Xirsi iyo kooxda uu ka madaxda yahay ee isku xeertay madaxweynaha By Axmed Cali.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxa u caado ah kooxda Wasiir Xirsi ee ka arradan milgaha dawladnimo ee isku xeeray Madaxweynaha JSL oo haatan gudo iyo dibedba laga dareensan yahay inaanu awoodin Madxweynuhu sii ambaqaadka xilkii loo doortay. ayaa Kooxdan waxay mar kasta oo shacbiga iyo siyaasiyiintuba ka hadlaan xaaladda aan sugnayn ee Madaxweynaha ama ku baaqaan in laga wada tashado marxaladda murugsan ee uu ku sugan yahay Maamulka dalku,waxay markaaba si qiiq isku qaran ah, kolba meel ula cararaan Madaxweynaha sida iyagoo geeya goobo laga furayo mashaariic yar-yar oo Dawladaha hoose iyo dadka degaanku qabsadeen. Ujeeddada qudha ee ay ka leeyihiin soo dhaqdhaqaajinta Madaxweynaha, waa inay kaliya u jilaan bulshada riwaayad aan si dhab ah looga soo baaraandegin, haseahaatee ka dareeraan bulshadii u daawashada timid, iyagoo habayaraatee aan wax xikmad ah ka korodhsan.

Waxa kale oo kolba gees ula orodka Madaxweynuhu sii iftiimiyaan, dareenkii horeba loo qabay ee ahaa xil gudasho la’aan, kadib marka Madaxweynuhu munaasabad kasta oo ay u hor-kacaanba uu halkii laga sugayey khudbad ku salaysan hadba wadciga lagu jiro uu ka odhan kari waayo waxaan dhawr weedhood dhaafsiisneyn. Intaa dabadeed waxay dadkii ku sugnaa munaasabaddaas, gaar ahaan intii taqaanay aftahanimadii Siilaanyo isweydiiyaan oo ay yidhaahdaan “ Waar sidan kuma fayooba Axmad Siilaanyo ee ma xannuun baa jira mise da’diibaa kusoo deeraysay oo sidan ka dhigtay?” waxay intaa raaciyaan oo haddana yidhaahdaan “ malaha waxbaa ka jira arrinta awoodda xil gudasho la’aaneed ee beryahan dembe bulshadu carrabka ku hayaan meel kastoo ay ku kulmaa?”

Falanqeyn iyo dood badan kadib, waxa ay bulshadu isla qaataan, in khaladaadka Maamul ee qeyra caadiga ah ee dibedda usoo baxaya mar walba, wax tallaabo ah oo laga qaadaana aanay jirin madaxda uu ku cad yahay khaladaadkaa qaawan ee maamul, musuq iyo qaraaba-kiil ee ay ugu dembeeyeen fadeexadihii kasoo if-baxay Shirkaddii Sahaminta Shidaalka iyo dib u dhiskii Madaarka, inay lagama maarmaan uu yahay wada tashi laga yeesho xaaladdan, si wax kasta oo jira loo soo taabto, maadaama uu Datuurka Qarankuna sidaa oggol yahay.

Haddaba kooxdan oo la odhan karo waxay la mid yihiin kooxdii [ The four Gangs] ee dalka Shiinaha ee isku dayday inay xukunka maroorsadaan marxaladihii ugu dembeeyey ee Hoggaamiyihii dalkaas Mao Tse-tung, sidaa awgeed kooxda Golaha Wasiirrada ee Xirsi, ayaa iyaguna waxay dhexda u xidheen si kasta oo ay ku hor istaagi karaan soo hadal qaadka xaaladda Madaxweynaha, si maamulka dalku uu ugu sii jiro gacantooda, Odayguna u dhex khuuriyo qasriga Madaxtooyada. Xaaladdan Maamul ee dalku ku jiro haatan waa mid la mida tii uu ku jiray Keligii Taliyihii Siyaad Barre dhawrkii sanno ee u dembeeyey oo taladii iyo maamulkii dalku ka baxday gacantiisa, kuna wareegtay gacanta intii ugu dhaweyd ama ka ag dhaweyd, taasoo sababtay soona dedejisay cimrigii xukunkiisa, isla markaana dhaxalkeedii noqday ta illaa maanta la furdaamin kari la’yahay ee ka taagan Somaliya.

Haddaba Xirsi iyo kooxdiisu iyagoo dhacdadaa dib u eegaya, waxa la gudboon inay Ogayga ka daayaan hadimooyinka mar walba sii tirtiraya taariikhdiisa, sidoo kalena u tudhaan dadka iyo dalkaba intaanu ka shalwan haadaanta uu imika ka laalaado oo ay ka fikiraan sidii loo badbaadin lahaa, iskana dhaafaan riwaayadaha wada beenta ah ee ay usoo jilayeen bulshada muddada saddexda sanno ah ee uu Mudane Siilaanyo ku magacawnaa hagista iyo hoggaaminta dadka iyo dalkaba, maadaama kusoo celcelinta riwaayadahoodu yihiin kuwa wax uun sii kicinaya oo geesta kalena marnaba dawo u noqonayn xaaladda Odayga, sidoo kalena aan idinka idiin noqon doonin biriij aad kaga gudubtaan, si aad usii walaaqdaan maamulkii iyo haykalkii dawladnimo eed dhabarka jebiseen. Waxa dantiina iyo ta guud ee dadka iyo dalkuba ku jirtaa idinka oo talada toosan raaca, waana dariiqa idiin bannaan ee aad isku daba qaban kartaa, wixii dunuub ah ee aad kooxdiinan ka gasheen shacbigana, Eebbe ayaad la hor tagi doontaan maalin aan maanta ahayn.

Ahmed Ali Faahiye (Ahmed dheere)

Leave a Reply