Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Su’aal Laga Waydiiyey Cabsida Ay Shacabku Ka Qabaan Libaaxyada Uu Rabbeystay.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Hargeysa (BM) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, oo shalay cod caqlabiyada ah ku ansixiyey Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha, ayaa waydiiyey su’aalo badan oo khuseeya masuuliyadda uu qaranka u hayo.

Xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waydiiyey su’aallo la xidhiidha nabadgalyada, xuduudaha Somaliland, kalsoonida uu ka qabo inuu la sii shaqeeyo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo sidoo kale Wasiirka waydiiyey halka ay ku dambeeyeen libaaxyadii rabbaayada ahaa ee uu haysan jiray, ayaa su’aalahoodu ku bilaabmeen sidan:-

Su’aal: Wasiir Gobolka Sanaag badh ka mid ah waxa ka jira maamul Magac u yaal ah, xukuumaddihii hore iyo tan imikuba way ka dhaga adeygeen inay maamulku ku fidiyaan (Bariga Sanaag), waxaanu noqonayaa dhul bahala galeena, haddii meelahan laga qayliyo oo la yidhaahdo maxaa loo yimid, markaa maadaama oo aad cusub tahay maxaa dhulkaa kaaga qorshaysan, Somaliland-na dadku way sheegtaan, mana aha oo way sheegtaan..?

Jawaabta Wasiirka: Annigu waxaan ka mid ahay dadka dalkan xog ogaalka u ah, waxaan u soo joogay Hargeysa oo marka aan gureyga ka soo baxo ee aanu doonayo inaan imaado Madaxtooyada, dadka badankiisu wuxuu igaga hadhi jiray meel dhexe  anniga mooyaane, dabadeedna waxaan iman jiray Madaxtooyada anniga oo kaliga ah, waxaan garanayaa Hargeysa oo kala qaybsan oo qaybna Bisaaska iyo Waraabuhu yaacayaan, dawladdina jirto oo markaa dawlad la sheeganayo, waxaan garanayaa qoyska aan ka dhashay oo ka hor yimid qaranka Somaliland oo aan dhex ordayo, waanse ku guuleystay, dhanxiirkii inagu dhex jirnay wuu durkay oo Dhahar ayuu marayaa, Dhaharna adiga ayaa ka soo jeeda ayaan filayaa, markaa sidii aan ugu guuleystay qaran diidkaygii ayaan kugu garab galayaa inaad wixii halkaa ka dhiman inaad ila qabato oo aad inyar iga horeyso oo aan ku deba socdo ayaan jecelahay, oo aan kugu sharfo, waanan filayaa inay dhawaan innaga dhamaanayso, waanigaa kuu sheegay inay Hargeysa badhtankeeda ayay ka bilaabantay.

Su’aal: Wasiir, Xisbiga Waddani ayaanu ugu ogeyn ee maka tanaasushay..?

Guddoomiye Cirro: Su’aalaha wixii shakhi ahi kuma jiraan.

Su’aal: Wasiir waxa jirta wareegto ka soo baxday xafiiskaaga oo ka hor imanaysa sharciga ismaamulka degmooyinka, Wareegtadaasi waxay sheegaysaa inaan shirar aan caadi ahayn aanay qabsan Karin golayaasha deegaanku, wareegtana meel sharci yaalo kama shaqeyso oo waa sharci daro, su’aashaydu waxa weeyaan maxaa kugu kaoifay wareegtadaa sharci darada ah…?

