Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo Mooshin Siilaanyo Lagu Waydiinaayo Arimo Xaasaasi Ah U Gudbiyay Shir-gudoonka Baarlamaanka.

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta shirgudoonka golaha u gudbiyey mooshin  ka dhan ah Madaxweyne Siilaanyo Heshiisyadii uu shirkadihii shidaal baadhista la galay iyo arimo kale oo musuq oo ay Xukuumadda Siilaanyo ku talaabsatay .

 Sidoo kale Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen 12-xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamaanka sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan xubnahani ayaa mooshinkan ay hordhigeen Shir gudoonka ku dalbaday in Madaxweyne Siilanyo  baarlamaanka la soo hor fadhiisiyo si ay  baarlamaanku wax uga weydiiyaan arimo khuseeya heshiiyada xukumada Siilanyo la gashay shirkadii Genel Energy ee dalka ka baxday iyo muranka ka oogan dibudhiska  Madaarka Hargeysa iyo waliba diyaaradii Ethiopian Airline oo duulimaadyadey ku iman jirtay Somaliland gebi ahaanba joojisey.

Mooshinkan oo ay saxeexeen 12-kan xildhibaan  oo aad looga soo baarandegay ayaa laga yaabaa inuu xasaasiyad hor leh iyo guux xisbiyeysan ama beelaysanba ka dhex istaadho golaha oo la filaayo in todobaadkan car iyo wirtu yeedho, oo hanjabaadu tiro beesho maadaba ay golaha ku badan yihiin xildhibaano nooca guulwadayaasha loo yaqaan oo sax iyo khaladba ku taageera xukumada Siilanyo.

Geesta kale Mooshinkan ka dhanka ah Siilaanyo ayaa ku soo beegmay Wakhti  uu xadhkaha goostay  mudooyinkii u danbeeyay Musuq-maasuqa ,Cadaalad-daradda iyo Qaraaba kiilka hadheeyay Xukuumadda Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay  ,taasi oo laga cabsi qabo in ay dalka u herseedo xaalad-jaahwareer iyo nabadgelyo xumo .

Waxaana Xusid mudan xiligan in uu Siilaanyo Buuqasho ku joogo goboladda Togdheer iyo Daad-madheedh oo ay kala kulmeen Banaanbaxyo mawjado ahi ,gaar’ahaan xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Burcomeda.com

Burco Office.

Leave a Reply