Yaa Tumaya Labada Caroog Cukuse iyo Cadaani By Xuseen Xasan Maax.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Dalkani ayaan darana oo hadana ayaan badanaa! Miyaanu kaba baxayn
guul-wadayn iyo afar jeeblayaal ku mama danyarta nolosha la
legdaamaysa.
Hore ayuu shacabkani u soo arkay wasiiro guul-wadeeya oo aqoontoodu
siisay inay cabudhin iyo cagajuglayn kula kacaan.Maantana dawladan
dhukkan waxay dib u soo celisay tabahii mucangagii Afweyne kula dhaqmi
jiray shacabkan Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxaanay ka mid tahay ayaandarrada dalkan ku habsatay.Waxa kale oo ayaan darro ah qofku inuu raadkuu eeday dib u raaco sida wasiirka warfaafinta Mudane Cabdillaahi
Maxamed Daahir (Cukuse).Marnaba shacabakani kamuu filayn Cukuse inuu
maanta kula dhaqmo qaabkii guul-wadaynta.Waayo? Cukuse waxa uu ka mid
yahay dhalinyaradii ku barbaartay dhibtii Afweyne dalka u
gaystay,waxaanu ahaa mujaahidiintii u dhabar adaygtay ee u badheedhay
inay iska dhiciyaan xaqdarrada ay dawladii faqash ku haysay.

badmaax

Mudane Cukuse waxyaabahii uu naftiisa ku waayi gaadhay waxa aan ka xasuustaa
maalin uu waraaqo gacanta ku siday xaga dhabarka intuu u wareejiyay ku
dhejiyay gidaarada magaaladan hargeysa ayadoo askarta afarta dhinacba
ka taagantahay baanka.Markaa waxa ayaan darro ah maantana inuu ilaabo
xuquuqdii uu maalintaa naftiisa u huraayay oo uu difaaco xaqdarrada
dawlada uu ka tirsanyahay kula kacayso shacabka.
Waxaan leeyahay Wasiir Cukuse adeer caga dhigo,kana caqli waynoow
inaad guul-wadayso oo danyarta geedka hoostiisa caagada caanaha ku
iibisa,muuska iibisa,kaaryoonaha dharka duugaa ku iibisa ee cashuuraha
aanay qaadi karayn dhabarka laga saarayo aad cagta ku cadaadiso oo aad
xaqooda ku cabudhiso,una caga-juglayso cidii u hadasha ee xuuqdooda u
raadisa.

 

Waajibkaagu waxa uu ahaa inaad dhawrto xuquuqdooda kuna
dadaashid sidii cashuuraha dhabarka ka jabiyay looga kala dhimi lahaa.
Waxa aan wasiir Cukuse xasuusinayaa inuu dib u xasuusto qodobadan
dastuuriga ah ee muwaadinka xaqooda dhawraya:
XUBINTA 3AAD
XUQUUQDA QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA12
AH IYO WAAJIBAADKA SAARAN MUWAADINKA
QODOBKA 21AAD
HIRGELINTA IYO FASIRAADDA
1. Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa
dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland
heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad
qodobada xubintan.
2. Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa
loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda
aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO XAQA DOORASHADA
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha
siyaasadeed, dhaqaale, buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo
Dastuurka.
2. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u
Ieeyahay in la doorto,waxna uu doorto.
QODOBKA 23AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
IYO IS-ABAABULKA
1. Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku joogawaxa
uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono,
iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono.
2. Arrimaha ku xusan faqradda laad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha
ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.
3. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro
siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa
shaqaale si waafaqsan xeerka.
4. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha
ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa
kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene.
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA
GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu
xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka
maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu
mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta
jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa,
sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la’aan
ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.13
2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii
uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo
sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo
xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad
gudubkooda.
4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman
xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA 2 6AAD
CIQAAB IYO DEMBI
1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana
reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
2. Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.
QODOBKA 27AAD
XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
1. Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo
sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu
codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed,
waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo
afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama
dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu
marsiiyaana wax-kasoo qaad ma laha.
4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
6. Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu
racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.
7. Marka qof la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa
uu xaq u leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
8. Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran
kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo
bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.
9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee
qodobkan xeer ayaa caddaynaya.
QODOBKA 29AAD
XURMAYNTA HOYGA
Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin
xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda,
haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos
ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga
inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka
garsooraha.
QODOBKA 30AAD
XORRIYADDA ISGAADHSIINTA14
Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa
boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu
xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada
oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.
QODOBKA 32AAD
XORRIYADDA BANNAANBAXA,
RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE
1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo
qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato,
kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka
asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin
madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu
cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.
Hadaba intaas oo qodob ayaa daljiraha ama muwaadinka siinaysa waxa uu
xaq ugu leeyahay dawlad kasta oo dalkan hogaamisa ama hogaamin
doonta,shacabka ayaana u codeeyay dastoorka.Waxa kale oo jira inaanay
waxba ka jirin xeerarka ka hor imanaya qodobada dastoorka loo
codeeyay.Sida xeerka 51/2012, iyo 54/2013 ee ay dawladan dhukkan meel
marsatay una samaysatay kadeedka ay shacabkan danyartaa ugu gaysan
lahayd.
Wasiir Cadaani isaga waxa aan leeyahay adeer ha moodin shacabkan
Jamhuuriyada Somaliland qaxoontiigii aad ka tirsanayd,una furatay
dukaanka yar ee ku yaalay magaaladii maraynka ka tirsanayd ee aad ku
joogtay sidaynu isla garanayno.Waad qaboobi qunyar soo soco.
Waxa aan ku soo afjarayaa yaa tumaya labada caroog,Cukuse iyo Cadaani.
Xuseen Xasan Badmaax

maxamed.jiciir@gmail.com

Leave a Reply