Yaa La Xisaabtama Xukuumadda Maanta Jirta? By Xasan Jaamac Cali.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Wax Marag Ma Doonto ah in Maanta Somaliland Jirtay Labba Iyo Labaatan Sannadood (22). Laba iyo Laabtan Sanadood Ee Ay Somaliland Jirtay Wax Aynaan Marna Dafiri Karin Waxyaabo Badan oo U Qabsoomay oo ay Ka Mid yihiin, Dib u Heshiintii Beelaha Walaal ah Ee Wada Degga Somaliland, Dejintii Xeerarkii iyo Qawaaniintii uu Wadan Ku Socon Lahaa Oo Ugu Horeeyey Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Samaynta Asxaab Tiro Badan, Iyo Ugu Danbayn Hirgelinta Doorashooyin Dimuquraadi ah. Haddaba Akhriste Iyadda Oo Jirtaan Dhamaaba Horumarka Baxadda Le’eg Ee Aynu Xusnay Inuu Dalkani Ku Talaabsaday Ayaan Haddna Su’aasha Is Waydiinta Mudan ay Tahay Miyey Nidaamkii La Xisaabtama Dowaldda ( Accountability check-up).

Wax Laga Yaaba In Markiiba Si Deg Deg Ah Maskaxdadda Ugu Soo Dhacdo Wax Jira Baarlamaan ( Golaha Wakiiladda Iyo Golaha Guurtida) Oo Labaddooda Gole ba Loo Doortay In La Xisaabtamaan Xukumadda Iyo Ku Hagaam Xukumadda Hirgelin Qawaaniinka , Sharciga Iyo Xeerarka Wadanka U Yaala. Haddba Akhriste, Sida Maanta Inoo Muuqata Ee Ay Dafiri Karin Baarlamaanka Maanta Jirta Waa Golaha Wakiiladda Iyo Golaha Guurtida Ee Midna Si Toosa Ah Iyo Si Dadban Toona Ulma Xisaabtamo Xukumadda Talladda Dalka Maanta Haysa Ee Kulmiye. Wax Halkaas Kaaga Cad In Ay Xukumaddani Curyaamisay, Xadhkaha U Jartay Isla Markaas Faro Gelin Toos Ah Ku Hayso Dhamaanba Ha’aydda Ka Madaxa Banaan Dowladda Ee Ayad In La Xisaabtamaan Dowladda. Ha’aydahaas Oo Ay Ugu Horayso Hay’adda Sharci Dejinta Ahn Golihii Wakiiladda Ee Aynu Soo Doornay 2005 tii. Wax Kale Oo Iyadduna Halkaas Kaga Cad In Shaqadoodii Dayaceen Golihii Baarlamanka Ee La Soo Doortay. Haddba Wax Been Biyo Kama Dhibcaan Ah In Golihii Wakiiladda Ee Xaqa Ahaa Isla Markaana Codka Dadwaynahaya Ku Yimid Sharafoodii Iyo Karamadoodii Iyo Kalsoonidii Umaddu Siisayba In Siistaan Shililaamad Ay Dowladdu U Daadiso Oo Maalinba Wixii Ay Doonto Kaga Saxeexato. Taasi Waa Sababta Loo Arki Wayey Golihii Wakiiladda Oo Wax Ka Doodaya Aan Dhaafsiisnayn Gunnada Ha Na Loo Kordhiyo Iyagoo Oo aynu Weli Ognahay Wax Kharash Ku Baxa Iyo Sida Aynu Oomanahay Tacabkooda. Bal Ila Eeg Qaar Ka Mid Ah Waxyaabihii Ay Ahayd Gole Ku Sheegan Wakiiladduna U Xil Saarnaayeen Ee Aan Ila Imminka Waxba Ka Maqal. Shirkaddaha La Leeyahay Shidaal Sahamin Bay Wadanka Ka Wadaan Sharciyeyntoodii Iyo Cashuurtii ay Bixiyeen, Halkay Ku Bixiyeen Iyo Intay Bixiiyeba, Qandaraasyadda Dowladdu Bixiso Iyo Habka Ay Ku Bixinayso Oo Aynu Ogayn Oo Kii Eriboodhaka Hargeysa (Egal International Airport) Sidii Loo Maamulay Hantidii Dhamayd 5 ta Million Ee Dollar Ahayd Ee Ay Dowladda Kuwayd (Kuwait) Inoogu Deeqday In Eerboodhak Dib U Cusboonaysiin Iyo Casriyeynba Loogu Sameeyo. Maanta La Ogyahay Oo Airport Dhamaa Ee Casimaddu Weli Lahayn Adeegga Diyaradahu Ay Shiidaalka Ka Qaadan Laayeen Taasi Oo Xanibtay In Diyaaraddo Waawayn Oo Caalami Ah Ay Weli Ka Biyo Diidan Yihiin Soo Cago Dhigashadda Eerboodhaka (Airport) Dhamaa Ee Caasimadda Somaliland. Lacagta Dekedda Berbera Oo Qasnadda Dowladda Dhinac Marta, Isla Markaana Si Toosa Ugu Xaroota Madaxtooyadda Oo Aan La Ogayn Meel ay Tago Si Loo Maamulo Iyo Wax Lagu Bixiyo toona. Intaas Oo Arrimoodo Oo Is Barkin Wax U Yaalaan Golihii La Soo Doortay Ee Loo Doortay In Xukumaddan Kula Xisaabtama Halkay Marisay Handtidii Yarayd Ee Cashuurta Umadda Wadanka Sida Iskaga Soo Gooyeen Uun Ilahay Ogyahay. Didhibaatooyinka La Xisaabtan La’aan Dowladda Iyo Sharci Baalmaridda Iyo Musuqmaasuqa Wax Laga Bixi Kara Oo Keliya In Tallo Qaran Layska Yimaado Xukumada, Golayaal, Mucaarid, Aqoonyahay Iyo Waxgarabka Oo Laysla Eego Halka Wax Ka Khaldan Yihiin Ka Dibna Laysla Saxo.