Jawaabta Wasiirka: Sidaad la socotaan waxa dawladaha hoose loo sameeyay inay horumariyaan dawlad hoose kastaaba deegaanka ay ka dhisan tahay, waxaanad ogtihiin inay maalin kasta soo baxdo iyagga oo is haysta dawladaha hoose, haddii ay tahay maamulkooda sare iyo haddii ay tahay xildhibaanada, arintaasi waxay keentay inay cardaaduqaha ka dhigto horumarintii iyo himiladii bulshadu ku soo dooratay marka laga eego dhinaca is qabsiga faraha badan, arintaasi waxay u baahan tahay sharci, haddii aad akhriday qoraalkayga waxaan cuskanayaa sharciga, oo aan xaq u leeyahay inaan ku ilaaliyo dawladaha hoose, sharciguna wuxuu dhigayaa in marka dawladdaha hoose la doorto inay sameeyaan xeer hoosaad, xeer hoosaadku waa waxay ku kala baxayaan, sida ay hawsha ku wadayaan, Waxaan kuu caddaynayaa inaanu xeerkaasi gacantayda soo gaadhin, iyadda oo aanay xeerarkii ay ku kala bixi lahaayeen aanay soo samaynin ayuu is qabsigu bilowday, dabadeedna waxaan u yeedhay Garyaqaanka guud iyo dawladaha hoose, waxaan ku idhi idinka oo xeer hoosaad lahayn is qabqabsigiinu wuxuu ka hor imanayaa shuruucda, waxay ka hor imanaysaa dhaqankii suubanaa ee shaqada, waxay ka hor imanaysaa inaydaan waxba qabanin oo aad hagar daamo ku soo kordhisaan bulshada, markaa wax sharci daro ah oo aanu samayn ma jirto, taana waxaanu qabnaa inay tahay wax loo baahan yahay in sharciga la dhamaystiro intaan isqabqabsigu iman.

Su’aal: Had iyo goorna dibad-baxyaduna waa wax dadku u leeyahay, dawladihii ina soo maray iyo tii aynu dagaalka la galnay aadbay u neceb yihiin, waayo aqoon daro booliska iyo dadka ah ayaa jirta, dilalbaa dhacay badan ilaa xukuumadda aad wasiirka ka tahay, markaa Wasiir sideed isleedahay waad u bedalaysaa aqoon darada Booliska…?

Jawaabta Wasiirka: Ciidamada qaar aan boolis iyo milatari soo marin ayaa laga yaabaa inay derajada qaateen, waanu dareemaynaa, markaa toddobaadkan waxaanu fureynaa akadamiyaddii Saraakiisha ee Mandheera, waxaanuna ku xeraynaynaa ragga Kabtanku ugu sareeyo ilaa xidiglaha si loo dhandhansiiyo oo loo dareensiiyo derajada garbahooda saaran qiimaha ay leedahay iyo sharafta ay leedahay, sida uu ula dhaqmayo ama u ilaalinayo derajada gacmihiisa saaran, waanad maqli doontaan.

Ta Mudaharaadyada, midbaad iga codsatay inaanan dhiggii hore dhiig kale u darin, waan kaa caqbalay, laakiin shacabka waa in la baraa sida salmiga ah ee loo mudaharaado, ta labaad adduunka haddii dadku nabad ku mudaharaadayaan iyagana nabad ayaa lagu ilaaliyaa, haddiise ay shacabka wax ka yimaadaan waxa loogu talogalay askari aan qori sidan oo sita gaashaan uu dhagaxa isaga dhigo iyo bahal la yidhaahdo Budhi-baadhi (budh) oo uu hoosta u galiyo si dadka loogu baqo galiyo, haddii ay kaasi soo dhaafaan biyo qabow ama diiran ayaa lagu saydhiyaa, haddii ay soo dhaafaan (Tear Gas) oo dadka ka ilmaysiisa, dabadeedna uu qofku waxba arki waayo oo uu qofku meesha ka cararo ama uu booliskuba qabto, haddii taasi waxba ka tari waydo oo ay soo dhaafaan (Alamtarana soo dhaaf) waxa loogu talo-galay rasaas rabadh ah oo dhawaqa rasaasta caadiga ah leh oo haddii lagu tido qofka aan waxba yeelayn, balse qofku ka cararayo qoriga ku soo fiiqan iyo dhawaaqeeda, hadduu taa soo dhaafo annigu waxaan hayaa oo aan bulshada u sheegayaa waatii cascaseyd, markaa waxaan idinka codsanayaa inta aan keenayo wixii dadku lagu maaweelinayey inaydaan mudaharaadin, waayo haddii kale waxa xigaa waa dhimasho.

