Xisaabaha Gaarka U ah Wasiir Samaale Ee Uu Ku Darsadey Miisaaniyada Qeybtii 3aad By Cabdi Xaaji.

Filed under: Articles-Maqaallo |

“MA LUMO XAQ NINKII LAHAA DABO SOCDO’ Waxaynu soo afjari doono si ku meel gaadh ah maqaaladan muujinaaya xatooyada loo badheedhay een haysan cid xakameysa iyo cid dabo gashaba. Waxaan haya xugo ay ii soo direen laba mas’uul oo Wasaaradda Maaliyadda ka tirsan laakiin aad u culus oo u baahan hubsiimo iyo xili la helo cid wax ka qaban karta. Waan hayn tan iyo xiligaas. Waxaan ka codsanayaa cid kasta oo haysa xoggo xatooyo iyo hanti boob ha ii soo direen iyana meel adag oo aamin ah ha ku hayaan. Waxa iman doonta maalin lala xisaabtamo dambiilayaasha. Dambiga xatooyadu ma duugoobo oo muddo kasta ha qaato ee waxa la gaadhi maalin laga jaro oo xaqaa lumay la soo celiyo, iyadoo waliba lagu xisaabin doono inta xoolahu maqnaayeen waxay faa’iido keeni lahaayeen. Hore ayaa loo yidhi ma lumo xaq ninkii lahaa dabo socodo. Ha daalin oo ha niyad jabin uruuri xogaha oo kaydso.

Waxaynu hore u soo qaadnay qaabka nidaam darrada ah ee miisaaniyaddii 2013 loo ansixiyey oo laga dhigey mid aan Wasiirna ogayn Wasiirka kale miisaniyadiisa loona afduubay si ayna cidina ula socon Miisaaniyadda buux dhaaftay ee Wasaaradda Maaliyadda. Taas aynu si wadno. Waxa iyana ka mid ah xisaabaha caqligu qaadan waayey kuwan:

IIBKA GAADIIDKA oo ahaa 2012, lacag dhan 660 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 2,540 Milyan Korodhsiimo ah 1,880 Milyan una dhiganta 285%

XAFIISYADA WASAARADDA oo aha 2012, lacag dhan 840 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1,500 Milyan, korodhsiimo ah 660 Milyan oo u dhiganta 79%

DHARKA IYO DIREYSKA oo aha 2012, lacag dhan 60 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 260 Milyan, korodhsiimo ah 200 Milyan una dhiganta 334%

MARTIQAADKA oo aha 2012 lacag dhan 50 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 200 Milyan, korodhsiimo ah 150 Milyan, una dhiganta 300%

Isugeynta afartan xisaabood waxay yihiin sidan. 2012, waxay ahaayeen 1,610 Milyan, waxuu ka dhigay 2013 lacag ah 4,500 Milyan, korodhsiimo 2,890 Milyan una dhiganta 180%.

Ma tahay wax macquul ah in intaasi si hawl yar oon naaqish iyo tafaasiil lahayn ay Golaha Wakiiladu ansixiyaan. Haa maayo mabay arag ee duuduub ayey ku ansixiyaan, waana xil gudasho la’aan. Dadweynow kala xisaabtan cidaad doortay ee baylahdaada u diratay halkey mariyeen.

Hoosna waxaan idinku naqilay seddex maqaal ee hore oo dhammaan ka hadlaaya mawduucan si ayna waxba idiin dhaafin.

