War Deg Deg. Xisbiyada WADANI iyo UCID Oo Barito Eclaamiyay Mudaharaad .

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Wararka naga soo gaadhaaya Xisbiyada mucaaradka Waddani iyo Ucid ayaa la sheegay in ay ku baaqeen mudaharaadyo ay si wadajira u qaban doonaan berri,kaas oo ay kaga soo horjeedaan waxay ugu yeedhee xeer Madaxtooyadu dabadda ka riixayso oo loo bixiyay XEER-XIRSI (Wasiirka Madaxtooyada)

 

Xeerkan oo ah xeerka wadooyinka oo ay xisbiyada mucaaridku ugu yeedheen ,Xeer Xirsi ayaa dood halisa  ka dhex oogay xildhibaanada golaha wakiilada ,aakhirkiina laba xidlhibaana isku feedheen golaha gudahiisa.

Geesta kale xeerkan ayaa la sheegay inuu qaab khaldan oo fool eri ama jujuuba ku yimi golaha wakiilada oo uu tahriibinaayey Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo ah gudoomiyaha gudi-hoosaadka arimaha Bulshada oo aan shaqo ku lahayn xeerkan oo ay ahayd in loo gudbiyo gudi-hoosaadka dhaqaalaha golaha wakiilada balse Axmed Kijaandhe ayaa ka maroorsadey oo dhexda iskaga duubay ilaa aakhirkii uu ka dhaxlay in golaha gudihhiisa xildhibaan kale ku garaaco .

 

Xeerkan oo Qasriga madaxtooyadu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay in cod aqlabiyada lagu ansixiyo ayey u eeg-tahay berri oo la filaayo in loo footeeyo in la ansixiyo oo uu durduro golaha ku jiidho maadaba Qasriga Madaxtooyada,wasiirka maaliyada iyo siyaasiyiin ka tirsan golaha xukumada Siilanyo xidlhibaanada qabiil- qabiil,beel-beel iyo jufo-jufo ula faqeen waxooga khadaadiica oo tii Rayaale bixin jiray ka yarna loo qeybiyay inkastoo la sheegay in xildhibaanada qaarkood qaateen lacag ka yar sadex boqol oo dollar qofkiiba.

Isku soo wada duuboo afhayeenada xisbiyada ayaa sheegay inay waraaqo dalab mudaharaad u gudbiyeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland hase yeeshee weli ma jiraan wax wara oo ka soo baxay dhinaca xukumada siilanyo,waxaana isha lagu hayaa arimuhu sida ay barito noqon-doonaan iyo halka ay iskugu biyo shubato.

 

Leave a Reply