Gabagabadii Wax Aan Jecelahay In Xukumadda Mid Idhaahdo, Golayaashii Wadanka Aan Mid Idhaahdo, Shacabkan Aan Mid Idhaahdo. Xukumadda Wax Aan Leeyahay Wax Ay Xukumadda Ku Tahay Waa In La Soo doorto Ay Sharci Kursiga Ku Fadhidaan Sidaas Darteed Sharci Dhawra Ha’aydaha Kale Ogoladda In U Madax Banaanadaan Shaqadood. Haddii Aad Idinku Umadda Sharciga Ku Hagi Waydaan Waxba Dhowri Waydaan Idinka Laydinma dhawrayo. Golayaasha Mid Baan Leeyahay wax Aan Leeyahay Umaddani Wax Codkoodii Idinku Siiyeen In Aad U Shaqaysaan Oo Wixii Ay Xaq Idiinku Leeyihiin Iyo Handtidooda U Dhawrtaane Ilahay Ka Baqo Oo Umaddan Waajibkay Idinku Lahayd Ka Soo Baxa. Shacabka Mid Leeyahay Oo Wax Aan Leeyahay Dowladdnimadiina Ilahashadda Oo Siyaasi Soo Shaqo Tagay Yaanu Idinka Shaashayn Isku Tago Oo Midooba Nabadna Ilaaliya, Cidii Aan Hogaanka U Dhiibansaana Cid Aan Hubtaan Oo La Xisaabtimi Karaysaan Ha Noqoto. Cadowgiinana Meel Ugu Soo Wada Jeesta.

Ugu Danbayntii Wax Aan Jecelahay In Aan Halkan Ka Hamabalyeeyo Kana Salaamo Golaha/Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Maanta Xaaladda Uu Wadanku Ku Jiro Darteed Aan Ahayn Gole Ama Madal Aynu Ka Maarmi Karno. Wax Inoogu Jiraan Halkii Mucaaridka Madama Oo Maanta Wadanka Mucaarid Shaqeeya Oo Xukumaadda Dhaliili kara Ama Toosinaya Jirin. Xukumadda Wax Leeyahay Nimanka Odaayshaha Ee Mujaahidiinta Ah Laga Dhegaysto Wixii Tallo Iyo Tusaalayn Ah Wadaan. Sidan Aan Arko Ma Ah Niman Doonaya Lacag Ama Kuri Laakiin Waa Niman Isku Xilqaamay In Wixii Dhaliil Ah Arkaan Toosiyaan. Qadiyadduna Ha Noqoto Maxay Leeyihiin Ama Maxay Sheegayaan Laakiin Yaanay Inaga Noqonin Kuma Yidhi Ama Qofma Sheegay Waxaasi. Inaga Dhibatadda Ina Haysa Wax Aad Aynu Isku Mashquulina Shakhsiga Laakiin Wax Uu Sheegayo Ma Sax Mise Ma Khalad Baa Mise Ma Jiraan Wax Laga Yaaba In Aynaan U Fiiran. Waayo Dhibataddu Ama Dhaliilshu Qof Qudha Ma Samayso Laakiin Qaranka Oo Dhan Bay Saamaynaysaa. Wax Aan Ku Soo Koobaya Reer Somalilandow Wadanka Waynu Wada Leenahay Aynu Meel Uga Wada Jeesno Horumarintiisa Iyo Wada Dhisashadiisaba.

ALLA MAHAD LEH,

GOD BLESS SOMALILAND.

Hassan Jama Liban

E-mail: Hassanchama75@yahoo.com

Leave a Reply