Siilanyo iyo qabyaaladiisu waa dhul-gariir! By Daahir Xuseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  guud  ahaan  bahda  saxaafada  somaliland ‘Ascww’.Ka  dib  bal  aan  wax  yar  ka  idhaahdo   Oday  siilaanyo  iyo  qabyaaladiisa  oo  ah  mid  meel  xun  dalka  ku  wada.

Waxaa  nasiib  daro  ah  nin weyn  oo  da’ahaan  (80) sanno  kor u  dhaafey  oo  shacab ay  dagaalo, colaad, dhaqaalo, la’aan daashadeen, ay  codkoodii  u  hibeeyaan  bal  in  uu  dadkan  iyo  dalkan  wax  u  soo  kordhiyo  uu  Raadkiisii  dib  u  raacey, isagoo ka  miisey  meesha  reerka  ugu  xun  oo  uu, shaqadii, hantidii  mansabyadii  oo  dhan  ay  iska  buuxiyeen  dad  ay  Odayga  isku  heybyahiin, isagoon  qabyaalada  haba  yaraatee  aan  qarsan  xitaa  oo  inamo  ay  isku  reeryahiin  xaniinyo  u  wada  yeeley, hantdii  iyo dhulkii  meeshii  waxyaaleenba  ay  sida  haadka ugu  dhacaan, sababtoo  ah  waxey  heyb  wadaagann  ninka  ay  dadku  u  doorteen  in  uu  doorkan  maanta  ah  dalka  hogaamiyo  ee  qabiileystaha  noqdey  ee  axmed  siilaanyo.

 

Bal  aan  wax  yar  idiinka  sheego  habdhaqanka  siilaanyo.

 

– wasiirka madaxtooyada  ee  xadhkaha  goostey, sababtoo  ah  waxa  uu  ogyahey  waa  kalsooni  uu  siilaanyo  ka  heysto,in aan  lala,xisaabtameyn  waana  isku  reer  waxa  uu  doonana  wuu qaribaa  cidina  waxba  ma  weydiiso  waayo  waa  qabiilka  uu  odeyga  siilaanyo  ka  soo  jeedo!!!

 

-Wasiirka  hawada  iyo  duulista  waxa  uu  baabiiyey  heybadii  wasaaradaasi,  isagoo  lacag  lagu  qiyaasey  $5 milyan ,oo  ay  dowlada kuweyd  bixsey, miyey dhis weydey  lacagta  intaasi  leeki, 3km oo run  wey  ah  ?  anigu  waxaan  qabaa  in  ay  dhisileyd  runway  calami  ah  dherar  ahaan  iyo  tayo  ahaanba  balse  lacagtaasi  waxaa  qeybsadey  wasiirka  duulista  iyo  madaxweyne  siilaanyo!!

 

-wasiirka  maaliyada  waxaan  heynaa  in  uu  lacag  badan  oo  wasaaradu  leedahey  lunsadey, oon  uu  siilaanyo  ogyahey  shuraakana  lagu  yahey  waxaan  doono  ayaan  cuneynaa  waxanan  lacagta  dowlada  iyo  heydaha  sharcigaba  ku  dileynaa  oon  kula  dagaalameynaa  waa  muuse  biixi  cabdi  dartii,  hada  waa  ninkii  kabaha  siilaanyo  toley, eeynu  ogayn  ee  heerkaasi  siilaanyo  gaadhsiiyey  ee  is  barbar  taagey  calshaan  waa  reer  hebel ,ayuu  waxasi  u  sameynaynaa!

 

Kibirka  iyo ismahadinta  wasiir  xirsi  ka  muuqdaa  waa  Adeerkey  ayaa  madaxweyne  ah!   mana  ahan  wax  uu  raga  kale  dheeryahey, kursiga  reerka  uu  yahneyna  kumuu  iman  siilaanyaha  uu  ku  dhaartana  reer  ahaan  waxba  ugamuu  dhigin  ee  waa  codkii  shacabka  somaliland  ayaa  waxaa  loogu  abaalgudey  waxaanu  nahey  reer  hebel  iyo  waxbaanu  isu  nahey!  waa wax  taariikhda  gashey  habdhaqanka  duulkani.

 

Siilaanyo, iyo  qabyaaladiisu  waa  wax  aan  la  eegan  karin, eex, ku  tagri  fal  awoodii  sharciga,  hanti  lunsi , garabeysi  xilalkii  qaranka, qabyaalad  aan  lala  xishooneyn, ixtiraam  daro, dalkii  iyo  shacabkii  loola  badheedhey  waa   dhulkoo  gariirey.

 

 

 

 

 

 

 

WQ/ Tahir hussein.

 

(waayo_aragman@yahoo.com

Leave a Reply