War Deg: Deg Deg Ah :Masuuliyiinta Madasha Iyo Mujaahidiinta SNM Ee Togdheer ,Xukuumadda Siilaanyo Uga Digay Qorshayaal Ay Wadato ,Oo Ka Dhan Ah Haldoorka Madasha .

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Masuuliyiinta ka tirsan Madasha Wada Tashiga oo ay weheliyaan Mujaahidiin ka tirsan Jabhadii Xaq _u Dirirka ,ahaa wadanka u soo halgamay ee SNM ayaa Shir jaraa’id oo ay saaka warfidiyeenadda kula hadleen magaalada Burco ,fariin adag ka bixiyay qorshayaal Xukuumadda Siilaanyo wadato oo ay ku doonayso in ay ku xidh-xidho mujaahidiinta Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka oo ay hugaamiyaan ragii wadanka usoo halgamay ee Feedhaha u Dhigay Rasaastii maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale masuulyiintan Madhasha  iyo Mujaahidiintan oo uu hormuud u ahaa Muj. Siciid X. Axmed Qulunbe  ayaa Xukuumadda Siilaayo uga digay haday qorshahaasi ka joogsan waydo ,ama ay isku daydo in ay masuuliyadeeda qaadi-doonto iyo ,cawaaqib xumadda ka dhalata  ,waxaaney madaxtooyadda ku eedeeyeen in ay dalka ka wado Fawdo iyo Jaahwareer ay doonayso in ay bulshadda iskaga horkeenaan ka dib markii Madaxtooyadu iyo safarkii Siilaanyo ee goboladda Bari lagu go’aansaday in TV-yadda lagu weeraro Madasha Wada Tashiga ,waliba iyadoo la isticmaalaayo  Cushuurtii Danyarta badadka fadhida laga soo ururiyay .

Waxa kale oo ay masuuliyiintani si weyn u cambaareeyeen Xadhiga iyo Jidh dil ay Xukuumadda Siilaanyo kula kacday Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil shalayto ,oo dhaliilay safarkii Siilaanyo ee goboladda Bari.

Sidoo kale Shirkan Jaraa’id ayaa ku soo beegmay xili ay shalayto magaalada Burco ay Xukuumadda Cambaareeyeen Hooyooyin ka tirsan agoomihii Mujaahidiinta SNM ka geeriyoodeen oo ay dhawaan Madaxtooyadda somaliland Xabsiga u tagaabtayisla markaana Jidh Dil iyo Handadaad loo gaystay.

Lasoco goordhaw warkan oo Faah-faahsan

 

 

 

Burcomedia.com

Burco Ooffice.

Leave a Reply