Wasiirka Arimaha Debeda S/land Oo Fadeexad Weyni Ka Raacday Hadalkii Uu Ka Yidhi Madaarka Hargeysa By Axmed Haaruun.

Filed under: Articles-Maqaallo |

 

Marka  hore  waan idin salaamey  dhamaantiin, salaam  ka  dib  bal  maanta  aan  dib  ugu  yara  noqon, sheekadii  madaarka  hargeysa  iyo  meesha  ay  ku  danbeys.

 

 

 

Mudo  hada  laga  joogo  ilaa  laba  todobaad  ayaa  waxaa  xarunta  Itoobiya  ka  soo  laabtey  sadex  wasiir  oo  uu  hogaaminaayo, wasiirka  arimaha  dibada  somaliland  maxamed  yoonis  biixi, iyo  wasiirka  arimaha  gudaha ,cali  waran cade, duulista  iyo  hawada  maxamuud  xaashi, madaar  liqe.

 

 

 

 

 

Markii  ay  garonka  diyaaradaha  yimaadeen  waxaa  hadalka  qaatey  wasiirka  arimaha  dibada  maxamed  yoonis. waxaanu  yidhi  hadalo  ay  ka  mid  ahaayeen  waanu  soo  dhameyney  arintii  dayaarada  itoobiya  iyo  sharkadii  batroolka  baadheysey!

 

 

 

Markii  wasiirku  sidaasi  lahaa  qofkasta  oo  aqli  leh  waxa  uu  dareemi  karaayey  in  wasiirka  ay  ka  muuqatey  fashilaad diplomasiyadeed,  waxaana  la  odhankarayey  wasiirka  waa  la  adeegsadey  si  uu dadka  been  ugu  sheego  madama uu  yahay  wasiir cusub ,runtiina  waxa  uu ahaa  nin  weyn  mana  fileyn  in  uu dadka  been  u  sheego.

 

 

 

Wasiirku  waxa  kale  oo  uu  sheegey  in  shirkada  batroolka  baadheysey  waraaqo  loo  qorey  isagoon  waraaqahaasi  dadka  tusin , saxaafadana  u  soo  bandhigin  marka  aad  wax  sheegeyso  ku  saabsan  qoraal,  waa  in aad  keentaa  kopigooda, hadii  kale waxaad  ku  hadleyso  maahan  wax  la  rumeysan  karo  waayo  dee  waad  iska  odhankartaa  hadal.

 

 

 

 

 

Ceebta  soo  baxdey  waxaa  maanta  la  joogaa  in  gabi  ahaanba  diyaaradii  Itoobiya  ay  dalkaba  ka  laalaabtey  ooy  si  cad  duulimaadyadii  somaliland  uga  saartey  jadwalkeeda  caalamiga  ah!

 

 

 

Halkaasi  waxaa  ka  cad  in  wasiirka  arimaha  dibada  somaliland  isagoon  wali  laba  bilood  wasiir  aheyn  uu  ummada  been  u  sheegey, waxana  meesha  ku  jirta  in  wasiirkii  reer  Daafuur  meesha  ceebi  ka  raacdey  iyo  waliba  isagoo  durba  ku  fashilmey  siyaasadii  arimaha dibada

 

 

 

 

 

Waxanan  kaga  baxayaa  siyaasada  siilaanyo,  waxey  somaliland  galisay  mugdi  ay  adagatahey  sida  looga  baxaa,  waliba  ku  darsoo  waxaa  laga  baqa  qabaa  in  maalin  dhow  ay  dalka  ka  dhacaan  kacdoon dadweyne  wax  uu  soo  kordhiyo  ha  joogtee.

 

 

 

 

 

By  axmed  haaruun.

 

axmedhaaruun@yahoo.nl

Leave a Reply