Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Markale Ku Celiyay In Aaaney Doorashooyinku Dib Uga Dhicin Wakhtigoodii.

Filed under: Latest News |

Hargaysa (BM):- Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland  ee WADDANI, ayaa sheegay in komishanka doorashooyinka Somaliland uu muddo xileedkoodii ka dhammaanayo dabayaqaada sanadka soo socda, isla markaana loo baahan yahay in ay xukuumaddu iyo axsaabtuba arrintaasi qorshe cad ka yeeshaan.

Sidaasina waxaa sheegay C/rashiid Maxamuud Cali oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga Waddani oo maanta u waramay Qaar ka mid ah warbaahinta , waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in doorashooyinku wakhtigii loogu talo galay ay ku qabsoomaan, isla markaana waxa uu tilmaamay in sharcigu siinayo in xubin xisbiga Waddani ku yeesho komishanka doorashooyinka.

C/rashiid Maxamuud Cali oo ka hadlaya muddo xileedka komishanka doorashooyinka waxa uu yidhi “Waa arrin qaran waana komishanka qaran anaga xisbi ahaan waxaanu taaganahay oo aan aqoonsanahay in komishanka wali muddo u hadhay, sanadkan danbe dabayaaqadiisa ayay kaga eeg tahay wakhtigii mudadu ka dhammaanaysay wakhtigaa hadhayna in doorasho diwaangelin leh la qaban karo komishanku waa asad qaran oo la soo dhisay oo dhaqaale galay oo intaa soo jiray, markaa waxaanu leenahay sidii ugu macquulsan ee loogu faa’iidaysan karo in qaranku uga faa’iidaysato, anaguna qayb ka nahay in xubin ku yeelano waa dastuuri.Sharciga ayaa nasiinaya wakhtigeeda marka la gaadhana xubin wayn ku yeelanaynaa”.

C/rashiid Maxamuud Cali waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in doorashooyinka wakhtigoodii aanay dhaafin, waxana uu yidhi “Xisbi ahaan waxaan u aragnaa in ay tahay wax sharciya oo xukuumadda xaq loogu leeyahay in ay qabato.
Masuuliyada madaxweynaha ayay ka mid tahay in wadanka doorashooyinka sidii loogu talo galay uga qabsoomaan. Sidaad ogtihiin labo doorasho ayaa isdaba socda. Doorashadii madaxweynaha iyo baarlamaanka oo isku wakhti lagu beegay.Markaa diiwaangelintu waa in ay u dhacdaa 31-ka December 2014-ka inta ka horaysa oo sharcigu dhigayo lix bilood ka hor wakhtiga doorashada, labada doorasho ee kale waa in ay dhacaan Juun 2015 bisha lixaad. Markaa wuu jiraa wakhti lagu qaban karo labadaa doorasho, waxaana jirtay in dhawaan la wada saxeexay xukuumadda iyo komishanka iyo xisbiyada is afgarad deeq bixiyayaasha loo diray aanan rajaynayno in deeq bixiyayaashu ku soo diyaar garoobaan dhaqaalahoodii ay diyaarinayaan”.

Geesta kale hadalkan masuulkan sare ee ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa ku soo beegmay xili ay maalintii shalay ay kala saxeexdeen axsaabta mucaaridka Somaliland in aaney aqbali-doonin dib u dhac ku yimaada doorashadda isla markaana deg deg loo qabto diiwaangelintii doorashooyinka.

Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo bari hore lumisay taageeradii ay shicibku u hayeen ayaa dooneysa in ay dib u dhac ku samayso doorashooyinka dalka oo loo qorsheeyay in ay dhacaan 2015-xiligaasi oo ay Xukuumadda Siilaanyo wakhtigeedu ku dhacaayo ,waxaana muuqata in ay iyadu ku taagantahay qabashadda diiwaangelinta doorashooyinka ,taasi oo ay shicibka iyo axsaabta mucaaridkuba ay fahansanyihiin..

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.

Leave a Reply