warsaxafadeed Shicibka lagu Baarujinaayo Oo Ay Soo Saareen Hal-doorka Madasha WadaTashiga IYo Toosinta Qaranku.

Filed under: Latest News |

MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA

Date: August 04, 2013

MAWQIF CADDAYN

Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka:

Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku waa madal isu keentay, mujaahidiintii SNM, aqoonyahan, wax-garad, siyaasiyiin, ganacsato, xubno ka mid ah Qurba-joogga Somaliland iyo muwaadiniinta Caadiga ah, waa madal ay wakiillo ku leeyihiin ururrada bulshada ee haweenka, dhalinyarada, iyo dadka laga tirada badan yahay, ee dhammaan Gobollada Dalka. Waa Madal ay xubin ka noqoshadeedu u furan tahay qof kasta oo reer Somaliland ah oo is leh waxa aad ku soo biirin kartaa fikir macno leh iyo karti wax dhisaysa.

Madashani ma’aha Hay’ad siyaasiya, mana sheeganayso haba yaraatee wax awood ama mansab siyaasadeed oo sharciya ah. xubnaha Madashan ee hadda iyo kuwa laga yaabo in ay ku soo biiraanba waxa ay ballan qaadayaan in aanay Madashan u isticmaalin sallaan ay ku gaadhaan dano shakhsi ama wadareed iyo ujeedooyin gaar ah. Madashu waxa ay hawlaheeda iyo tallaabooyinka ay qaadayso oo dhan u maraysaa hannaan sharciga dalka waafaqsan, wax dhisaya, aslaaxinta bulshadana ka shaqaynaya. Qaybna kama noqon doonto tallaabo kasta iyo ujeeddo kasta oo lagu qasayo, lagu qiimo tirayo ama lagu dhibaataynayo Dalka iyo Dadkiisa. Wanaagga Dalkan ayaana ah himilada keliya ee ay madashani laabta ku hayso, rajaynaysana in ay hagaagto.

Xaaladda dalka:

Aragtida xubnaha hadda ee madashani waa in xaaladda Dalku marayo halkii ugu naxdinta badnayd 22kii sano ee taariikhda Dalkan, iyo in Xukuumadda hadda jirtaa ay qayb libaax ku leedahay masuuliyadda iyo canaanta xaaladdan foosha xun ee uu dalku Marayo.

Dhaqannada iyo nidaamka ay Somaliland dheerayd Soomaaliya iyo inta badan ee dalalka Afrika waxa uu ahaa wada noolaanshiyo nabdoon oo u dhexeeyey muwaadiniinteeda, dimuqradiyad kobcaysa, iyo hay’ado dawliya oo koraya. Waxaa jiray dhaqan mushkiladaha lagu xalliyo oo udub-dhexaadkiisu ahaa wada-tashi gun ballaadhan, isu tanaasul, iyo is-faham, waa run in uu gaabis jiray ama mararka qaarkood aan loo marayn hab nidaamsan, laakiin haddana waxa ay Madashani aaminsan tahay in uu hadda ka hor dalku samaynayey horumar dhinac walba ah oo isa soo tarayo lana fahmi karaayey. Si kastaba ha ahaato ee, Madashu waxa ay aaminsan tahay in tan iyo markii ay talada qabatay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay dalka ku timid dib-u-noqosho khatar badan.

In kasta oo ay Madashani qirsan tahay in madaxweyne Siilaanyo loo soo doortay si dimuqraadi ah, sidaa awgeedna uu sharciyad ku fadhido kursiga, haddana, waxaa muuqda in taab-gaabnida iyo gaabiska ku jira hawl-gudashadiisa oo marka horeba su’aal gelinaysay kartidiisa gudashada waajibka saaran ay u sii dheer taladii dalka oo uu u maamulayso qaab-keli-talisnimo ah.