Aan ku celiyo ee ciddii haysa war la xidhiidha hanti-boobka dalka ka socta meel kasta mid wasaaradeed, gobol, iyo degmaba ii soo dir si aynu dadka ugu bayaamino, xogtana haya oo ilaaliya maalin ayaa iman dib loo xisaabtamo ee fadlan kayd adag galiya. Intiina emailka ii soo dirtay ee igu dhiiragelisay arrintan waad mahadsantihiin, ninka cayda ii  soo dirayna wuu mahadsan yahay oo dareenkiisa iyo caqligiisa ayaan hawl yaraan ku helay ajarna waan ka heley. Waxaan se ogaaday in dadkeenu yahay midho xariir ah oo jecel wanaaga necebna musuqa. Samaale qof ahaan ma necbi oo dambi khaas ah igama gelin, waxaan u arkay nin ka fog amaanada loo dhiibay. Walow wax badan uu fagaraha ka akhriyey ayadaha ammaanada ka hadla. Waana ayaan darro ninka ayadahaas akhriyayaa inuu noqdo hormoodka musuqmaasuqa.
Samalow Alle u toobad keen, ummadana xaqooda u soo celi, intaad haysan u ilaali, ammaantaada kolkaas igu eeg ani iyo inta wanaagaaga iyo wanaaga ummadda jecel.
Madaxweyne waan kuu duceeya, ee Alle ha ku tuso heshiisyada qarsoon ee kheyradka dalka ee Genel ugu dambeysay, Alle ha ku tuso lacag xad dhaafka ah ee ku baxda xafladaha iyo socdaalada aan macnaha lahayn. Alle ha ku tuso miisaaniyadda magacaaga ku baxda eedan waxba kala socon.

Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com

XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-QAYBTII 2

Waxaynu ku eegnay qaybti kowaad seddex xisaabooh oo WAsiir Samaale buuxsaday si uu u helo hanti aanu cidina weydiisan oo sida uu doono ugu tagrifalo. Waxa ayaan darro ah in Golaha Hurda ee Wakiiladu yahay wax matare aan meeshan banayn. Waxa hubaal ah in halka Soomaliland ka socon ladahay tahay jileeca ku jira Golaha ood moodo inay isagu tageen aqoon yarri iyo dhoohanaan. Miisaaniyaddu waa tan kaliya ee Golaha awood u yeeleysa hadday u maamulaan sida dauurku oggolyahay. Cidda daba galka u lihi waa iyaga. Cidda dalban karta xisaab xidh iyo warbixin sedddex biloodle ihi waa iyaga, cida hantidhowrka hawlgelin karta waa iyaga. Intaas oo dastuurku u oggolyahay ayey ka hurdaan. odhan maayo waa la laaluusha ee masuuliyad darro ayaa ku habsatay.

Maantana waxaan idin horkeeni seddex  xisaabood oo kale oo Sheekheena ayadaha quraanka ku muraadsadaa uu buux dhaafsaday si uu u helo xantoobin xeeladaysan.

KHRASHKA SAMEYNTA MIISAAANIYADDA oo ahayd 2012, lacag dhan 462 Milyan waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 962 Milyan, korodhsiino 500 Milyan una dhiganta 108%
DHIIRIGELINTA IYO ABAALMARINTA oo ahayd 2012, lacag dhan 200 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 500 Milyan. korodhsiimo ah 300 milyan una dhiganta 150%
HABEEN DHAXA TRAVEL ALLOWANCE oo ahayd 2012 lacag dhan 219 Milyan, waxuu ka dhigay 432 Milyan, korodhsiimo ah 213 Milyan una dhiganta 97%.

Kolkaad isu geyso seddexdan xisaabood oo keliya  halkay 2012 ahaayeen 881 milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1894 milyan, korodhsiimo ah 1013 milyan una dhiganta 115%.

Haddaba ma tahay wax maquul ah in labajibaar iyo wax ka badan ay xisaabahani hal sano ookaliya isu bedelaan. Meedey se xisaabtii dhabta ahyd ee 2012 la khrashgareeyey. Sabab la’ aanta loo kordhiyey lacag intaas leeki waxay ina tusaysa masuuliyad darraanta ciddi horjoogsan lahayd boobkan cad oo ah Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada.
Khrasha loo bixiyey sameynta miisaaniyadda maxa ka dhigey inay laba jibaar iyo siyaade noqoto illeyn awalba waa la sameyn jiray oo waa shaqo maalmeedka wasaaradde..

