Suldaan Si Weyn U Cambaareeyay Socdaalkii Siilaanyo Gobolka Togdheer Ku Yimi ,Taageerana U Muujiyay Axsaabta Mucaaridka Iyo Madasha Wada Tashiga.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Suldaan Maxamed Muuse Cuni (Faarax-Dayr) oo ka mid ah salaadiinta gobolka Togdheer ayaa safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku yimi gobolka Togdheer ku tilmaamay in uu ku danbabasaayo ama ku daboolaayo Fadeexadihii iyo Musuq-maasuqii xadhka ah goostay ee ka dhacay Dib Udhiskii Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa iyo bixitaankii Shirkadaha Suuqa madaw ee sahaminta Shidaalka iyo arimo kale .

 

Sidoo kale Suldaanka oo u waramay qaar ka mid ah Saxaafadda xorta ah ayaa taageero u muujiyay Axsaabta Mucaaridka ah iyo Madasha Wada Tashiga waxqabadkooda muuqda waxaanu yidhi,.

“ Waxaan halkan ka cadaynayaa socdaalkii uu Siilaanyo ku yimi gobolka Togdheer ujeedadiisu waxa ugu waawayned Sedex Qodob, .

 

Marka hore waxa uu doonaayay in uu taageero u helo uu kaga hortago axsaabta Mucaaridka oo imika kala kulmay mucaarid-nimo xoogan iyo Madasha Wada Tashiga oo iyana banaanka soo dhigay dhibaatooyinka Xukuumadu dalka ka wado ee Qaran duminta ah. Marka Labaad waxa uu doonaayay in socdaalkiisan ku daboolo Fadeexadihii iyo Musuq-maasuqii ma hadhooyinka ahaa ee uu kala kulmay Dhismihii Madaarka Hargeysa ee uu gacantiisa ku furay .Marka Sedexaad waxa uu doonaayay in uu indhaha shicibka ka leexiyo Musuq-maasuqii iyo  dhibaatooyinkii xaga deegaanka ee ay gobolka ka gaysatay Xukuumadiisu iyo Shirkaddii sahaminta shidaalku ee uu Suuqa madaw kula soo heshiiyay “ Sidaasi ayuu Suldaan Maxamed yidhi.Waxaanu intaasi ku daray .

 

“ Waxaana taasi cadaynaysa markii Siilaanyo gobolka yimi Guriga martida ee umadda ka dhexeeyay kumuu dagin ,Fagaaraha Khayriyadda ee dadka lagala hadlo muu tagin ee Guri bariga Burco ku yaala ayuu degay oo beeshiisu leedahay ,halkaasi oo uu kula shiraayay reerkiisa. Markaas waxaan leeyahay marka ay sidaasi tahay waan cambaaraynayaa safarka Siilaanyo ee gobolka ,waxaanan leeyahay hadaanu nahay beelaha Konfurta ,Galbeedka iyo Waqooyiga Burco socdaalka Siilaanyo Togdheer ku yimi naguma matalo ,maadaama marka uu gobolka yimaado uu sidaasi u dhaqmaayo ,Xukuumadiisiina musuq-darteed noqotay Qaataye Qaado ,waxna uu ka qaban-waayay“ Ayuu Yidhi.

 

Sidoo kale Suldaan Maxamed Muuse Cune (Faaraxdayr) ayaa taageero u muujiyay axsaabta Mucaaridka iyo Madasha Toosinta Qaranka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaan halkan salaan iyo taageero wada socda ugu dirayaa Axsaabta Mucaaridka ah iyo Madasha Toosinta Qaranka Somaliland ,waxaananu ku taageeraynaa waxqabadka dhabta ah ee ay ku doonayaan in ay dalkooda iyo dadkoodaba ku badbaadiyaan “ Sidaasi ayuu Suldaanku hadalkiisa kaga baxay.

 

Geesta kale eedaynta Suldaanku ujeediyay Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegantay xili uu Laba Cisho ka sii maqnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,isla markaana dhawr cisho ku sugnaa magaalada Burco .

Burcomedia.com

Burco Somaliland.

Leave a Reply