Waxa laga takhalusay gebi ahaanba habkii daciifba ha ahaado ee jiri jiray ee isu-dheelli tirka iyo is xakamaynta hay’adaha dawladda, Sharci-dejintii waxaa laga dhigtay golayaal shaambadeed lagu dan qumisto, waxaana muuqata in Golayaashaasi ay faraha ka qaadeen waajibaadkoodii lammaanaa ee ahaa dabagalka dawladda iyo dejinta sharciyo wanaagsan. Garsoorkiina waxa uu noqday Maxkamado loogu adeego doonista golaha xukuumadda oo keliya. Inta badan ee awoodihii madaxtooyadana waxaa loo gacan geliyey shakhsiyaad khusuusi ah oo si aad u fool xun ugu takri falay awooddihii, dalkana u maamulaya sida meherad uu qoys leeyahay.

In kasta oo ay marka horeba macno darro ahayd in tirada wasiirradaha la gaadhsiiyo 46, haddana waxaa u raacday in badankooda iyo weliba waayaha kale ee dawladda laga dhigay kuwo aanu ka dhaxayn xidhiidhkii wada shaqayneed ee waajibka ahaa, oo mid kastaa uu gaarkiisa u socdo.

Xoriyaddii saxaafadda ayaa la cabudhiyey ama si qaldan looga faa’idaystay. Dhismihii hay’adaha maamulka ayaa faraha laga qaaday, kuwii jirayna waa la daciifiyey. La-xisaabtankii dawladda ayaa ka hadalkiisiiba meesha laga saaray. Waxaana dhaqan noqday musuqmaasuq rasmiya oo nidaamsan, Qaraabo-kiilkii iyo maamul xumadii lagu hayey hantida iyo ilaha dhaqaale ee dalkuna waxa ay maraysaa meel aan hore loo arag, oo gaadhay heer aan akhlaaq ahaan loo adkaysan karin. Qaabka mansabka iyo kursiga lagu helayo ayaa isna noqday mid la yaab leh. Sinnaantii siyaasiga ahayd, u dhammaanshihii talada iyo isu dheelli-tirnaantii dawladda ayaa lumay. Gobolladii darafyada ayaa tabaya in cidla lagu illaabay, doorashooyinkii ugu dambeeyey ee la qabtayna si aad u fool xun ayaa loo maamulay, waxaana lagu sameeyey khiyaamo iyo wax-is-dabamarin cad oo aan la saamixi karin.

Arrimaha bulshada:

Dhinaca bulshada iyo amniga, qabyaaladdii foosha xumayd ayaa mar kale madaxa la soo kacday, Is-fahamkii iyo wada-jirkii qabaa’ilka u dhexeeyey ayaa daciifay, meelo badan oo dalka ka mid ahna waxaa ka dhacay xiisado qabiil iyada oo uu fal-dambiyeedkiina ku soo badanayo magaalooyinka waaweyn.

Dhaqaalaha:

Dhaqaalihii waxa uu ku dhow yahay curyaamid, dakhligii dalku hoos ayaa uu u sii dhacayaa, sicir bararkiina cirka ayaa uu isku shareeray. Waxaana jirta shaqo la’aan ba’an oo cidda ugu badan ee ay saamaynta taban ku yeelatay ay tahay dhalinyarada dalka. Niyad jabka iyo rajo beelka ka dhashayna waxa uu sabab u noqday in kooxaha ku shaqaysta tahriibka sharci-darrada ahi ay si arxan darro ah uga shaqaystaan tahriibinta dhalinyarada, taas oo khasaare laxaad leh ku haya dalka.

Arrimaha dibadda:

Madashada Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku si weyn ayaa ay uga shakisan tahay xikmadda iyo ujeeddada dhabta ah ee siyaasadaha xukuumadda ee ku waajahan, si gaar ah Soomaaliya iyo si guud bulshada caalamka oo dhan. Madashu waxa ay aaminsan tahay in xukuumaddu ay si fool xun ugu fashilantay in ay dunida u turjunto doonista, aragtida iyo himilada dadkeeda. Arrintaas oo innagu ah khasaare, cawaaqibka ka dhashaana ay khatar gelinayaan xasiloonida qaranka iyo midnimada bulshada, waxaana uga sii daray xukuumadda oo ay ka muuqato in aanay kuba baraarugsanayn dhibtaas iyo is-diidsiinta madax adaygga ah ee ay ku qaabishay iyo tan uguba daran oo ah xukuumaddii oo faafinaysa dacaayado iska indho tiraya natiijada lafo-jabka ah ee ka dhalata ficilladeeda, arrimahaas oo la isku daray ayaana ah sababta dhiirri gelisay in la dhiso Madashan.

