Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ku Dhawaaqay In Baandoogii Laga Qaaday Ceerigaabo iyo Ciidamadda Gobolkaasi Oo U Joojin-waayay.

Filed under: Latest News |

Ceerigaabo(BM) Iyadoo Wasiir Warancade Warbaahinta Ka sheegay maanta inuu baandoogii ka qaaday magaalada Ceerigaabo ayaa ciidammada qalabka  sidii looga bartay waxay habeenkii 8-aad oo caawa ah albaabbada u laabeen guud ahaan magaalada Ceerigaabo.

 

 Sidoo kale-na dadweynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ayaa  cod-baahiye  Gaadhi lagu rakibay lagu ogaysiiyay Bandowga magaalada ka jira laga bilaabo 10:00 habeennimo ilaa 6:00 subaxnimo sida uu xaqiijiyay Wariyaha Shabakadda Burcomedia ee gobolka Sanaag isla markaana  cid dhex maraysa iyo meel furan toonna aan la arki karin.

 

Geesta hadalkan ka soo  yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo tallaabadan ay sii wadaan ciidammada qalabka sida ee Ceerigaabo iyo guddida nabadgelyada gobolka Sanaag ayaa ah Kaaf iyo Kala-dheeri.

 

 Waxayna muujinaysaa kala oodnaanta xidhiidhka madaxda sare ee xukuumadda Somaliland iyo madaxda gobolka iyo degmada Ceerigaabo.

 

Sikastaba ha ahaatee baandoogan caawa ayaa hadalka wasiirka awgiis bulshada Ceerigaabo qaadan la’ yihiin waxayna taasi sababi kartaa isku dhac hor leh oo dhex mara ciidanka iyo dadka ay magaalada ka seexinayaan lagana yaabo in ciidammadu qab-qabtaan dad tiro badan iyo weliba kalsooni darro bulshadu ka qaadi karto sida hadalka ka soo yeedha xukuumadda sare uu uga dhaqan geli karo Ceerigaabo.

 

 

 

Burcomedia.com

Sanaag Office.

Leave a Reply