Somaliland La Wada Leeyahay: Kamaal Axmed Cali

Filed under: Articles-Maqaallo |

“Waxa aynu barannay in sida shimbiraha aynu hawada sare duulno, iyo in aynu sida kalluunka u dabbaalanno badaha, laakiin waxa aynu illaa hadda baran kari la’ nahay in aynu dhulka guudkiisa sida walaalaha ugu wada noolaanno” Martin Luther King.

Waajibaadka dawlad saaran waxaa ugu mudan in ay kobciso shucuurta wadaniyadeed ee dadkeeda, si ay u xoogaysato midnimadu, una kobco dareenka wadaniga ah ee faraya in ay wada jir u ilaashadaan dalka, si ay taasi u timaaddana waa in dawladdu dhaqan geliso caddaalad siyaasiya iyo mid bulsho oo ku dhisan, maamul-wanaag, talo-wadaagga, awood qaybsi, iyo in ay muwaadiniintu dhammaantood u siman yihiin, sharciga iyo garsoorka, talada, aayo-ka-tashiga, waxbarashada, shaqaalaysiinta, jinsiyadda, iyo guud ahaanba qorshayaasha dawladda ee dhaqaale, horumarineed, bulsho iyo siyaasadeed, taas oo saldhiggeedu yahay mabda’a ah “Dalka waa la wada leeyahay” oo waajibinaya in muwaadiniinta aan lagu kala reebin sifooyin sharciga ka baxsan oo badhkood xaqa ay leeyihiin laga duudsiyo, xataa haddii ay ka soo hor jeedaan fikirka iyo aragtida cidda cadaaladda looga martida yahay, sidoo kalana aan cid gaar ah ama koox loo galayn eex, xataa haddii ay tahay cid abaal dheeraad ah u tirsanaysa dalka.

Waayo-aragnimada laga dhaxlay taariikhda ayaa ina baraysa in arrimahani ay qayb libaax ka qaataan amniga, horumarka iyo in uu dalku si nabdoon uga faa’idaysto khayraadkiisa dabiiciga ah, la’aantoodna ay sabab u noqon karaan in qaranku uu waayo jiritaankiisa, waana curiyaha ugu weyn ee colaadaha siyaasiga ah ee dunida saddexaad oo ay dishootay caddaalad darro siyaasiya iyo taladii oo ay gacantooda ku ururiyaan koox isku bahaysatay, qabyaalad, aragti diineed ama fikir siyaasi ah, bulshada inteeda kalana kula macaamila siyaasadda muwaadinka darajada labaad.

Marka aynu ku soo dhaadhacno degelkeenna, waxa aynu taariikhda dhismaha Somaliland ka dheehan karnaa sida halyeyadii seeska u dhigay qaranku ay muhiimad weyn u siinayeen dhowrista caddaaladda iyo sinnaanta siyaasiga ah iyo tan bulsho ee muwaadiniinta. Tusaale ahaan; 17kii hal-door ee bishii Shanaad 1991kii shirkii ay magaalada Burco ku yeesheen ku go’aamiyey la soo noqoshada madax bannaanida Somaliland, waxa ay ka fursan waayeen in lixdii qodob ee ay soo saareen oo noqday tiirarka ay Somaliland ku taagan tahay, ay ku daraan mid odhanaya, “In golayaasha ururka (SNM oo markaa talada hayayey) iyo kuwa dawladda (La soo dhisi doono) si caddaalad ah loogu qaybiyo beelaha woqooyi” Waxaa xiiso gaar ah leh, in wax-garadkaas metelayey beelaha Somaliland ay garwaaqsadeen in aanay dawladnimo suurtogal noqon karin haddii aanay beelaha ku wada nooli dhib iyo dheef wadaag u noqon, oo aanay si cadaalad ah uga wada muuqan talada iyo hoggaanka dalka, waana sababta ay xataa uga horumariyeen u magac bixintii jamhuuriyadda cusub. Shan sano kadibna dastuurka Somaliland ayaa isna sinnaantaas muwaadiniinta mar kale ku waajibiyey qodobkiisa 8aad,faqradda 1aad oo odhanaysa, “Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman” iyo faqradda labaad oo ku sii xoojisay, “Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xun xun ee 500 oo sano jireenka ah waa waajib Qaran”

