Xildhibaan Bidhi waxa aan leeyahay xagii lagaa soo doortay ayaa wax qabad kaaga baahn ee By Yuusuf Cabdilaahi.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxa jira arimo is huwan oo la soo dhexdhigay jaaliyada Somaliland ee Cardiiff oo meel xun maraaya taasi oo marqudhah loo soo abaabulay mashruuc uu keenay Xildhibhan Mubaarik Yussuf (Bidhi) oo ilaa makrkii ladoortay ka shqaynaayay arimo aan qaranka u wanaagsanyn, marka laga soo bilaabo ilaa 2011 iyo 2013 ciyaarii kadhacy dalka kuwaasi oo la iska hor keenay ciyaartoogii togdheer kuwaasi oo xildhibaan Bidhi uu lug weyn ku lahaa iska horkeenkii iyo sumcad xumadii ku timid xulkii Togdheer ee uu fidnada kala dhex dhigay, dhibkiisu kuma uu eekayn uun taasi ee 2011 oo aanu ahayn Xildhibaan laakin uu ku dhexjeray musuqmaasaq badan oo lugu erayay ee waseerkii ciyaarah Somaliland ee xiligaasi.

Mashruucan hada la iskaga hor keenaayo jaaliyada Cardif oo lugu soo dhameeyay xukumadd oo la yidhi wax ha la dhaqaajiyo si Dowladu u hesho taageerda debeda, si indhaha bulshada loo tuso dhalnteed iyo riwaaydo been ah oo lagu baabiinaayo hantida umada, waxaanse u sheegayaa in aan Cardiiff ku heesin Shilimaad oo ay dadka tidhaahdo ee iigu heesaa shilimaad, markaa nikii isleh waxbaad ku helaysaa mashruuca Cardiiff, shilimadaasi oo lagu kala qaybinaayo, adeer soconmayso, waxa se xukumadda la gudboon in ayna wax wakhti ah iskaga luminin mashruuca beenta ah ee xildhibaan Bidhi iyo rag kaleba ay wataan ee lagu raadsanaayo magaca

Dowladu waa tii Somaliland waana tii dadwaynuhu doortay waana tii jaaliyadah debedu ay tageereen, markaa angu mashruuc kaagama baahnin ee Burco iyo halkii laga soo doortay baa u baahan sida kuwa kula derejada ah ee u shaqaynaya dadkii iyo deegaanadii lagaa soo doortay, ee aad kala qaybinta iyo iska hor keenka aad hade iyo gooraale kula dhex jirtid, maantana ma Cardif oo dawlada taageersanyd ayaad mashruucii ciyaartii gobolka Togdheer aad ku baabiisay aad ula soo dhooftayfadlan ku laabo dadkii kugu qldamay ee ku soo doortay oo isdaba qabo oo umadaada si fiican ugu shaqee

Waxaad adiga (Bidhi) keentay inaad faro galin Xun aad ku samaysay Arimihii Xisbiga Kulmiye uu samaysan lahaa oo ay jaaliyado ay doonayeen. Waxaad kele oo adiga iyo labada aad mashruuca u dheebtay ee ka yimey Cardiif keenteen in qof kastaa uu iska duubo xaflado bilaa jiho ah oo dowlada xilal lagaga doonayo. Dowlada Somaliland way taqaanaa cida ay xilal u dhiibayso ee adiga (Bidhi) iskuul gal oo kala baro habka dowladah loola sheqeeyo iyo maamulka iyo maaraynta, waxaad baraty sida magaca looga dilo dowlaha, sababtuna ay tahay tacliin laanta ku haysta.

Ina Ubaxle sidii loo dooraty muu iman Cardiif laakiin waxaa soo baxaya inaanu wax kala socon oo u ku hurdo (King Size Bed). War kale oo soobaxaya ayaa sheegaya inoo isagu dadka Jaaliyada uu soo martiqaadayo. Waxaa is waydiinleh ina Ubaxle mashruuca miyuu kula jiraa(Bidhi).

Yusuf Abdillahi

y_abdillahi@hotmail.co.uk

Leave a Reply