Xildhibaanada Xoog Iyo Buubaa,waa Geesiyaal wakiiladdii kale Wanjaleen. Taariikhduna Wey Qori Doontaa.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ugu Horeyn, Waxaan Salaan Hawada u soo marinayaa dhamaan reer dadweynaha Somali-land ee ku dhaqan dunidda oo dhan.

Waxaan Maqaalkan ku xusayaa,anigoo aad uga yaabey xildhibaanadda Golaha Wakiiladda iyo sida quudhisiga Leh ee Loo marsadey xeerkii Waddanka oo dhami ka qeyliyey ee Cashuur kordhinta.

Xeerkaa markii ay a doodayeen,oo loo qaatey in Xildhibaanadu dhulka iska qaadeen,iyadoo markii horeba fartu ku godneyd. hadana sida fiican ee ay dooddi u sameeyeen” hiil qaran”

wuu wanaagsanaa. badidooduna wey ka soo horjeedeen xeerkaa.

Nasiib-daro sidii caadaddu aheyd,dawladdii wey ku guuleysatey in xildhibaanadda mawqifkooda bedelaa,iyadoo la yaaban yahey waxa ku dhacey xildhibaanaddii. lakin waxa xusid mudan xildhibaanada  Xoog Iyo Buubaa iyo dhawrkii kale ee ka codeeyey xeerkaa,oo muujiyey HIIL QARAN.

Markaa Waa Geesiyaal,taariikhdu qori doonto,mar danbena la xasuusan doono geesinimadda ay dadkooda ugu hiilinayeen,lakin xildhibaanaddii kale ku wanjaleen.

 

Mahadsanidiin

 

Keyse Aw-Diriye Liban ( Cardiff )

Leave a Reply