Laakiin nasiib darro, dareenka waayeelkaas ee dastuuriga noqday, gaar ahaan dhinaciisa awood qaybsigu ma’uu helin muhiimaddaas uu lahaa 22kii sano ee ay Somaliland jirtay mar keliya ma’ay demin tabashada ay beelaha darafyadu ka qabeen saami qaybsiga kuraasta awoodda leh ee dawladda, sababta arrintan dhinacyo badan ayaa loo aanayn karaa, waxase aan hoosta ka xariiqayaa; Nidaamka dimuqraadiyadeed ee aynu qaadannay oo ah nashqaddii reer galbeedka oo duuduub ah, iyo xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland oo haba sii kala darnaadeen ee, aan marnaba arrintan ugu hagar bixin sidii ay mudnayd.

Labadan sababood waxa ay keeneen in awoodihii siyaasiga ahaa ee ugu cuslaa uu dheelli ku yimaaddo, tusaale ahaan marka aynu eegno xilalka dastuur ahaan ugu mudan oo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiyaha Baarlamanka, Guddoomiyaha golaha Guurtida, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Guddoomiyaha bangiga dhexe, xisaabiyaha guud ee qaranka, hanti-dhowrka guud ee qaranka iyo taliyaha ciidamada qaranka, marka laga reebo madaxweyne-ku-xigeenka oo maamuus mooyee aan awood dhab ah ku lahayn talada iyo hawl-maalmeedka dalka, intooda kale waxa ay gacanta ugu jiraan beesha dhexe ee Somaliland, oo sidoo kale sad-bursi weyn ku heshay wasaaradaha awoodo badan ee golaha xukuumadda, sida Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Arrimaha dibadda, Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta, waxbarashada iyo tacliinta sare iyo ganacsiga, iwm.

Marka aynu ka hadlayno Somaliland waxaa muhiim ah in aynaan iska indho tirin xaqiiqada ah in ay ka nugushahay guud ahaan dalalka dunida saddexaad, gaar ahaan marka laga hadlayo dhinaca diblumaasiyadda oo ay weli u halgamayso in dunida ay garowshiyo uga hesho jiritaankeeda qarannimo ee ay xaqa u leedahay. Waxa ay aragtidaydu tahay in muhiimadda ay leedahay siyaasadda arrimaha dibadda ama kulamada iyo wada hadallada caalamiga ah ee uu dalku ka qayb galo, mid ka sii durugsan ay leedahay wanaajinta arrimaha gudaha oo amniga iyo harumarinta dhaqaaluhu ugu horreyaan, taasna udub dhexaadkeedu yahay in dalka laga aslaaxiyo nidaam dawladnimo oo ku dhisan caddaalad siyaasi ah, sidaas oo aan la yeelinna waxa ay sababi kartaa xasilooni darro, horumarka la hiigsanayo oo ma dhalays noqda, khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’idaysan kari waayo iyo sawir fool xun oo ay innaga qaadato bulshada caalamka ee aynu ku haasaawinno aqoonsigeenna.

Xal waara:

Cidda xasuusan, khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd ee uu madaxweyne Siilaanyo bilowgii sannadkan ka hor jeediyey labada gole baarlamaan, waxa uu soo jeediyey in dastuurka lagu sameeyo wax ka beddel iyo kaabis, khudbaddaas nuqulkeeda Afka Ingiriisiga ku qornaa ee ay madaxtooyadu u dirtay warbaahintana waxa uu madaxweynuhu ku sii caddeeyey meelaha uu doonayo in wax ka beddelka lagu sameeyo, oo tusaale ahaan ay ka mid ahayd in guurtidu xulid ku timaaddo oo aan la soo dooran, iyo tan aynu hadda u gol-leenahay oo ah in wax-ka-beddel lagu sameeyo shaxda qaab-dhismeedka waaxda fulinta ee Somaliland, waxa aanu soo jeedinayaa in madaxweyne ku xigeen kale la soo kordhiyo oo ay noqoto, madaxweyne ku-xigeenka 1aad iyo madaxweyne ku-xigeenka 2aad. Sida ku cad khudbaddaas qoraalka ah, waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku doodayaa in wax ka beddelkani uu sees isu-dheelli tiran u noqon doono dhismaha qaranka.

