War Deg-Deg ah: Shaqalaha Shirkadda Genel Energy Oo Rasaas Ooda Lagaga Qaaday Bariga Burco.

Filed under: Latest News |

Burco(BM) Sida ay Shabakadda Caalamiga ah ee Burcomedia u xaqiijiyeen warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhay deegaamadda Gunbur-libaax iyo Naq-dhibiijo ee Bariga Gobolka Togdheer  ayaa shegaya in Shaqaalaha iyo Waliba Howlwadenadii kale Ee Shirkadda baadhista Shidaalka  ee GENEL ENERGY  Tacshirad rasaas oo oda kaga qadeen Maleeshiyo ku sugan Degaankasi.

Shaqalahani ka socday Shirkada Baadhaysa Shidalka Ee Genel Energy ayaa Subixii Hore u Boqolay Deganadaasi ay ka wadeen Howlaha Sahaminta Shidalka waxaaney wararku intaasi ku darayaan  si Kadis ula kulmeen Maleeshiyo Hubaysan waxaanay Tahli kari wayeen inay gutaan howlahooda shaqo ka dib markii ay is hortageen Maleshiyo beledkaasi isla markasna Rasaas ku Cashariyeen iyaga iyo gaadiidkoodiiba ,inkastoo aan wali la xaqiijin wax khasaare ah.

Geesta kale Gudomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumer X. Cabdilaahi Xamarje iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Gashanle sare Axmed Cabdiraxmaan Ilka-Case ayaa iyana u ambabay deegaamadda falkani ka dhacay ,si ay xaalada usoo dajiyaan ..

Isku soo wada duuboo falkan lagu qaaday shaqaalaha Shirkadda sahaminta Shidaalka iyo macdan gurashadda ayaa ku soo beegmay xili ay uu deegaamadda Naq-dhibiijo iyo deegaamo kale eek u xeeran iyo waliba Koonfurta gobolka Togdheer ka taaganyahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Shirkaddan iyo qolyaha deegaanka ,kuwaasi oo Shirkadda ay isku maan-dhaafeen shicibkuna ku diiday ka dib markii ay ku  wargalisay dadka deegaamadda ku dhaqani in ay ka guuraan ama ka huleenaan deegaamadooda si ay Genel Energy u degto.

Laba Cisho ayaa laga joogaa markii Wasiirka Arimaha guduhu dhex galay xalinta Khilaafkii Shidaalka ee ka taag-naa deegaanka Sanyare ee gobolka Togdheer isla markaana ,guulo bulshadda deegaankaasi ku wada qanacdo ka geeni-waayay ka dib markii ay  kuna qanci-waayeen gudiyadii Talo iyo Taw-fiiq iyo Dan Iyo Duco Afka Madaxtooyadda ee Wasiirku ku hadlaayay isla markaana kulankii uu Saxaafadda kula hadlay uu kaligii isa sootaagay ,halka ay iyana ka fadhiisteen .

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland.

Leave a Reply