Xeerkan La Ansixiyey Wuxuu Dhiig Bax Ku Yahey Shacbiga Danyarta Ah Ee S/land By Yuusuf Kayse.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Marka hore Waxaan Salaamayaa Dhamaan Shacbiweynaha Reer Somaliland

Marlabaadka Waxaan Salaamayaa Saxaafada Madaxa Banaan

Waxaan Doonaya in aan Qalinka U Qaato Xeerka Loo La Baxay Horumarinta Wadooyinka anigu Odhan Maayee anigu Waxaan I Dhaahdaa: Xeerka Dhiig Jaqida Danyarta Taagta Daran Ee S/land (Xeer Xirzi)

Xeerkan Oo Shaley ay Ansixiyeen Golaha Wajiyo Badanta Ah Ee La Yidhaahdo Golaha Baarlamanka Kaas Oo Badankoodu aaney Ka Fikireyn Ayaaha Dalkan Iyo Dadkan Oo Siisanaya Waxyar Oo Maantaba Ay Ka Qatan Yihiin

Xeerkan Oo Dano Maaliyadeed (Hanti Urursi ) iyo Siyaasadeed ku Hoos Duugan Yihiin isla markaana Aad Ka Arkeyso Sida Dhakhsaha Ah Ee Madaxweynuhu isla Xaleyba Ku Ansixiyey Digreeto Madaxweyne Taas Oo Qarankan Iyo Shacbiga Masaakiinta Ku Ah Dhiig Bax Dhaqaale,Cadibaad iyo Ka Carar Wadanka Hadaanad Bixinkareyn

Sidoo Kale Waxaa Maanta Aan Warbaahinta Ku Arkayey Xildh Golaha Guurtida Oo Aad Iyo Aad Ugu Faraxsanaa Xeerka Dhiig baxa Ku Ah Shacbiga Danyarta Ee Taagta Daran Ee S/land

Baarlamanka S/land Oo I Xasuusiyey SHeeko Bari Hore Somaaliya Ka Dhacdey

Bari hore ayaa dhulka somaalida waxaa ka jiri jirey nin boqor ah oo kaligii taliye ahaa isla markaana Xukun Adkaa aadna looga baqi jirey

Ninkaa Boqorka ahi Waxaa dhaqan iyo caado u ahaa in loo keeno Neefkasta oo laqalo Badhidiisa meelkasta oo lagu qalona Dhulka somalida looga keeni jirey

Maalintii Danbe Ayaa Waxaa Dhacdey Dadkii Somalida ahaa Ayaa Isu Yimid Waxaaney Ku Tashadeen waar Badhidan Inaga Iyo Caruurteena ayaa U Baahan Ee Aynu Ku Nidhaahno Boqorow Subagii Waa La Waayey,

Hadaba Waxay Yidhaahdaan Yaa Ku Odhanaya Boqorka in Badhidii La Waayey,Dabadeed Waxaa Loo Qorsheeyey in Sadex Nin Qaybsadaan Hadal Oo Midba Inyar Qaato

Waxaana la Yidhi HebelKii Koobaad Ayaa Waxaad Tidhaahdaa BOQORAW,Kii Labaad Ayaa isna La yidhi Waxaad Tidhaahdaa BADHIDII Kii Sadexaad Ayaa Isna La Yidhi Waxaad Tidhaahdaa WAA LA WAAYEY

Sidaa Daraadeed Sadexdii Nin Ayaa Is Raacey Waxaaney U Tageen Boqorkii,Waxaaney Bilaabeen Hadalkkii

Kii Ugu Horeeyey AYaa Yidhi BOQORAW Kii Labaad Ayaa Isna Yidhi BADHIDII kii Sadexaad Ayaa Intaanu Hadal uu Boqorkii Weelkii uu BADHIDA ku Shuban Jirey Soo Dhaweystey, Dabadeed Kii Sadexaad Ayaa Waxaa Uu Yidhi BOQORAW BADHIDII LA,GIINA LAGUUGU DAR

Hadaba Waxaa Sheekadan I Xasuusisey Dhiig Baxii Shaley Ka Dhacey Baarlamanka S/land Ee AY Sameeyeen Ragii Doodooda Aynu Ka Daawaneyney T.v yada Dal iyo Debedba iyo Kuwa Sida Fiican Aan U Fikirin

Miyaaney Ka Dhigneyn Arinta Baarlamanku Madaxtooyadii Dhaqaalaha Dalkuba Ku Shubmayey Ee marka horeba laga Yaabanaa In La,giina Loogu Darey

Ugu Danbeyntii Waxaan Leeyahey Qaranku Wuu Dhiig Baxayaa Ee Aynu Qabano Midida Bilaa Naxariista Ah Ee Lagula Dhex Jirana Ka Qabano

Qalinkii

Yusuf Keyse A/laahi

Leave a Reply