Xukuumadda Siilaanyo Oo Xili Ay Adeegyadda Bulshadda Gobolka Sanaag Ay xidhan-yihiin Ka Bedeshay Lacagtii Giimbaarta Aahayd.

Filed under: Latest News |

Ceerigaabo(BM)- Xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa maanta bilawday in ay si rasmi ah ugu bedesho xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo  Lacagtii Giimbaarta ahayd iyadoo ay xidhan-yihiin adeegyadii bulshadda ee gobolkaasi ,oo ay Xukuumaddu waxba ka qaban-wayday.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Ceerigaabo ayaa waxa uu shaaca kaga qaaday in maanta ay si rasmi ah uga dhaqan gashay magaaladda Ceerigaabo bedalaada lacagtii Giimbaarta ahayd iyadoo dadweynaha lacagtaas loogu bedalayo lacagta shilinka Somaliland.

Waxa kale oo Gudoomiyaha Baanku  sheegay,in bedelaada lacagtu ay maanta ka bilaabantay sideed goobood oo ka mid ah Gudaha magaalada Ceerigaabo, dadweynuhuna ay ka bedelanayeen goobahaasi. Waxaanuu Carrabka ku adkeeyey in mudadaa sideed iyo afartanka saacadood ah ee ka bilaabantay maanta wixii ka danbeeya aan lacagta Giiinbaarta ah waxna lagu iibin Karin waxna lagu iibsan Karin.

Waxaanuu xusay in degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ay hore u joojiyeen isticmaalka lacagta Giimbaarta ah.

Dhinaca kalena waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay Maayarka magaaladda Ceerigaabo Md, Ismaaciil X.Nuur,waxaanuu sheegay in ay degmo ahaan soo dhoweynayaan bedelaada Lacagta Giimbaarta ah oo ay muddo dheer sugayeen.taas oo uu sheegay inay dhibaato ku haysay Ganacsiga degaankaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Muxumed Geelle(Dacar), ayaa isna halkaas ka sheegay in ciidammadda ammaanku amar buuxa ku qabaan in cidii lagu arka iyaga oo wax ku iibinaya lacagta Giimbaarta in tallaabo sharciya ka qaadaan.

Geesta kale bedelaadda Lacagtan Giimbaarta ah ee xarunta gobolka Sanaag ayaa ku soo beegantay iyadoo ay gobolkaasi hadhaysay darafyadiisa Bari ,xiisado siyaasadeed oo cadowga Somaliland maleegaayo kuwaasi oo ku lid ah jiritaanka iyo amniga Somaliland ,gaar’ahaan gobolka Sanaag isla markaana ay Xukuumadda Siilaanyo ,tahliwayday in ay wax ka qabato .

Sidoo kale bedelaadda Lacagtan oo ay caado u noqotay Xukuumaddu in ay Lacago badan oo Qaranku leeyahay ku Lunsato ,sidii awal horeba Burco ka dhacday ayaa ku soo beegantay iyadoo ay adeegyadda Bulshadda ee aasaasiga ah ee xarunta Gobolka Sanaag ay baaba yihiin ,kuwo kale-na ay xidhanyihiin kuwaasi oo ay Xukuumadda Siilaanyo ,waxba ka qaban-wayday isla markaana ay dadweynaha gobolkaasi had iyo jeer ka cawdaan ,waxaana fiicnaan lahayd bedelka Giinbaarta in laga horeysiiyo dhismaha adeegyadda bulshadda .

 

Burcomedia.com

Ceerigaabo.

Leave a Reply