War Murtiyeed Si Weyn Loogu Naqdiyay Safarkii Siilaanyo Oo Ka Soo Baxay Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)- Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa soo saaray warmurtiyeed lagaga hadlaayo safarkii Siilaanyo  dhawaan sameeyay ,kaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sida tan.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID
Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Ref 1249 20/09/2013

Madaxweyne Safarkaagi Aad Gobolada bari Ku martay Wuxuu Ahaa mid Aad indhaha Shacbiga kaga Jeedineyso Musuq Maasuqii Ka Dhacey Madaarada,Islamarkaana Aad Ku Dalxiisayso

War murtiyeed ka soo Baxay Xarunta Gobolka Saaxil Ee Xisbiga UCID

Afhayeenka xisbiga mucaarika ah ee ucid gobolka saaxil botaan guleed axmed ayaa ka hadalay safarkii madaxweynaha Somaliland axmed maxed maxamuud (silaanyo ) ku maray gobolada bariga ee Somaliland afhayeenku ayaa wuxuu madaxweynaha somalilnad socdaal kiisi wuxuu ku tilmaamayay safar dalxiis”

Madaxweyne waxaad caasimada Somaliland ee hargeysa ka soo baxday maalintii sabtida ee wiigan taariikhduna ahayd 14septerbar adigoo ka qayb galay xafaladii Furitaanka Dugsiga Tababarka Saraakiisha

Markii munaasibadu dhamaatay ayaa waxaad u soo socotay dhinaca iyo magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera .adigoo gaa.iid tiro badan iyo dad shaqaale ah oo lagu soo guray lagaaga hor keenay degmada abdaal iyo tulooyinka hoos yimaad .iygoo masuuliyinta gobolka saaxil ku tusaayay tageero xamaasadaysan .lakiin waxa ay ahayd inaad xaqiiiqda ogaato .waligaa sawirka beenta ah iska ilaali ee lagu tusaayo “ safarkaana wuxuu ahaa safar dalxiis iyo mid aad ku qarineyso ceebaha iyo musuq maasuqa dul hoganaya labada wasiir ee aad adeerka u Tahey

maalintii aad berbera joogtay waxaad tidh waxaan furayaa mashariic hor u marineed oo aad tidhi anigaa ku fanaanay ,qaranka ku fanaaya .idinkaa ku fanaaya .hadab waxa noo cadaatay in wixii lagu sheegayay run yihiin .mar hadii meel kasta oo xadhiga lagu xidhaba aad goynayso .aanad kor u eegayn .madaxweyne wali adiga hortaa lama arag lamana maqal madaxweyne libintii dawlada ka horaysay qabatay sheegta.goobta taadheer waxa hir galisay dekeda berbera waxkhtigii riyaale dalka madaxweyne ka ahaa 2007 ” waxa kale oo xusid mudan goob hore maayirkii hore dhagax dhigay oo lagu turun turoodo inaad mid kale oo turun turo dadka ugu filan aad dhagax dhigto .wadooyinka dhalanteedka ah ee jayga cad la qubay miyaan ishaadu arkay .mise waa marin hababin aad kula socoto dadka shaqada gacanta ku haya.walee masuuliyintii reer saaxil rag ka soo baxe mar hadii ay ka ku kashifeen intaa leeg kuu gaysteen oo inta warbaahintii la soo jojiyay la yidhi madaxweyene taardheer xadhiga ka jar .wadooyinkan xadhiga ka jar “ waxa kale oo afhayeenka xisbiga mucaaridka isgoo hadaliisa sii wata ku dhaliilay madaxweynaha Somaliland axmed maxamed maxamuud (silaanyo ) in cuqaashi gobolka saaxil iyo saladiyiinti uu la kulmey .wixii ay u soo jediyeen aanu dheg u dhigin .iyadoo ku sheegay in cashuurta alaabta dekeda berbera ka soo degta ee xukumadaadu kor dhisay mudooyinkii ugu danbeeyay aad dib u celiso sida konteenada ka soo dega .xoolaha isla markaana dhamaan wixii dhar iyo kabo ahba ay ka soo dagaan Dawlada aynu jaarka Nahey Ee Joubuti “ arintaa maad qadarin ee waad dhagaysatay oo kaliya .

Afhayeenku waxa kale oo madaxweynaha ku tilmaamay madaxweyne , eexda yaqaan iyo is kooxaysiga madaxweyne waxaan sidaa kugu tilmamaya inaad waaqiga dhabta ah ka jeclaysanayso cid gaara .waxaad ogayd intii aad xukumaadaadu jirtay inta markabiita ee dekeda berbera ku gubatay ee dekedu bakhtiin kari wayday .hadan maad garanin tag dekeda berbera ha loo iibyiyo hadii ay ii san kari wayday .iyo qalabyo cusub oo damdamis ah oo markiibta bakhtiiya waxaad afkaaga ka sheegtay in dekeda berbera qaranka qiimo wayn ugu fadhido in geeska Africa ka faa.daysto .intaa waxa dheer misaaniyada somalailand door ka ciyaaro .hadaba kuuma muuqan arintaasi ee waxa ku muqatay gudida hor u marinta gobolka togdheer ee jid dhisaaya burco iyo ceerigaabo isku xidhaysa “ oo aad cagacagafayo ugu deeqay .waxaad burco u kor meeratay goobo arimha bulshada ka jiraan .berbera gaadhiga eesiga ayuunbaad ku jirtay .marka xadhiga meel ka goynaysan waad daadagaysay .waxaad ku odhan lahaa bal dib u raac tariikhada madaxweyne riyaale ee ka horeeyay intuu boorame tago wax gooniya umuu qaban jirin .gobolada kalena kamuu jeclaysan jirin “adigu is ka daa gobo lee wasiiradaada ayaad kala xulanaysaa waxa xusid mudan in umada loo sheego in haydii madaarka hargeysa dhistay ee musuq maasuqa lagu eedaynaayo .madaxtooyada aad hoos keento iyo xirsi oo shaqo kale aad ugu dartay xilkiisi oo ah wasiirka madaxtooyada iyo watooyinka isla markaana ah Raysal Wasaaraha Dalka ,waxaan ku odhan lahaa muraayada is kaa tostada ah ee beenta uu sheegaysa iska daa .oo xaqiiqada jirta u daadeg .tariikhadu way is qoraysaa.waxaan u malaynayaa in aad noqon doonto madaxweynihii ugu tariikhda xumaa Somaliland ee soo mara dakii codka boqolkiiba kontoka wax yar la.aa kuugu codeeyay aad ku noqoto bar madow

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee ucid Ee gobolka saaxil

Botaan Gulled Axmed

Leave a Reply