Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Oo Wasiir Xirsi Waydiiyay Su’aalo Uu Ka Gubtay Iyo Kuwo Uu Baalmaray .

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X.Xasan oo shalay hortegay golaha Barlamaanka Somaliland  ayaa xubno xisbiyada mucaaridka ka soo jeedaa ku afuufeen dhawr su’aalood oo ku saabsan awoodaha faraha badan ee uu isticmaalo iyo halkuu ka keenay maadaama xilikiisu uu wasiiryahay  balse wasiirku  su’aalahaas si kulul ayuu uga gubtay,jawaabuhu ka bixiyeyna waxay ahaayeen kuwo aan deganeyn .

Sidoo kale wasiir Xirsi ayaa madasha ka akhriyey khudbad ka balaadhan khudbad Wasiir  oo qaadatey wakhti 45 daqiiqo oo uu kaga hadlay arimaha nabadgelyada,xidhiidhka jaarka, siyaasada arimaha debeda iyo gudaha,waxbarashada,dhaqaalaha,horumarka ,icitiraafka,dibu-heshiisiinta,sahaminta shidaalka,wadooyinka iyo kallumaysiga oo ay u xilsaaran yihiin wasaaradaha iyo hayadaha dalku ka kooban yahay ,kuwaasi oo ah shaqo aan isaga loo dooran oo ah shaqii Madaxweynaha .

Ugu horeyn su’aalaha la waydiiyay Wasiirka oo uu mid ka mid ah waydiiyay  xildhibaan Mahdi Buubaa oo ka tirsan golaha Barlamaanka Somaliland ayaa weydiiyey su,aal u dhignayd sida tan “Wasiir khudbadaadu waxay ahayd mid ka balaadhan xilka wasiirnimo ee madaxtooyada,waxay ahayd mid koobaysa dhamaan jamhuuriyada Somaliland qeybaheeda kala duwan,waxaana la yidhi fule xantii ma moogee waxaa jirta xan odhanaysa awooda wasiirku wey ka balaadhan tahay xilkuu ku magacaaban yahay, bal iftiimi xilkaad qaranka u hayso iyo awoodaha lagugu xantaa halkay dabada ku hayso?.

Wasiir Xirsi ayaa damqadey ,si cadho leh uga jawaabay su’aashaas,wuxuuna yidh “waxaa intii aad WADANI gashay ii muuqatey in mucaaradaadu kugu badan tahay ,ma markii aad UCID ahaan jirtay ayaad mucaaridada ilowday?,waxaan ku dhan lahaa odayga WADANI ( Cabdiraxmaan Cirro) macaamiisha ha ka eryine ee mucaaridaada miyir u yeel.

Isagoo wasiir Xirsi hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray “ xilka lay ansixiyey ee wasiirka madaxtooyada ayaan hayaa,haddiise ay iskaga khaldantay hogaaminta iyo maamulku ,way kala duwan yihiin oo hogaamiyuhu waa madaxweynaha qaranka ‘aniguna hawl-maalmeedkiisa oo dhan ayaan uga shaqeeya,hadayse kugu cusub tahay oo aad carabka ku balaadhisey xilkaagu wuu ka balaadhan yahay intaas,waxa la yidhi qofkahogaamiyaha ah ayaa jagada sameysta ee jagadu qofka ma sameyso”,taas oo wasiir Xirsi uga jeeday inuu awoodaha faraha badan isagu sameystay.

Su’aal kale oo ay weydiisey xidlhibaan Baar saciid ayaa iyana ka damqaday,waxayna u dhignayd  “had iyo jeer waa la hadal hayaa xukumada iyo cida kursiga fadhiisata,waxaa dhacday in inan la yidhaahdo Nadra  Maxamed Jaamac oo la yidhi wasiirkay wax ka sheegtay aad xidhay, maxay inantaasi kaga duwan tahay Raga wargeysada wax ku qoraya ee TV-yada ka hadlaya mise waxaa kugu jira nacayb Dumar?.

Wasiir Xirsi wuxuu sheegay in Nadra Maxamed Jaamac oo uu dacweeyay,xidhayna ay aflagaadeysay,kuna kacday fal fawaaxish ah oo aanu ka filayn in xildhibaan Baar wax ka weydiiso (Difaacdo) oo aan ahayn wax haween ku kaco.

Isku soo wada duuboo waxaa wasiirka la weydiiyey dhawr su’aalood oo kale balse waxaa inta badani wejigiisa ka muuqatey cadho uu ka qaadey ama ka dhalatay su’aalahaas xidlhibaanadu ku soo hurgufayeen,waxaanay jawaabihiisu u badnaayeen dabdemis ama isdifaacid aan xikmad buurani ama maangal ah ku binaysan balse wax iska celi u badnaa.

 

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa wakhtigii uu qudabadaasi akhriyaayay oo ku dhawaatay Saacad wax yar la ayaa waxa ka biyo diiday mudanayaasha Golaha Wakiiladda ,oo dhawr jeer kor iyo hoos-ba ugu sheegay in uu qudbadiisa ku saleeyo ,wixii shaqadiis ah oo qudha ,laakiin uu ka baxo waxyaabaha kale .

 

 

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland.

Leave a Reply