Xog Ku Saabsan Baabiintii Hay’addii Wadooyinka Ee SRA By Maxamed Nuur.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Sida uu dhowaan wasiirka madaxtooyadu ka sheegay fadhigii baarlamaanka dhexdiisa taladii lagu baabiiyey Hay’addii wadooyinka Somaliland ee SRA la odhan jiray waxa ka danbeeyey seddex nin oo kala ah Axmed Cabdi Xaabsade, Maxamed Shukri Jaamac iyo Inj.Faarax Xuseen oo dhamaantood ka mid ahaa gudidii wadooyinka oo ka koobnaa 11 xubnood.

Waxa dadweynuhu weli is weydiinayaa sababta ku kaliftey seddexdaa nin in ay taladaa qaran dumiska ah soo jeediyaan ee ay uga talo qarsadeen 8-dii xubnood ee kale ee guddida kula jiray. Baadhis dheer ka dib waxa ii suura gashay inaan soo helo xogihii rasmiga ahaa ee seddexdaa nin mid walba ku kaliftay taladaa qaloocan.Seddexdaa nin mid waliba si gooni ah ayuu taladaa qaloocan usoo jeediyey, markaa bal aynu eegno waxa mid walba kalifay:

1. Axmed Cabdi Xaabsade:

Waa wasiirkii hore ee hawlaha guud. Ninkani markii laga dhigay wasiirka hawlaha guud wuxuu markiiba bilaabay sidii uu hay’adda wadooyinka oo ahayd hay’ad madax banaan uu uga dhigi lahaa mid ka mid ah waaxyaha wasaarada si uu awood ugu helo gargaraaca iyo gacan togaalaynta dakhliga yar ee loogu tala galay dayactirka wadooyinka ee hay’adu gacanta ku haysay. Laakiin damacaasi wasiirka wey u suura geli weydey sababtoo ah xeerkii hay’adda u yaalay ayaa talaabadaa oo kale diidanaa. Sidaa daraadeed wuxuu talo ku gaadhay inuu hay’adda baabiiyo maadaama aanay u suura gelayn damaciisu.

2. Maxamed Shukri Jaamac:

Ninkani waa gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ee iminka jooga, waxa kale oo uu leeyahay bakhaar iibiya qalabka dhismaha, waxa kale oo uu leeyahay shirkad dhismaha guryaha qaabilsan oo la yidhaa Daryeel. Sababta marka horeba uu ninkani gududa usoo galay waxay ahayd inuu qandaraasyada dhismaha wadooyinka iyo biriishyada ee hay’addu bixiso uu sifo aan sharci ahayn ku helo, iyo in qalabka dhismaha ee hay’addu u baahato laga iibsado bakhaarkiisa.Laakiin damacaasi wuu u suura geli waayay intii uu gudida ku jiray sababtoo ah xeerkii hay’adda u yaalay ayaa talaabadaa oo kale diidanaa. Sidaa daraadeed wuxuu talo ku gaadhay inuu hay’adda baabiiyo maadaama aanay u suura gelayn damaciisu.

3. Inj.Faarax Xuseen:

Waa injineer burco degan oo leh shirkad dhismaha qaabilsan.Sababta marka horeba uu ninkani gududa usoo galay waxay ahayd inuu qandaraasyada dhismaha wadooyinka iyo biriishyada ee hay’addu bixiso gaar ahaan kuwa laga fulinayo gobalada bari ee dalka in isagu uu sifo aan sharci ahayn ku qaato oo keligii fuliyo. Laakiin damacaasi isagana wuu u suura geli waayay intii uu gudida ku jiray sababtoo ah xeerkii hay’adda u yaalay ayaa talaabadaa oo kale diidanaa. Sidaa daraadeed wuxuu talo ku gaadhay inuu hay’adda baabiiyo maadaama aanay u suura gelayn damaciisu.

Sidaa daraadeed sida xogtaas kor ku xusan inooga muuqata seddexdaa ninba markii damacoodii shakhsiga ahaa ka dhex waayeen hay’adda ayay taladaa qaloocan ee qaran dumiska ah soo jeediyeen. Hadaba maadaama ay seddexdooduba ka mid ahaayeen guddi 9 xubnood ah Waxa habooneyd in 8-dii xubnood ee kale iyo dadweynaha kale ee aqoonta lehba wax la weydiiyo oo talada aad loo ruugo lana eego khasaaraha ay keeni karayso baabiinta hay’ad xidhiidh fiican la leh beesha caalamka oo hawl mihiim ah dalka u haysa.

Sida iminka wararku sheegayaana lacag gaadhaysa ilaa 200 million$ ayaa dalka kaga luntay oo kaga leexatay talaabadaa lagu baabiiyey hay’addii wadooyinka Somaliland oo runtii la odhan karayey waxaabay ahayd hay’adda keliya ee Somaliland ka jirta ee beesha caalamku aqoonsan tahay.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “caano daatay dabadood la qabaye”, waxa la gudboon madaxda dalka ee hada talada dalka gacanta ku haysa inay qaladkaa dhacay saxaan oo la sameeyo haykal iyo hanaan wacan oo hay’adda wadooyinku u shaqayn karto oo dalka iyo dibedaba raalin gelin karta si loo helo kaalmo caalami ah oo dalkeenan curdinka ahi u baahan yahay si loo gaadho horumarka aynu hiigsanayno.

Maxamed Nuur
maxanuur@gmail.com

Leave a Reply