeena ku daraan (xeerka gabowga) oo ah ka wadanka maanta bad baadinkara oo laga dhigo sidii xeerkii marka madaxweynuhu geeriyoodo waxa dastuurkeenu  dhigayaa in madaxweyne kuxigeenka talada loo dhiibo .

 

Lasoco………

x.liibaan.x axmed

libanfagadhe_1@live.com

Leave a Reply