Sheekha hadalka macaani bal heyno bayaamiyo waxa kalifay inuu lacagta intaas leeg ku darsado miisaaniyadda oo uu si guracan u isticmaalo lacagta ay ka ooman yihiin kuwii laga soo uruuriyey, kuna baxaysa meel ayna oggayn.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso inta wanaagga kula jecel eed eryanayso iyo inta xumaanta ku maleegeysa eed hoosta gashanayso. Alle ha ku tuso hanti boobka la farsameeyey iyo baahida dalka taala. Aamin.

Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@gmail.com

Hoos ka akhri qaybti KOWAD


XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-1

Waxa hore aan idinku sheegey sida iga soo gaadhay masśul wasaaradda maaliyadda ka tirsan sida uu Samaale uu miisaaniyaddii 2013 dhismaheeda uga dhigey mid aan cidi kale aqoon oo uu wasiir walba uu gaar ula gorgortamay siiyeyna inta isaga khuseysa oon wasiirna ogayn kan kale miisaaniyadiisa, taasina ay dhantaashay doodi laga yeelan laha miisaaniyad qaran oo u dan ah ummadda. Haddaba hadafka uu taas ka laha waxa ay tahay inuu helo xisaabo uu keligii miisaaniyadda gashado oon cidi ku ogaan. Waana kuwan qaar ka mid ah oon halkan idiinku soo gudbin doono.

Xisaabahaasi dhamman waa qaar uu Wasaiir Samaaale keligii Maamulo oon cid kale awood u lahayn kana war hayn sida loo bixiyo iyo cidda la siiyo toona. Waana mid ka baxsan habaka loo maamulaa nidaamka dawladda. Waxa Samaale uu Wasaaradda la yimid boob iyo dhac qaawan oon cidina ku haysan. Waana mid ayaan darro ah in la waayo cid dhacan joojisa. Waxa muuqata inuu helay awood qarsoon oo uu ku jaahwareeriyey xukuumadda, hantidhowrkuna noqday mid wasiirka u shaqeeya halkuu noqon laha kan wasiirka xisaabiya.

 IJAARKA GAADIIDKA, GURYAHA  …oo aha 270 milyan sanadkii 2012, waxuu ka dhigay 600 milyan SlSH korodh ah 330 MILYAN
KHRASHKA LACAG URUURINTA  aha 600 milyan  2012, waxuu ka dhigay 1500 milyan korodh ah 900 milyan
LA-DAGAALANKA KONTRABAANKA aha 219 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1150 milyan korodh ah 931 milyan

Xisaabaha kale ayaa ka cajiib badan oo qaarkood aad la yaabi doonto magaca ay sitaaan iyo khrashka ku jira, ee bal isu geeya korodhsiimada seddexdan xisaabood oo keliya. halkey 2012 ka ahaayeen isugeyn 1089 milyan waxuu ka dhigay Saamaale 3250 milyan una dhiganta korodhsiimo 300% ah. Lacagtaas lama naaqishin Golaha Wasiirada, waayo lamaba keenin oo Saamale isaga ayaa Wasaarad kasta la xisaabtamay si gooni ahna u siiyey miisaaniyadda WAsaaradiisa oo keliya, tiisna cidi mey arag mana naaqishin xata Madaxweynaha waxba lagama weydiin.

Ma tahay wax macquul ah in sanad keliya khrash intaas leegi kordho , maxay asnsixiyeen Golaha hurda ee Wakiiladu, bal wareysta oo heli mid keliya oo xata idiin qira inuu arkay lambaradan, is daa inuu naaqisho amba oggolaadee.
Waa ayaan darro ina haysata.
Waxaa inoo xigta xisaabo kuwana ka yaab badan ee la soco.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso halka maalkii maataada iyo danyarta laga uruuriyey halkey ku baxday. Waan kuu duceeya ee Alle ha ku siiyo caafimaad.

Cabdi Xaaji Axmed.

Hargeysawi@ymail.com

Leave a Reply