Taliyaha Ugu Sareeya Ciidamada Burundi oo Muqdisho Gaadhay ,Kulamana La qaaday Madaxdda Dowladda Somaliya.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Taliyaha guud ee Ciidamada Burundi Niyongabo Prime ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, isagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda iyo saraakiisha dowlada Somalia.

Niyongabo Prime ayaa Villa Somalia kula kulmay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo amaanka dalka Somalia .Sidoo kale, taliyaha ayaa kulamo la qaatay Ku-simaha Raisul wasaaraha ahna RW ku-xigeen Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, taliyaha ciidanka XDS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) iyo xubno kale.

Madaxda dowlada ayaa uga mahad celiyay taliyaha ciidamada burundi booqashada uu ku yimid Muqdisho, waxaana wafdigaas ay soo kormeereen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xarumo kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi iyo kuwa dowlada Somalia.

Waa markii sadexaad ee magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimaado taliyaha ciidamada Burundi Jen. Niyongabo Prime, iyadoo Burundi ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka Midiowga Afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.

Geesta kale Ciidamadda AMISOM ee ay qaybta ka yihiin kuwa Burundi ayaa mudadii ay joogeen dalka Soomaliya kaalin wetn ka qaatay xasilinta wadankaasi isla markaana ,guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka kooxdda Al-shabaab .

 

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland

Leave a Reply