Waxa aanay Madashani aaminsan tahay in dhibaatooyinkaas oo dhan lagaga gudbi karo laguna sixi karo iyada oo la adeegsado jidkii caddaa ee ay Somaliland hore u soo tijaabisay oo ahaa Wada Tashi, Fikir is-dhaafsi, isu tanaasul iyo is faham dhex mara dhammaan dadka lexe jecladu ka hayso dalka oo ay ku jirto xukuumaddu.

Aragtida Madasha:

In dhidibbada loo taago maamul-wanaagga, Kalsoonida, in la dhiso hay’ado qaran oo madax bannaan, in la helo hannaan la xisaabtan oo lagu kalsoonaan karo, iyo in dawladda dhexdeeda laga hir-geliyo nidaamka isu-dheelli tirnaanta iyo is hubinta.
In horumarin iyo dib u habayn fiican lagu sameeyo dastuurka dalka oo uu ku jiro laaxin badan, mad-madow, Is-burin iyo nusqaamo kale.
In la xakameeyo oo lala dagaalamo qabyaaladda, eexda iyo musuqa oo muddooyinkan dambe xadhkaka goostay.
In dib-u-habayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyo meelaha ay tahay in uu dhaqaalaheennu mudnaanta siiyo, iyo maamulka ilaha dhaqaalaha iyo khayraadka qaranka.
In dib u qiimayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka siyaasiga ah ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo in aan talada iyo awoodda dalka laga fogeyn muwaadiniinta oo dhan gaar ahaan gobollada la fogeeyey. Iyo in la helo cadaalad iyo is-raacsanaan inta hadda ka badan.
In dib u qiimayn iyo eegis dhab ah lagu sameeyo guud ahaanba istaraatijiyadda arrimaha dibadda iyo siyaasadaha dalka, si gaar ahna diiradda loo saaro hannaanka loo marayo, iyo xikmadda lagu dhisayo iyo weliba cawaaqibka ka dhalan kara wada-hadallada socda ee lala leeyahay Soomaaliya.

Ujeedooyinka Madasha:

In sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah loogu baaqo shirweyne Qaran oo isu keena wakiillo ka socda dhammaan qaybaha kala duwan ee daneeyeyaasha qaranka, sida, xukuumadda, xisbiyada siyaasadda, labada gole ee sharci dejinta, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada diinta, wax-garadka, aqoonyahanka, qaybaha bulshada rayidka ah, ururrada dhalinyarada iyo dumarka iyo qurbo joogga iwm.

Ujeedooyinka shirweynahaas:

In la falanqeeyo, si xeel dheerna loo lafa guro xaaladda uu imika dalka marayo.
In la isla xaddido, lana daweeyo dhibaatooyinka, caqabadaha iyo khataraha waqtigan la joogo soo waajahaya qaranka.
In la isla eego, lana soo bandhigo xuluusha ugu habboon uguna suurtogashan, kadibna la isku waafaqo la islana meel dhigo, si dhaqan gelintooda iyo fulintoodu ay ugu waajibto dhammaan dhinacyada ay khusayso.
In la dhiso Guddi awood leh oo ka shaqaysa dabagalka iyo hubinta dhaqan-galka dhammaan go’aamada ka soo baxa shirweynaha, iyo in ay xaqiijiyaan in dhammaan go’aamadaas ay waqtigii loogu talo galay fuliyeen dhinacyada ay khusaysaa.

Xasan Guure Jaamac

Guddoomiyaha.

 

 

Burcomedai.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply