Taliye Ku xigeenka Booliska Somaliland Oo Ka Warbixiyay Socdaal Uu Ku Joogo Degmadda Saylac Iyo Nawaaxigeeda.

Filed under: Latest News |

Saylac- (BM)- Taliye ku-xigeenka koowaad ee ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Saylac ee gobolka Salal, oo la xidhiidha dardar-galinta hawlaha ciidanka booliska, ilaalinta cashuuraha iyo qaybinta ciidamadaasi goobaha cashuuraha ka hawlgala.

Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Fooxle, waxa uu sheegay inuu safarkiisan shaqo ku soo mari doono gobollada Awdal, Gabilay iyo Salal.

Taliyaha oo warbaahinta uga waramay ujeedada socdaalkiisa ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho u kuurgalida hawlaha ciidanka booliska gaar ahaan ciidamada ilaalinta cashuuraha ee ka hawlgala kastamada, waxaanu yidhi, “Socdaalkayaga halkan (Salal) waxa uu yahay u kuur-galida xaalada nololeed ee ciidanka iyo sida ay dadwaynaha iyo ciidanka u wada shaqeynayaan, waxaanu soo marnay goobo badan oo ciidanku degan yahay hadday tahay Caasho-cado, Saylac, Lawyo-cado, waxaanu maantana ku sii jeednaa deegaanka Xariirad, ujeedada ugu wayn ee halkan aanu u nimi waxay ahayd ciidankii ilaalinta cashuuraha inaanu hawlgalino si wanaagsan baanu u qaybinay si wanaagsan baanu u dhamaystirnay saami isleeg, waxaan rajaynayaa in ciidankaasi dakhliga dawladda kobociisa wax wayn ka qabto oo haddii Alle idmo cashuurtu kobci doonto.”

Taliye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray. “Dhamaan gobolka waxaanu ku aragnay xaalad nabadgelyo oo degan, ciidanka booliska goob kasta ka hawlgalaya inkasta oo kulayl badani jiro haddanna shaqadu marna ismataagayso si wacan ayay u socotaa, socdaalka Xariirad waxaan uga gudbi doonaa gobolka Awdal oo aanu ciidanka ilaalinta cashuuraha aanu ka dhamaystiri doono si hawlaha si ciidankaas cashuuraha mar u wada jaan qaadaan oo ay hawshan uwada bilaabaan.”

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), waxaa socdaalkiisan ku wehelinayay, Taliyaha ciidanka qaybta ilaalada cashuuraha Booliska, Gaashaanle Saleebaan Ducaale Warsame, hogaan ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland Dhame Saleebaan Xaashi.

Geesta kale waa markii u horeysay ee Taliye Fooxle deegaamadaasi booqasho hawleed ku tago ,isla markaana uu ka warbixiyo xaaladooda guud

Leave a Reply