Wiil Qurbaha Ka Tegay Oo Muqdisho Isku Dilay Iyo Warar Kale Oo Arimahaasi Ku Saabsan.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Wiil da’diisa lagu sheegay 15-sano jir ayaa isku dilay shalay galab magaalada Muqdisho, kaas oo sida la sheegay waalidkiisa ay dib ugu soo celiyeen dalka ,gaar ahaan magaalada Muqdisho,iyagoo ka soo celiyey dalka dibaddiisa gaar ahaan dalka Sweden.

 Sida warku sheegayo wiilka is dilay ayaa degenaa Hotel-Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabi jiray wiilkaasi Cabdullaahi Xasan Islow ,kaas oo la sheegay inuu isku dhex toogtay qolkii uu ka deganaa gudaha Hotel Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta uu isu toogtay wiilkaasi yar , wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkani oo bistoolad madaxa isaga dhuftay uu ku ciyaarayey bistoolada xilligii ay xabddu ka dhacaysay halka warar kale oo an la xaqiijini ay sheegayaan in muran uu soo kala dhex galay isaga iyo aabaha dhalay taasina ay keentay inuu is dilo.

Lama oga willkani halka uu ka helay bistoolada la sheegay inuu isku dilay waxaana jira warar sheegaya inuu wiilkani ka helay bistooladda sariir abihiis ku seexday oo ay bistooladu ku hoos jirtay, lamana oga sababta rasmiga ah ee kiiskani ka dabeysa iyadoo ilaa hadda aanu waalidka dhalay wiilka is dilay aanu ka hadlin arrintani.

 

Geesta kale Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda gobolka Banaadir ee Somaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ku soo badanaayay ,dadka qurbajooga ah eek u soo noqonayaa ama dhalinyaradda dhaqan celinta loo keenaayo ,kuwaasi oo intooda badan inku dhaw Labaatan sano qurbaha ku noolaa..

 

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland.

Leave a Reply