Wararkii Ugu Dambeeyey Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Saaka Ka Dhacay Magaalada Muqdisho .

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Xaalada nawaaxiga guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho ayaa degan ka dib markii ay ka dhaceen barqanimadii maanta qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari miineysan iyo ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Qaraxyadaas ayaa ka dhacay qeybta Jardiinka ee maqaayada The Vilagge oo ku taala dabaqa hoose ee daarta hooyooyinka, iyo barxadii iskaashatooyinka oo maqaayada dhinaceeda ku taala.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo magaciisa ku soo koobay Xiis ayaa sheegay in markii qaraxyadaas ay dhacayeen isaga xildhibaano kale iyo dad shacab ah ay joogeen maqaayada The Village hase ahaatee ay ka badbaadeen qaraxyadaas.

Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir Warsame Joodax oo ka mid ahaa saraakiil iyo madax maanta booqatay goobaha ay qaraxyadaas ka dhaceen ayaa ku eedeeyey weerarkaas iney ka dambeeyaan Al-shabaab, isagoo shacabka Muqdisho ku dhaliilay ineysan wada shaqeyntii looga baahnaa la laheyn ciidamada amaanka sababtaasna ay tahay mida soo celcelineysa qaraxyada, isagoo dhinaca kale tacsi u diray dadka dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaareen qaraxyadaas.

Taliyaha Booliska degmada X/weyne Col. Maxamed Daahir oo isna halkaas kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay iney weli baaritaan ku hayaan qaraxyadaas iyo khasaaraha ay geysteen ayna illaa hadda hayaan geerida 19 ruux oo shacab ah iyo dhaawacyo gaaraya 60 qof oo loo qaaday isbitaalada, isagoo xusay in khasaaruhu intaas ka badan karo.

Qaraxa hore ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la soo dhigay barxada la dhigto gaadiidka ee iskaashatoyinka meel kaabiga ku heysa maqaayada The Vilagge oo burbur xoogan uu soo gaaray.

Qaraxa kale ayaa waxaa fuliyey nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo dhex galay, ka dibna isku qarxiyey dadweyne ku soo xoomay goobta uu qaraxa hore ka dhacay, iyadoo qaraxan dambe uu ahaa kan khasaaraha ugu badan geystay.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayey aheyd markii dhowr qof oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ay isku qarxiyeen gudaha isla maqaayadan The Vilagge halkaasoo ay ku dhinteen dad fara badan oo ay ku jireen weriyeyaal.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadan ay ku dhamaadeen dadka faraha badan ee maatida ah, inkastoo qaraxyo badan oo la mid ah ay horey u sheegatay Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

 

 

Burcomedia.com

Hargeysa

Leave a Reply