Xildhibaan Hufane Oo Sheegay In Cashuuraha Ay Xukuumaddu Kordhinaysaa Ay Dhabar Jab Ku Tahay Nolosha Shacbiga.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Burco-(BM)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in cashuuraha ay xukuumadu kordhinaysaa ay shacbiga noloshooda dhibaato culus ku tahay, waxaanu tilmaamay in cashuurta la kordhiyaa ay ganacsataduna maceeshada sixirkooda cirka ku sii shareereen, kaas oo ku baaqay in xukuumadu ay joojiso cashuur kordhinta.

Waxa kale oo u sheegay xildhibaan Hufane in miisaaniyad sanadeedka muddadii xukuumada Kulmiye ay xilka haysay kor u kacday, ay sababtay cashuuraha la kordhiyo keentay in ganacsatada raashinka soo dajisaana ay shacbiga qiimaha maceeshada ku kordhiyaan, waxaanu tilmaamay in xukuumadu ay u naxdo shacbiga Somaliland ee sicir bararka iyo shaqo la’aanta ba’ani ay ku habsatay.

Xildhibaan Hufane ayaa sidoo kale xukuumada ku dhaliilay inaanay wax qorshe ah ka samaynin boqolaalka dhalinayarda ah ee dalalka dibadaha u tahriibaya oo uu sheegay in tahriibku uu gaadhay heer laga naxo oo aan la sii eegan Karin.

Xildhibaan Hufane ayaa sidaasi ku sheegay xogwaraysi kooban oo uu shalay golahooda ku siiyay wargeyska Haatuf, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Miisaaniyadu markii xukuumada Kulmiye ay xilka la wareegtay waxay maraysay $46 ilaa $50 milyan, maanta waxay maraysaa ilaa $227 milyan, waxa hadaba isweydiin mudan miisaanidan soo korodhay iyo kharashkani xagay ka soo baxeen? Waxay ka soo kordheen cashuuraha la kordhiyay, cashuurtaasina ganacsatada wax kama dhintee shacbiga uun bay dhibaato ka soo gaadhaa qiimaha maceeshada. Miisaaniyadan uu leeyahay wasiirka maaliyadu waanu kordhinay waxay dhibaato dhabar jab ah ku tahay shacbiga, maadaama cashuurta ay bixiyaan. Sidaa darteed waxaan leeyahay xukuumadu cashuurtan ay sanadkasta kordhinayso shacbigay dhibaato ku tahay oo ay ka go’an tahaye hala joojiyo.

” Xildhibaan Hufane oo ka hadlaya aragtidiisa ku wajahan dhalinyarada reer Somaliland ee u tahriibaya dalalka shisheeyaha iyo shaqo la’aanta ka taagan dalka, ayaa waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye xilliyadii ay mucaaridka ahaayeen waxay ku ololayn jireen Udub way tagaysaaye ha tahriibina, nasiib daro maanta tahriibkii wuu sii laba jibaarmay, oo maalin kasta boqolaal dhalinyaro ah oo tahriibaya ayaa dalka ka baxa wax qorshe ah oo wax lagaga qabanayo Aafada tahriibka iyo shaqo la’aanta dalka ka taagana xukuumadu kamay hawlgalin, balse waa nasiib daro in xukuumadu daawato Aafada qaran ee tahriibka”.

Leave a Reply