Waxaan imika wadaa oo aan wasaaradda daakhiliga horteeda ku samaysanayaa sanaaduuq si aan cabashada dadwaynaha iyo wixii tabanayaan iyo taladooda iyo weliba qolyo aanu baryahan aad u wada hadlaynay oo sheegayey inay talo hayaan sanaaduuqdii ay ku soo ridi lahaayeen.

Su’aal: Wasiir waxaad dadka wakiil uga tahay arimaha nabadgalyada, taa macnaheedu waa in umaddu ku seexato nabadgalyo oo ay ku soo toosto, su’aashaydu waxay ku saabsan tahay libaaxyadii aad hayn jirtay, waxa jirta cabsi oo carruurta waxa lagu cabsiiyaa libaaxyadii Waran-cadde, dadka inay maskax ahaan nabadgalyo ku seexdaana waa waajibaad adiga ku saaran, wasiir libaaxyadii wax ma ka joogaan, haddii ay ka joogaan, diyaar ma u tahay inaad libaaxyadaa Magaalada ka saarto..?

Jawaabta Wasiir: Siciidow waxaan kala garan waayey inaad fuley tahay iyo inaad Libaaxyada uun ka tahay (Fuley), horta bahalihii (Libaaxyadii) waan kaa hayaa ee ha baqanin, awal sagaalbay ahaayeen laba Jabuuti ayaynu ku caawinay, imika 7 ayaan hayaa, soodayn maayo oo waan haynayaa, horta bahalkani habeenkii wuu eedamaa, waana ta la yidhaahdo waa Awliyo, waa cod aad iyo aad u macaan haddii aan barato, eedaan kalena uma baahnid haddaad barato, anniguna subixii isagaan ku toosaa, ILAAHAY waxaan ka baryayaa inaanu dadka waxba yeelin, waxaan doonayaa inaan sameeyo Carwada Xayawaanka, laakiin dhaqaale badan ayuu u baahan yahay, markaa waxaan golaha u soo jeedinayaa toban toban doolar oo aynu bahalkaa ugu samayno in la ila qabto, waayo ma layn karno oo xuquuqda iinsaanka oo kale ayuu leeyahay, ta labaad waa duur joogtii inaga dhamaatay ayaan u hayaan, waxaanan isku qabaa inaan hayo wax qaranku leeyahay oo uu qaranku u baahan yahay, laakiin la igaga baxay.

Su’aal: Wasiir, sideed ula qabsan kartaa xukuumaddan aanad hore siyaasadeeda uga tirsanaan jirin, intee in leeg ayaad rejo ka qabtaa inaad ku sii negaato xilka laguu ansixinayo..?

Jawaabta Wasiirka: Ninka Madaxwaynaha ahi rag buu doortaa oo xilbaa saaran, waxa laga yaabaa ninka uu dooranayo inaanu marka garanaynba, ninka hawl karka ah iyo ninka tabcaanka ahina shaqada ayay ku kala baxaan, markaa Madaxwaynuhu wuxuu xaq u leeyahay maadaama oo uu xil balaadhan saaran yahay ragga uu cugtay marka fardaha la isku fuulo ee dagaalka la galo ninka fadhiidka ah waa la reebi karaa ee ka soo bixi kari waaya, taasina waa wax Madaxwaynuhu xaq u leeyahay, taa Madaxwaynaha wax shaki ah oo aan qabaa ma jirto haddii aan shaqadeyda ka soo baxo, haddiise aan ka soo bixi waayo waxaan noqonayaa qolooyinka ay duca qabadu ay deba socoto, taasina wax dhibaato ah malaha.

Geeska.

Leave a Reply