Suldaan Ka Mid Ah Salaadiinta Gobolka Togdheer Oo Masuuliyyinta Caafimaadka Burco Ku Dhaliilay Shaqaale La Caydhiyay Iyo Hawlaha Cusbitalka.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Suldaan Xamse Shaqale oo ka mid ah salaadiinta gobolka Togdheer ayaa masuuliyiinta Caafimaadka gobolka Togdheer iyo Cusbitalka Burco ku eedeeyay shaqaale Kal-kaaliyayaal Caafimaad ah oo ay shaqo joojin ku sameeyeen kuwaasi oo cabasho sameeyay.

Sidoo kale Suldaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay  maamul xumo ragaadisay Cusbitaalka xarunta gobolka Togdheer ee Burco  ,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa isagoo Saxaafadda la hadlaayay .

“ Waxa wax lala yaabo ah oo maamulka Cusbitalka iyo Caafimaadka gobolka ayaa shaqo ka fadhiisin ku sameeyay 23 Qof oo ah shaqaalihii dhakhtarka ka shaqaynaayay ,kuwaasi oo ka mid ah shaqaalaha kuwii ugu fiicnaa ee umadda u shaqaynaayay ,wax alaale wax ay ku eryeena la garan-maayo.

Markaa arintani waxay cadaynaysaa masuuliyiintani in ay cusbitalka la doonayaan in uu xidhmo ,waxaanan leeyahay oo ugu baaqayaa nimanka in ay shaqaalahan shaqadooda ku celiyaan ,hadii ay jiraan danbi ay galena banaanka soo dhigaan “ Sidaasi ayuu Suldaanku yidhi waxaanu intaasi ku daray.

“ Waxaan kale oo aan masuuliyiintan ku wargalinayaa in ay hagaa jiyaan maamulka Cusbitalka iyo qaababaka uu bulshada ugu shaqaynaayo ,waayo ? Qof buka ayaan dhawaan Cusbitaalka keenay ,dhibaatadda ka jirta iyo maamul xumada waad fajacaysaa “.

Geesta kale Cusbitaalka Burco ayaa waxa yaala dad badan oo Bukaan Jiif ah kuwaasi oo iyana si weyn uga cabanaaya shaqooyinka Cusbitalka iyo maamul xumo ka jirta.

Burcomedia.com

Burco Office.

Leave a Reply