Sida uu madaxweynuhuba sheegay Qodobka 126aad ee dastuurka Somaliland ayaa xaq u siinaya soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda dastuurka, kadib marka uu buuxiyo shuruudaha uu dastuurku arrintan ku xidhayo, waana tallaabo uu madaxweyne Siilaanyo ku ammaan mudan yahay, maadaama oo si ka duwan raggii talada uga horreeyey uu isagu ku fikirayo isu dheelli tirka awoodaha qaranka; waxase aan saluugsanahay illaa xadka ay madaxweyne Siilaanyo iyo gacanyarayaashiisu daraaseeyeen in wax-ka-beddelka dastuurka ee ay dalbanayaan uu noqon karo dawo bogsiisa cabashada soo jireenka ah ee ka jirta awood-wadaagga dawladda. Waayo, waxa ay su’aal weyni ka taagan tahay, dheelli-tirka uu samayn karo mansabka madaxweyne ku xigeen oo la soo kordhiyo, innaga oo og in imikaba midka jiraa uu yahay bilaa camal, haddii aanay masiibo madaxweynaha kaxayn u foof tago uun hadba wixii uu odaygu u igmado.

Waxaa muuqata in madaxweynuhu uu baal marayo xaqiiqada ah in isaga qudhiisu uu qaybta ugu weyn ku leeyahay cadaalad darrada siyaasiga ah ee tabashadeedu taagan tahay, taas oo ay tahay in uu marka hore wax ka qabto si uu u muujiyo niyad wanaaggiisa, dadkuna ugu wada qanci karaan in wax-ka-beddelka dastuurka ee uu doonayo, aanu ka lahayn ujeedo aan ahayn in sees-isu-dheelli tiran uu dhiso. Haddii ay jirto tabasho dhinaca saami-qaybsiga awoodaha dalka ahi, miyaanay run ahayn in uu si weyn uga dhex jiro golaha xukuumadda iyo masuuliyiiinta hay’adaha aynu kor ku soo xusnay ee ku yimaadda magacaabista madaxweynaha, markaa xalka ugu fiicanina aanu noqonayn in uu samaha hoostiisa ka bilaabo, oo horta uu saxo qaladaadkiisaa dheelliga keenay.

Mar labaadda waxaa ila quman in wax ka beddelka dastuurku uu noqdo mid si ballaadhan oo cilmiyeysan looga baaraan dego, si nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadannay uu u noqdo mid ka turjumi kara diinteenna, dhaqankeenna iyo qaab-dhismeedkeenna bulsho, waana markaas uun marka ay midho dhaxal gal ahi ka soo baxayaan, haddii kale waxa aynu ka faa’idnaa waa xasilooni darro siyaasiya iyo hagar daamo joogto ah oo hadba uu hoggaamiyaha yimaaddaa ku andacoodo in dastuurku wax ka beddel u baahan yahay.

Dimuqraadiyaddu waa aragti lagu dhisayo dawladnimo ku qotonta maamul wanaag, talo-wadaag iyo in dalka loo sinnaado, marka aynu aragti nidhaahno waxa aynu fahmi karnaa in ay tahay uun waayo-aragnimo iyo mabaadii’ u baahan in cid kastaa ay uga faa’idaysato sida ay iyaga u anfaci karto, si aynu taas u gaadhnana waxa ay taladaydu tahay in aynu dastuurkeenna u dhigno hab inoo suurtogelin kara in; masuuliyiinta qaranka ee doorashada ku yimaaddaa ay ku soo baxaan hab dimuqraaddi ah oo haddana beeluhu ka wada muuqan karaan, waana arrin suurtogal ah isla markaana xal la tijaabiyey u noqotay dalal badan oo inala duruuf ah.

Leave a Reply