Somaliland Iyadaa Caqabad Ku Ah In La Aqoonsado By Xasan Cabdi.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaa Somaalilnd in badan raadinaysay in mar uun aduunku aqoonsado waa arin ay xaq u leedahay laakiin waa in aan is waydiinaa sababta Aduunku inoo aqoonsanwaayay waa maxay?markaan su’aashaa is waydiiyay,waxaan ogaaday in Mushkiladu tahay gudaheena ee aanay ahayn Caalamka.
Waxaa si fiican u shaqayn la hayadihii Dawlada iyo Sharcigii;

Dawladu waxa ka kooban tahay saddex Gole golaha sharci dajinta, waa Baarlamaanka Golaha Qadaaga, waa maxkamadaha ,Golaha fulinta waa golha Wasiirada ama Xukuumada sidaad u taqaan.
Sadexdan Gole waa in ay madax bananadaan marka la rabo in aya Shaqeyaan wada shaqayn aya ka dhaxayo.
Golaha Baarlamaanka Shacabika ayaa soo doorta Wakhti ayuu leeyhayay waa afar sanno, Golaha Qadaaga sida caadiga aha Aduunyada kalna Maxkamada ninka ugu sareeya waxaa doorta Baarlamaanka si uu u madaxbanaanado Barlamaanka ayaa shaqada ka fadhiisin kara maraka uu shaqadiisa gudan waayo, maha shaqo u taal madaxweynaha, golaha Wasiirada xisbiga talada ku guulaysata ayaa soo magacaabaya hadii uu shaqadiisa gudan waayo waxaa shaqada ka fadhiisinya madaxweynaha lakiin waa in hayadaha Dawlada ee ku shaqo leh dabagalka in ay ku soo heshaa eedo cad ama sharci uu jabiyay, taas uu ku mutaysanyo in Shaqdiisii laga fadhiisiyo.Qofka oo aan waxba samayn layskama eryayo waa in ay jirtaa sabab lagu eryayo sida Shaqadiisa oo uu gudan waayay IW.M waa arin u baahan in lagu soo cadeeyo hayadaha ku shaqo leh arintaa. hadba si golyaashan si shariciya u shaqeeyaan waxaa loo bahan yahay in sharciga la waafajiyo.oo aya madaxbanaanaadan hadii Gudoomiyaha Maxakamada Madaxweynhu
soo magacaabayo wuu u habranayaa ama shaqada ayuu ka eryayay haduu fulin wayaayo waxa uu madaxweynhu rabo halkaa dhib ayaa ka jirta side ayay u shaqyanaysaa hayadan dhan ee wadanka u qaban lahayd shaqo aad u qiimo badan maanta waxaad arakaysaa Dadka layska xidhayo layska sii daynayo.

waa maxay mushkulida hadaba bal akhrisaw u fiirso arintan
Baarlamaankii sidan uu Dustuurdhigo sharci ayuu ayuu ku fadhiyaa inta ay golaha uu fadhiyayo, sharcigii way jabiyeen ka badan sided sano inta ay fadhiyaan maxay qabataan lacagta oo ay kordhastaan ,waxkhtiga oo ay kordhistaan ,Waxkasta oo ay dawladu wadato in ay baasgareeyaan wax mustaqbalka ummda dhaawacaya xataa, sida in ay baasgareeyaan wasiiro iyagu iska kordhiya cashuurta oo aanay xaq u lahayn wasiirada qaar ayaa cashuurta iska kordhiya iyagoon baarlamaan soo marin, marka ay muddo iska wadaan cashuurtaa ay kordhiyeen iyagoon ku cadayn miisaanyada muddo dheer ka dib ayay Baarlamaanka keenaan Lacag laalush ay ayaa habeenkii loo qaybiyaa marka arin laga marsanyo Habeenkii ayaa guriga loogu tagaa isagoo lacag loo sido inkastoo aanay kuligood isku raacasanayn lakiin majooratiga ayaa loo qaybiyaa tiiyoo aan laga doodin ama aan la eegin in arintan dhib u keenayso umadda ayaa la baasgareeyaa,Waxkhtigii Cigaal iyo Riyaale Baarlamaanku wuxuu ahaa mid isku
miisaman ama isku dhaw-dhaw mucaarad iyo muxaafad lakii Dawaladan kulmiye iyadoo adeegsanaysa Lacag majooratigii waxay ka dhigtay muxaafid.

