Wasaaradda Waxbarashadu Maxay Wax Uga Qaban Wayday Musuq-maasuqa Ka Jira Dugsiga Naasa Hablood Ee Hargaysa By Cumar Maxamed.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Burco(BM)-Sida aynu lawada socono dhamaan dadka reer Somaliland waxa ay dawlada hada jirta ee ka soo baxday xisbiga kulmiye sida ku jirtay ololaheedii siyaasadeed xiligii doorashada ay galeysay waxa ka mid ahaa inay  waxbarashada hoose /dhexe ka dhigayso bilaa lacag .

Dadka Somaliland aad bay ugu riyaaqeen uguna codeeyeen ,wa aanay ku guuleysatay dabadeedna ,markiiba dawladu waxay isku dayday inay bilaa lacag

ka dhigaan waana ay ku guuleysteen.

Dadwaynaha somalilnd aad ayey usoo dhaweeyeen ,markay dawladu bilaa lacag ka dhigtay .

Waxa isla markiiba hami wax barasho uu galay dad yaryar oo aan ku hamiyi jirin inay maalin uun waxbarashada galaan oo ay ka mid noqdaan ardayda dugsiyada waxbarshada jamhuuriyada soomaliland wax ku barta sababa dhaqaale awgeed, iyaga oo aan awood ulaheyn inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada  laga qaadi jiray .

Hadaba ,sanad kasta waxa la qaataa kumanaan arday oo ku soo biiray bahda dugsiyada dawliga ah ee jamhuuriyada somalilnad , carqalada ugu horeysaa ee qabsata dadka danyarta ah waa dawlada oo tidhi waxbarashadu waa bilaa lacag laakiin marka dugsiyada la tago waa lacag baa lagu qoraa aad ufara badan oo qofka dan yarta ahi aanu awoodi Karin inuu bixiyo.

Bal ila eega sheeko aad uxanuun badan oo na dhex martay aniga iyo waalid watay saddex caruura oo dan yara:-

Aniga oo maray iskuulka N/hablood eek u yaala magaalda hargeysa agtiisa ,ayaa waxa iga soo hor baxay nin aad udiifeysan oo wata 3 caruur laba hablood, iyo wiil. iyagoo aabahood la hadlay oo od hanaya aabo hadaad lacag haysato iskuulka ayaad nagu dari lahayd oo sida, kuwa yaryar ee jaarkeena ee cumar iyo  caasha. dabadeedna dhagta ayaan uraaririciyey wa aanan ku soo dhawaaday waxa aan an la wadaagey sheekadii waxaan ku idhi waalidkii ma iskuulkaad ka keentay ?waxaanu igu yidhi: haa iskuulkaan is lahaa waa tii dawladu lahayd waa bilaa lacag oo iskuulka ku dar dabadeedna  maamulaha iskuulaka ayaa idiiday inaanu ku dareyn  oo magaciisa waa maxamuud jaamca amaan (ma quraacato) ilaa uu bixiyo 50,000sh qofkiiba oo isku dar noqoneysa  150,000sh inaan bixiyo. ana ma shaqeeyo oo bilaa camal ayaan ahay oo hooyadood baa suuqa fadhiisata maalina usoo hesha maalina usoo weyda .hadaba akhristaw ma dadkaa waalan mise dawladaa been sheegaysa? marka ay leedahay waa bilaash iyo marka dugsiyada lagaga qaadayo fadhiisinka lacagtaa oo badan,roll numberka oo uu maamulahan laftiisu uu ka qaaday $3 arday kastaba iyo marka ardaydu qalin jabisa faylkiiba $5 uu ka qaado iyo lacag ka sii badan oo kolba waxa loo bixiyo ayaa ka jira iskuulkan N/hablood maalin kasta.

QALINKII cumar maxmed jaamc,hargeysa,somaliland

Leave a Reply