Socdaalkii Siilaanyo Ee Burco Oo Ay Hadhaysay Cabashooyin Xoogani ” Taasi Oo Sababtay In Uu Ka Guuro Guriga Martida Burco.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Madaxweynaha Somaliland axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo weftigii uu hugaaminaayay ee maanta Burco gaadhay ayaa waxa hadheeyay safarkoodii cabashooyin badan oo ka soo burqanaayay dhinaca shicibka .

Sidoo kale Madaxweynaha iyo waftigiisan ayaa waji gabax weyn kala kulmay safarkoodii ay ku yimaadeen magaalada Burco ka dib markii ardaydii soo dhawaynaysay madaxweynaha ay hal mar ku dhufteen cod dheer oo ah.
 
“madaxweyne cadaalad ayaan rabnaa kalitalisnimo diidnay musuq iyo qaraabo kiilna yeelimayno”
 Hilaw Helao2
Waxyar ka dib markii ay ereyadaasi isla oogsadeen ayaa madaxweyne siilanyo oo filanayay in lagu soo dhaweeyo siduu horeba uga bartay bulshada gobolka Togdheer ereyo fiican uu ku canaantay darawalka gaadhiga u waday inuu ka dalaco muraayadaha si xawli ah gaadhiga u kaxeeyo ilamaayo intuu ka gaadhayo aqalka martida gobolka Togdheer.
 
Ciidamadii Madaxtooyada ee saarnaa gawaadhidaasi Tiknikada ahi waxay bilaabeen inay dadwaynaha amuusiyaan islamarkaana ay kala didiyaan iyagoo shacabka garaacayay mararka qaarkood gawaadhida ku eryanaya  si ay uga kaxeeyaan barxada aqalka martida oo ahayd goobtii loogu talagalay in madaxweynuhu kala hadlo shacbiga togdheer waxaana taas badalkeeda amar lagu siiyay ciidamada kaladuwan inaan gudaha loo soo daynin dadka shacabka ah balse madaxweynaha oo loo dhiibay mikrofoona uu u khudbeeyo ciidamada iyo saxaafada oo qudha.
 
Khudbada Madaxweyne siilanyo ka hor ayaa waxa uu wasiirka madaxtooyadu amar ku siiyay ciidamadii in xoog lagu kalaxeeyo dadwyanaha banaan baxayay si ay ugu suurta gasho in madaxweyne siilanyo looga saaro aqalka martida loona geeyo aqal ku yaala duleedka Bari ee Magaalada Burco oo noqotay meesha uu ilaa caawa ku jiro madaxweynuhu.
 
Wararka aan ka helayno  xubno ka mid ahaa weftigii madaxweynaha  ayaa noo sheegay in kulan degdega madaxweynuhu isugu yeedhay masuuliyiintii gobolka iyo xubinhii wasiirada ahaa ee la socday  si ay isaga warsadaan waxa sababay arintani  taasi oo natiijada soo baxdayna aan ilaa haatan la ogayn marka laga reebo weftigii madaxweynaha oo qorshaystay in isla bariba ay magaalada burco isaga baxaan si banaanbaxyo kale u dhicin oo khalkhal galiya amaanka magaalada.
 
Dhinaca kale waxaa sidoo kale isna hadheeyay safarka madaxweynaha cabasho ay iyana sayalada xoolaha ka sameeyeen ganacsatada xoolaha iyo dadka xoola dhaqatada ah oo ka soo hor jeestay cashuur kordhin mar kaliya maanta ay dawladu ku soo rogtay neefkii xoolaha ahaa taasi oo ay sheegeen inaanay yeelayn qorshaha wasiir xirsi wato ee aan baarlamaana ansixin.
 
Geesta kale weji gabaxan madaxweyne siilanyo kala kulmay maanta magaalada burco ayaa muujinaysa in kalsoonidii shacabku ku qabeen xukuumada Siilaanyo ay kala laabteen ,taasi oo sababtay  in madaxweynihii dalku aamini waayo aqalkii martida gobolka togdheer , caawana u hoyday guryaha mid ka mid ah guryaha dadka rayid ah ee magaalada Burco .

 
Shucayb Maxamed Geedi
 

Burco Somaliland.
 

Leave a Reply