Siilanyo Wuxuu Dalka Ka Galay Denbiyo Waaweyn Oo Aan La Qarin Karin By Taahir Husseen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada iyo akhristayaasha sharafta leh, “Ascww”.Ka dib  waxaan doonayaa  bal  in aan  muwaadiniinta  dalka  leh  gaar  ahaan  dhalinyarada mustqabalka  dalka leh  ee  raba  in  dalkoodu noqdo  mid  sida  wadamada  dunida  oo  kale  noqdo  mid  loo  soo  dhoofo.

Hadaba  waxeynu  dooraney  sannadkii  2010-kii  madaxweyne  siilaanyo, balse  waxaa  inagu  dhacey  waxeynaan fileyn,

 

Danbiyada uu  Oday  siilaanyo dalka  ka sameeyey  tan  iyo  maalintii  la  doortay  oo  ah  kuwo  guuldaro  weyn  dalkii  ku  keeney.

 

 

 

Wasiirada  siilaanyo  waxey  ku  kaceen  musuqmaasuqa   baahansan  iyo  hanti  boob  fara badan,

 

-Siilaanyana  wuu  ku  raacey  in  wasiirkasta  uu  xalaashado  hantida  dadweynaha.

 

 

 

-Waxa  la  cunay  oo  la  dhacey  lacagtii  kuweyd ugu  deeqadey  in  lagu  dhiso  madaarka  hargeysa  oo  aheyd $10-malyuun,oo  dollar,

 

 

 

-Waxaa  xitaa  ilaa  hada  la  garanlaayahey  cidii  dhistey  madaarka  hargeysa  iyo  cid  ummada  ka  qancisa  cida  ka  masuulka  ah  markaasi  waxaa  iska  cad  in  wasiirka  duulista  iyo  hawada uu  gabi  ahaanba  lunsadey  lacagtii  deeqada  aheyd ee  loogu  talagaley  in  madaarka  hargeysa   lagu  dhiso.

 

 

 

– Waxaa  uu  siilaanyo  si  cad  u  diidey  in  uu  ka  jawaabo  dalabka  shacabka  somaliland  ee  ah  in  ummada  laga  qanciyo  fadeexada  madaarka  hargeysa.

 

 

 

-waxa  uu  la  saftey  oo  uu  taageerey  in  lacagtii  deeqda  aheyd  uu  wasiirka  duulistu  lunsado  ,maadama  uu  ka  jawaabi  waayey  dalabka  dadweynaha  reer  somaliland.

 

 

 

– Siilaanyo  waxa  kale  oo  uu ku  kacey  sharci  jabin, isagoo  awoodiisii  sidey  aheyd  u  gudan  waayey,  waxa  kale  oo  uu  qeyb  ka  yahey  musuqmaasuqa  dalkii  lagu  hayo, ee  boobka  hantida  dalka.

 

 

 

Siilaanyo  iyo  wasiiradiisa, maaliyada, wasiirka duulista, wasiir  xirsi,  wasiirka  macdanta  iyo  biyahu  waxey  dalkii  ku  noqdeen, KUDKA GEELA  DILA.

 

 

 

 

 

Maxaa  sabab  u  ah  in  dalku  heerkaasi  gaadho?  somalida  ayaa  ku maahmaahda  kuli  fidna  cinda  geeel. waa  Oday  siilaanyo, ayaa  kow  ka  ah, fadeexada  dalkii  ku  habsatey, isagaan  aabo  u  ah  golahiisa  wasiirada  in  maanta  somaliland  noqoto  Raq haad ku  dhacaayo  oon  cidba  is  weydiin  waxii  diley iyo  raqda  waxey  taheyba  iyo  cida  lehba!

 

 

 

 

 

Wq: Tahir hussein (xumandid)

 

waayo_aragman@yahoo.com

Leave a Reply