Waxbarashada Dawladu maamusho ha la saxo, ma waxbaa ku jaban By Cabdiraxmaan Cadami.

Filed under: Articles-Maqaallo |

 Waxbarashada Dawladu maamusho ha la saxo, ma waxbaa ku jaban

Waxa la wada dareemay oo aad looga dayrinayaa tayada iyo xaalada waxbarashada dugsiyada dawlada, in kasta oo markastaba dhaliilo jireen waxay hoos u sii hoobatay Saddexdii sanadood ee kulmiye talada hayay, waxa la filayay in tiradu ka sii badato tayaduna ka sii fiicnaato halkay ugu yimaadeen marnaba maanka laguma hayn in waxbarashada dawladu maamushaa tayo ahaan dib ugu noqoto ama ku dhawaato Cahdigii ardaydu ku fadhiisan jrtay daasadaha caanaha, macalimiintuna ku shaqayn jireen iskaa wax u qabso.

 

 

 

Waxa kale oo la og yahay Miisaaniyada dawlada ka sakow in deeqaha dalka lagu caawiyo ee soo mara ururada UN-ta iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo lagu qiyaaso Boqolaal Mliyan oo Dolllar, Boqolkiiba Todobaatan (70%) waxa la siiyaa laba wasaradood oo kala ah waxbrashada iyo caafimaadka.

 

Dabcan  Wasaarada Kharashka intaa leeg la geliyay waa inuu ka muqdaa dadka (macalimiinta) iyo dugsiyadaba.

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisu malaha ma dareensana in deeq-bxiyayaashu joojin doonaan ama yarayn doonaan lacagaha lagu taageero Hay’adaha dawlada hadii si xun loo maamulo ama looga faa’iidayn waayo meelihii loogu talo galay.

 

 

 

Hadaba maxaa keenay dib u dhacan ku yimid dugsiyadii dadweynaha (public Schools)?

 

–          Xukuumada Madaxweyne siilaanyo iyaga oo aan  ka fiirsan waxay ku dhawaaqeen in dugsiyada hoose/ dhexe laga dhigay bilaash iyagoo markii horeba bilaash ahaa ujeedaduna tahay kaliye inay ku faanaan waayo ardayga bishii waxa laga qaadi jiray wax ka yar laba dollar laakiin wax badan ka tari jiray hawlaha dugsiga sida dayactirka ( kuraasida, miisaska, daaqadaha iyo albaabada), laydhka, biyaha, fayo -dhawarka IWM adeegyadaas oo dhamaantood maanta ka maqan dugsiyada dawlada

 

–          Macalimiinta oo niyad jabsan morale-kooduna aad u hoseeyo , waxay shaqada ku tagaan cago jiid ama maba tagaan

 

–          Mushahar yari awgeed macalimiintii ugu wanagsanayd waxay ka hayaameen dugsiyadii dawlada iyagoo mushahar fiican ka helay dugsiyada gaarka ah oo wakhtigan suuqoodu xaami yahay  markii waalidku caruurtoodii kala baxeen kuwa dawlada iyaga oo ay dantu ku kaliftay inay ka bixiyaan 20$ iyo in ka badan bishii

 

–          Heerka daba galka iyo qiimaynta wasarada oo aad u liidata sababta oo ah waaxyihii shaqadaa lahaa qarkood oo aan la hawl gelin, bal u fiirso saacadaha subixii dugsiyada dawlada la galo iyo saacadaha laga soo rawaxo ama la soo fasaxo.

 

Hadaba waxa layswaydiinayaa laba su’aalood oo kala ah: wasiirka iyo wasiiru dawluhu ma ka war qabaan xaalada dhabta ah ee waxbrashada dalka ee loo igmaday? Hadii ay jawaabtu haa tahay maxaa warbixin loogu gudbin wayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo golaha wasiirada si wax looga qabto ama dib u habayn loogu samayeeyo?  Haa way ka war hayaan dhibaatada waxna kama qarsoona laakiin Madaxweynahoodii oo meesha uu tagaba kaga faanaya waxbarashadii baan bilaash ka dhigay iyo tiradii ardayda korodhay, tayaduna ka sii daran sidee bay ugu dhici karaan inay u sheegaan hoos u dhaca ku yimid iyo xaaladu inay marayso meel laga naxo sidaa daraadeed madaxda sare ee wasaarada wado kale uma banaana oo aan ahayn inay dhibaatada iska huursadaan cabashada iyo dhaliilaha loo soo jeediyana muran kaga jawaaban hase ahaatee waxbarashada dawladu maamusho, hala saxo ma waxbaa ku jaban.

 

Si kastaba ha ahaatee macalimiintuna waxay noqdeen ma yeedhaan aan codkooda la maqal, ma hadlaan cid u hadashana ma haystaan, hase yeeshee tabashada aamusan ee macalimiintu waligeed  sidaa ahaan mayso waxa iman doonto dharaar ay isa soo taagaan, dawladaha Africana guud ahaan waxa lagu xantaa in dhibaato laga hortagi karo la sugaan inta ay ka qarxayso marka danban maaraynteedu adkaato ama qiimo sare ku kacdo.

 

In kastoo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqaano inay sas ka qabto in dhaliilaheeda la sheego hadana  waxaan u soo jeedinayaa talooyinkan:

 

–          In la soo celiyo fee-gii yaraa ee ardayda laga qaadi jiray, go’aan aan laga fiirsan oo qaldan laguma sii adkaysto haddii laga noqdo daciifnimo maaha balse waa geesinimo

 

–          In haddii sanadkan 2014 shaqaalaha dawlada loo kordhiyo 20% Macalimiinta waa in loo kordhiyaa 100%.

 

–          In la xoojiyo lana hawl geliyo kormeerka guud ee wasaarada.

 

–          In macaliimiinta wasaaradu tababarka siiso heshiis lala galo si aanay marka ay doonaanba ugu digo rogon dugsiyada gaarka loo leeyahay.

 

–          In Madaxada wasaradu ku dhiirto inay Madaxweynaha u sheegaan in hanaankii Waxbarashada Dawladu fashilmay oo anay sidan ku sii socon Karin iyaga oo u raacinaya talooyinka ugu haboon ee lagu sixi karo

 

 

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Leave a Reply