WAR DEGDEG AH:- Muqdisho. Maamulihii Shirkadda Dahabshiil Oo Ay Walaalo Yihiin Wasiir Xirsi Toorileh Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Wararka lagu kaalson yahay oo naga soo gaadhay magalada Moqdisho ee Casimada somalia ayaa shegaya in ciidamada amaanka somalia ay Xabsiga dhexe Ee moqdisho ku xidheen C/raxmaan Cali X- Xasan oo ah nin ay walaalo yihiin Wasiirka Madaxtoyada s/land.

Ciidamada amaanka moqdisho ee xidhay Ninkani ay walaalaha yihiin wasiirka madaxtoyada ayaan la garaynaynin sababta ka danbaysay xadhigiisa.
C/raxmaan Cali oo ah Masuulka Shirkada Dahab-Shiil ee Somalia ayaa la shegay inuu hore usoo weraray maayirka moqdisho isla markaasna ah Gudomiyaha Gobalka Banaadir ay khilaafkodaasi dhex-galeen masuliyin ka tirsan s/land kuwaasi oo wasiirka arrimaha Gudaha Somalia ku qanciyay in laga joojiyo daba-galada lagu hayo masulkaasi.

Geesta kale Maamulaha Shirkada Dahab-Shiil Moqdisho C/Raxmaan Cali X. Xasan ayaa waxay walaalo yihiin Wasiirka madaxtoyada s/land oo La sheegay in uu bishii ramadaan Magaalada Hargeysa Kusoo Dhaweeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya si uu uga mustafeeyo walaalkii maayirka Magalada Moqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Enj. Maxamud Nuur Tarsan ayaa ah masuul awoood badan ku leh Dawladda Somaliya isla markaana si weyn loo  qadariyo ka qaybqaadashadda dhinaca amniga Somaliya isla markaana masuulkan uu Xabsiga u taxaabay ayaa lagu tuhunsanyahay in uu xidhiidh la leeyahay kooxaha xag-jiriinta Somaliya ee Al-Shabaab,sida ay wawarku faafiyeen.

Waxaaney wararku intaasi ku darayaan in ay Dawladda Somaliya dhawr jer oo hore masuulkan Dahab-shiil dig-niino u jeediyeen ,kuwaasi oo mudooyinkii u danbeeyay dabogal ku hayay.

Leave a Reply