Wasiir ku-xigeenkii Hore Ee Ganacsiga Oo Dhaliilo Usoo Jeeday Hab-maamulka Xukuumadda Talada Haysa.

Filed under: Latest News |

Ceerigaabo(BM) Wasiir-kuxigeenkii hore ee Ganacsiga Somaliland Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire) oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyskan Waaheen Xaruntiisa Magaalada Ceerigaabo Ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey wuxu walaac ka muujiyey marxaladaha maanta dalku marayo oo uu sheegay in xaaladdu manta marayso halkii dawladdii Siyaad Barre ku burburtay. Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi

“Shirkaddii shidaalka baadhaysey Energy dalka way ka baxday oo wax ay ku tagtay cidina aanay u war hayn shirkaddii dayaaradaha Ethiopian Airwaysna ay joojisey duullimaadkeedii cid jawaab ka bixisayna aanay jirin  waxyaabahaas oo dhammi waxa u sabab ah maammul-xumada, caddaalad darrada iyo musuq maasuqa iyo isku dul noolaanshaha iyo qabiil-qabiilka soo baxay ee nin keli ahi danaysanayo oo xukuumadda sare ee dalka ka jirta”.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Waxa lala galay heshiisyo xun oo aan caddaaladda ku salaysnayn dhulkii ay jeex-jeexeen iyo guryihii ay kiraysatay iyo dadkii wax walba cidla ayay kaga tagtay shirkaddii shidaalka baadhaysey”. “Dalka waxa ka jirta caddaalad-darro waxayna keentay qabiil qabiilkii wuxu dhalay  nin-jeclaysi eex iyo manaasiibtii dalka oo aan loo sinnayn waxyaabahaas oo arrimo nabadgelyo xumona keenaya xataa qabaa’ilkii dalka dacalladiisa degganaa ee xuduudaha soo xidhi lahaa aanay awoodda wax ku lahayn tusaale ahaan degaannada Boocame, Taleex, Kala-baydh, Xaiirad, Seylac iyo Meelo kale halka kuwo kalena awood ka tiro badan la siiyey waxayna u muuqataa in aan dan laga lahayn in dalku xoroobo oo xuduudaha lasoo xidho”.

Wuxuna intaas kusii daray “Waxana maanta jirta Wasiiw-wasiir ka baqaya, Wasiir Agaasime hoos jooga. Badhasaab-badhasaab ka awood weyn”

Ugu danbayntiina wuxu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey  “Caddaalad-darrada iyo maammul-xumada iyo awood qaybsi la’aanta jirta maanta waxaynu maraynaa halkii dawladdii Siyaad Barre ku duntey”.

 

Burcomedia.com

Hargeysa.

Leave a Reply