Waxaad ogaydeen Baarlamaankii wakhtigii Cigaala in inbajamankii Cigaal ay ku soo qaadeen in uu ku baxsaday hal qof wakhtigii riyaale laftiisa Baarlamaankii joogay waxyaalo badan ayay ku celiyeen wakhtigaa UCID IYO KULMIYE ayaa door adag ku lahaa Baarlamaanka xataa Ucid iyo Kulmiye waxay galeen Hashiisyo bahaysan oo mucaarid oo ay ku qaadeen Xukuumadihii Wakhtigaa jiray Barlamaanka door adag ayay ku laahayeen wakhtigaa Mucaaradka ayaa ku xoog badnaa Barlamaanka maanata bal eeg waxba ma joojinayaa waxaan ka baqanayaa mashruucan Xirsi wato ee uu doonayo in uu Cashuuraha in laagu Kordhiyo in ay deg-deg ku baasgarayndoonaan mar hadii Baalamankii Xukuumadii ku milmay oo uu lumiyay in uu ilaaliyo xuquuqda dadka iyo wadanka waa in Dadku mudaharaad dhigaan hadii lagu soo xad gudbo xuquuqdooda taa ayay ku ilaashan karaan xXuquuqdooda, waad arkaysaa in Baslaaydii in ay mudaharaad kagaga hortageen cashuurtii lagu kordhinayay Gawaadhida waawen dadka iska lehana
Mudaharaad ayay dhigeen ay kaga soo horjeedaan Cashuur kordhiskaa aan laga fiirsan hadii arintu sidaa ku socoto waxaa adkaan doonta in Wadanka lagu noolaado sanad kudihii imisa cashuurood ayay kordhiyeen wax mashuurac oo wax soo saar ah ma hayaan waxa ay doonayaan dadka danyarka sida gabadha tamaadhada iibinysa in ay ku kordhiyaan Bal u fiirso Cashuurta Dadka dhoofayay ayaa la kordhiyay,Cashuurta dekeda ayaa la kordhiyayay ,Cashuurta Gurayaha ayaa la kordhiyay sanad gudihii walina xirsi wuxuu doonayaa in uu cashuuro kale kordhiyo sida wadomarka I.w.m Dadka waxaan u sheegaynaa hadaan cidana ka naxayn waa in ay isku taagaan in ay xuqooqdooda ilaashadaan waa in ay mudharaadkala hor tagaan.sidaa ayay ku ilaashan karaan xuquuqdooda.

Adigu maqaoonsan lahayd
Baarlamaankii wuxuu noqday fadhiid waxa uu sugayaa Lacag in loo keeno si uu arin u fuliyo hawshii loo doortay wuu lumiyay waxaa uu ka dhigay golahii meel lagu shaqaysto oo lacag laga raadiyo.
Maxakamadihii waxa ay noqdeen qaar aan madaxbanaanayn oo u adeega Xukuumada Qofka ay rabto ku xidho ka ay rabto ka soo deyso ,Sharcigii iyo dustuurkii ma shaqaynayaan waa lagu tumanayaa Sharciga Wadanka yaalaa ma qabanayo Madaxweynaha ,Wasiirada,iyo Madaxda sar sare waxa uu qabanayaa oo qudha Dadka danyarka ah haday noqoto in cashuur laga qaado ama la xidho.

Golihii wasiirada waxa uu noqday mid fadhiid ah waxa uu u shaqeeyaa in uu difaaco Madaxweynaha iyo Xirsi waxaa ay caado ka dhigteen Sacab la dabasocdaan Madaxweynaha iyo Xirsi waxay iloobeen Shaqadoodii waxay shaqo ka dhigteen in ay Tv soo fadhistaan oo ay ka difaacaan Madaxweynaha iyo Xirsi waxaad arkaysaa muwaadiniintii reer Somaliland ee ka tagay qurbaha oo Diyaaradii waayay oo waxba loo qaban waayay.
Arinta diyaarada Itoobiyan air layan waxa cadadaysay in aanay airoboodhka Hargeisa in aanu la soconkarin standarka Aduunka runtii waxaa wax laga naxo ah wasiirka shaqadan uu hayo waa in ay jiraan hayado daba socoda oo baadhaya mashruuca iyo mashriickastaba waa in ay daba socdaan bilawga ilaa dhamaadka maha wasiirka in uu isagu kaligii hawsha iska wato waa mashruuc Wadanku leeyahay ma laha wasiirka waa in ay jiraa nidaan ilaalinya mashaariicda dawladu fulinyso.hadii Wasiirka kaligii iska wato oo uu u dhiibo nin ay isku reer yihiin yaa baadhaya. sida ilaahay SC ,inoo sheegay Umadda hadii ay Gaalo tahay oo ay Cadaalada samayso Way jiraysaa, Hadii ay Muslim tahay oo ay lumiso cadaalada waa ay dumaysaa.
jirtaanka ummda waxa ay ku xidhan tahay
ilahay ummad ma haligo, dadkeedu muslixiin yhiin ,ilaahay ummad ma bedelo ilaa in ummadu isbedesho mooyee
1 .haddaan isbedel rabno waa in aan nafeehan bedelaa
2. Ilaahay nimacada ma bedlo ilaa ay Dadku isbedelaan mooye
3.Umaddu way dumaysaa hadii la waayo dad la dagaalama Cadaalad xumada,Musuqmaasuq,Dulimiga I.W.M

Hassan Abdi
hassanabdi103@yahoo.fi

Leave a Reply