Xaalka Lacag Bedelka Ceerigaabo Iyo Saamaynta Dhaqaale ee Bulshadda. By Keyse Cali Buraale.

Filed under: Articles-Maqaallo |

 Xukuumada Somaliland ayaa bilowday in ay ka bedesho lacagta lagu isticmaalo magaalada ceergaabo lacagtaas oo ay hadda samayn jireen maamul goboleedyo badan sida puntland,Ximan iyo xeeb,taas oo dhibaato dhaqaale ku haysay ganacsadayaasha iyo guud ahaan dadka isticmaala gaar ahaana sanaag oo  aan laga isticmaali jirin somalialand shillingka

Haddaba bedelaada lacagta ayaa ah wixii ugu muhiimsanaa ee xukuumada kulmiye ay qabatay inta la garanayo waxaan tusaale u ah magaalada Burco oo haatan dhaqaaleheedu aad u soo kabanayo tan iyo markii laga bedelay lacagtii ay isticmaali jireen.

Iyadoo ay dhibaatooyin yar yar oo xilaga dhow ah keeni karto magaalad ceergaabo sida lacaga foojarka ee Somaliland shillinka ah.khilaaf siyaasadeed iyo fahan laan istimaalka ah haddana waxaa hubaal ah in xilliga dheer ay dadka reer ceergaabo u aayi doonaan.

Haddaba waxa lacagtaas u aayi doona meheradaha yar yar ama small retailers kuwaas oo si weyn uga faaidi doono hadii ay isticmaalaan, waxaa kale oo iyana ay muhiimad weyn u yeelan doontaa shaqaalaha dawlad iyo askarta mushaharka qaata, kuwaas hore loogu bedeli jirey lacaag aad u yar tii lasiiyay , waxa kale oo iyana si weyn uga faaidi doonta xukumada somalialnd oo haatan si weyn u kaantarooli karta gobolkii sii libdhaayey ee noqday faraha laga qaadka.

Geesta kale  waa kuwee dadka ku khasaaray isbedelkan degddega ahi. Waxa cadaan ah in ka ugu weyn eek u khasaaraya u noqon doono dadkii soo samayn jirey lacaga Somali shillinka ee dadka dollarka ka urusan jirey, waxa isaguna aan ku farxayn sariflayaashi lacagaha ee wax ka dhadhamin jire

Waxaa kale oo isna kumahadsan gudoomiyaha baanka Somaliland oo ku dhiiradey in dadkiisa ka samata bixiyo dhibaatada dhaqaale isagoo weliba aanay cid badan oo qaran

Wax badan la ogayn

Maraca la isku so ururiyo waxaa guul weyn oo dhaqaale ah in dadka reer ceergaabo ay mar uu ka raystaan lacagihii qof iska soo samaysan jirey oo haatanan ay isticmaalaan lacag baanka dhexe kaantaroolo,iyadoo weliba u fududaynasa.

waxase ka fiican lacag bedelka Ceerigaabo in Xukuumadu ,wax ka qabato adeegyadda bulshadda ee gobolka sanaag oo fadhiid ah intooda badani halka inta kalena aaney kaba jirin.

Keyse Cali Buraale .

Burco Somaliland

Leave a Reply